Sarkaalkii Labaad Oo Muddo 24-saacadood Gudahood Iska Casilay Xisbiga WADDANI Ee Gobolka Gabiley

0
13

sarkaalka iscasilayGabiley:(Hubaal)-Afhayeenkii xisbiga WADDANI ee gobolka Gabiley Md. Cabdiraxmaan Sayid Faara, ayaa shaaca ka qaaday inuu iska casilay xilkii uu u hayey xisbigaas, taageeradii uu u hayeyna uu ka noqday.

Afhayeen Cabdiraxmaan oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gabiley, ayaa si rasmi ah u sheegay inuu xisbigaas iskaga dhaqaaqay, isaga oo sababeeyey shaqo ka tegistiisa, waxana isaaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Markaan eegay mustaqbalkayga siyaasadeed ee aan la tashaday dadka saaxiibaday ah waxan gartay inaan ka tanaasulo xisbiga WADDANI, xubinnimadiisii iyo xilkiisiiba, laga bilaabo maantana aan kamid noqdo muwaadiniinta reer Gabiley ee madaxa bannaan, arrinka xisbigaasina waa sillan sugan oo waa Istaanbul Cadar la iima marin, Udubna waa I daaray, halkaasna waxa iiga muuqata inaanu doorasho doonaynin, aniguna taas Ayaan uga tanaasulay.”

Cabdiraxmaan Sayid Faarax, ayaa noqonaya masuulkii labaad ee muddo 24-saacadood gudahood ah iska casila xisbiga WADDANI, waxana maalinba maalinta ka dambaysa soo kordhaya saraakiisha xisbigaas u qaabilsanayd gobolka Gabiley ee iscasilaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here