Axmed Muumin Seed Oo Caddeeyey Sababta Keentay Inay Siyaasiyiin Badani Xisbiga WADDANI Ka Yaacaan

0
7

muumin seedHargeysa:(Hubaal)-Siyaasi Axmed Muumin Seed oo katirsan hoggaanka xisbiga KULMIYE, horena u ahaan jirey guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga WADDANI, ayaa shaaca ka qaaday sababta keentay in siyaasiyiin badan oo caan ahaa ka yaacaan xisbiga WADDANI, axsaabta kalena ku biiraan.

Axmed Muumin Seed oo ka hadlay munaasibad shalay lagu soo dhaweeyey taageerayaal uu hoggaaminayo siyaasi Xasan Xaydh oo kasoo baxay WADDANI, ayaa caddeeyey in sababta keenaysa inay dadku WADDANI ka yaacaan tahay jileec iyo dhibaato xagga go’aanka ah oo haysata ghuddoomiyaha WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro), waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Dadkii WADDANI oo dhammi waxa ay kusoo biyo shubteen KULMIYE, taasina waxa ay muujinaysaa saaxiibkay Cabdiraxmaan Cirro waa nin wanaagsan, laakiin waa nin aan go’aan qaadasho lahayn, taas baana dadka kasoo eryeysa.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in bulshada reer Somaliland oo dhammi u heellan tahay sidii guddoomiye Muuse Biixi dalka u hoggaamin lahaa, maadaama ay taladii madaxweyne Siilaanyo sidaas noqotay, “Haddii uu madaxweyne Siilaanyo in badan ina soo waday, go’aankiisiina uu noqday inaanu murrashax ahayn Somaliland waa ul la isu dhiibayee cidda  xaaladda maanta aynu ku jirno inaga saaraysa in la doort dalkeena iyo dadkeenaa u baahan, Muuse Biixi-na ilaahay baa maanta gaadhsiiyey inay shacabku kusoo hirtaan, aadna waynu u garab istaagaynaa,” ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here