“KULMIYE ahaan mucaarid iyo kursi la helo waanu soo marnay, mid la waayona waanu soo marnay in kursi la tagaana nooma muuqatee waxa….”Gud. Muuse Biixi

0
17

 Muuse Biixi Oo Sharraxay Ujeedda xisbiga KULMIYE ka leeyahay saaxadda siyaasadda iyo aragtida ay Komishanka Doorashooyinka ka qabaan

Gudaha Ka Akhri Muuse Biixi Oo Muujiyey Warwarka Xisbigiisu Ka Qabo qabyooyinka nololeed ee dalka ka Jira iyo ka bixitoonkoodaba

muuse biixi cabdi

Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE Md.Muuse Biixi Cabdi, ayaa shaaciyey Inay xisbiga KULMIYE dhaabad adag u tahay aragti hufan oo waxqabad, waxana uu meesha ka saaray inay kaliya ajande ka dhigteen gaadhitaanka kursiga dalka looga arrimiyo.

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay madal uu xisbigu kusoo dhaweynayey taageerayaal kuso biiray shalay, ayaa xusay inaanu KULMIYE ahayn xisbi caaddifad iyo qabyaalad loo samaystay, waxana uu yidhi, “KULMIYE ma aha xisbi lagu dhisay qaybaalad iyo caaddifad iyo kursi aanu helo, aragtidiisuna kuma eka maanta kursiga aad heshid berri wax ay noqotoba.”

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa si cad u sheegay inuu xisbiga KULMIYE mar walba maanka ku hayo sidii uu dabooli lahaa qabyooyinka jira ee dalka, isla amrkaana aanay ku weynayn rabitaanka kursigu,  isaga oo caddeeyey inay ka go’an tahay aqbalaadda natiijada ay komishanku doorashada kadib soo saari doonaan, waxana uu yidhi, “KULMIYE marka uu shirayo maanta wuu is canaantaa, waayo KULMIYE ma eego wixii u qabtaye waxa mar walba u muuqda baahida inoo taalla, caqabadaha ina hor yaalla iyo hawsha ina sugaysa, kumana faano wixii uu qabtay, aragtida KULMIYE-na waa taas, KULMIYE waxa uu diyaar u yahay natiijada kasoo baxda Komishanka ee six or ah oo xalaal ah aanu u hoggaansanno, waayo annagu mucaaridna waanu soo marnay iyo kursi la iska helo iyo mid la heloba, kursi inuu qof yimaaddona nooma joogto haddii aanu KULMIYE nahaye inuu qarankani jiro, nabad ahaado oo marba ninkii helaa hoggaamiyo ayaa muhiim noo ah.”

Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay inay xisbi ahaan kalsooni buuxda ku qabaan komishanka doorashooyinka qaranka, waxana uu kula dardaarmay inay noqdaan garsooreyaal caddaaliyiin ah, “Komishanka doorashooyinka oo aanu kalsooni buuxda siinayno sida ay hawsha u hayaan iyo sida ay u wadi doonaan, iyagana waxanu ka doonaynaa inay noqdaan xaakimiin ama garsooreyaal dhexdhexaad ah oo dadka iyo xisbiyadaba ku qanciya inuu tartankaasi yahay mid xor ah oo xalaal ah oo si fiican loo tartamayo,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Muuse Biixi Cabdi waxa uu shaaca ka qaaday inuu xisbiga KULMIYE si kal iyo laab ah u aqabli doono natiijada ay komishanku soo saaraan waqtiga doorashada la gaadho, isla markaana aanay xisbi ahaan muhiimad weyn u arkaynin inay kursiga la gaadho, maadaama oo ay waayo arag ku yihiin arrimahaas, waxana uu yidhi, “Xisbiga KULMIYE waxa uu diyaar u yahay inuu natiijada komishanka si xor ah oo xalaal ah uga soo baxda inuu noqda xisbi u hoggaansama, waayo annagu mucaarid iyo kursi la iska helo waanu soo marnay mid la waayona waanu soo marnay in kursi la tagaana nooma muuqatee waxa noo muuqata inuu qaranku jiro oo uu nabad ahaado, kolba ninkii hayaana hoggaamiyo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here