Maareeyihii Wakaaladda Biyaha ee Berbera ee Beddelkiisu Khilaafka dheliyey oo ka Muquurtay Kulan uu Xilka ku Wareejin lahaa

0
31

MAAREEYAHA-LOO-MAGACAABAY-WAKAALADDA-BIYAHA-EE-BERBERA-MAY-2017-PHOTO-FILEBerbera (Hubaal):- Maareeyihii Wakaallada Biyaha Berbera Kayd Cabdillaahi Xandulle, ayaa ka muquurtay, isla markaana ka soo xaadiri waayey Kulan loo ballansanaa inuu xilka ugu wareejiyo Maareeyaha cusub ee loo magacaabay Wakaaladdaas. Sida aanu ka soo xiganay degelka Aftahannews.com oo aanu warkan kasoo xiganay waxa jiray Khilaaf iyo is-maandhaaf   muddo dhawr toddobaad ah ka taagnaa wareejinta Xilka Maareeyaha Wakaaladda Biyaha ee magaalada Berbera, kaas oo Salka ku hayey Wareegto Wasiirka Biyuhu ugu magacaabay Axmed Aadan Ismaaciil Maareeyaha cusub ee Wakaaladdaas, balse uu ku gacan-saydhay Maayerka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Ciddin oo diiday in xilka lagu wareejiyo Masuulka la magacaabay. Hase-yeeshee,  dhexdhexaadin iyo wadahadal Madaxtooyadu qayb ka ahayd laysku afgartay in Maareeyaha joogaa uu xilka u tiriyo 24-ka bishan May 2017-ka oo Arbacadii Maanta ku beegnayd, sidaana xilka ku qabto Maareeyaha cusub ee xilkaas loo magacaabay Axmed Aadan Ismaaciil oo uu magacaabay Wasiirka Khayraadka Biyaha Xuseen Cabdi Boos toddobadii bishan May 2017.  Maayerka Berbera Cabdishakuur Cidin oo isagu hor-taagnaa xil-wareejintaas iyo Badhasaabka gobolka Saaxil, ayaa Shir Jaraa’id oo ay toddobaadkan ku qabteen magaalada Berbera, waxay ku shaaciyeen in khilaafka iyo is-maandhaafka jiray la dhammeeyey, isla markaana xil-wareejintu dhici doonto 24-ka May ee Maanta ku beegnayd. Balse, taasi may dhicin Maanta, markii uu Maareeyaha Shaqadu ka dhammaatay ee xilka wareejin lahaa Kayd Cabdillaahi Xandulle ka muquurtay inuu yimaaddo Madashii lagu ballansanaa inuu xilkaas ku wareejiyey. Xiisad iyo khilaaf ka shalay beddelka Maareeyaha Wakaallada oo Wasiirka Biyuhu u magacaabay Maareeyaha cusub ee aan weli xilka lagu wareejin. Arrintan ayaa khilaaf hor leh ka ka dhex abuurtay Golaha Deegaanka Berbera iyo Maamulka gobolka Saaxil oo isku maandhaafay, ka dib markii Golaha Deegaanku sheegeen inay iyagu Masuul ka yihiin Wakaallada Biyaha oo aanay hore uga ahaan jirin. Maareeye Kayd oo u riyaaqay dhawaqa Golaha Deegaanka Berbera, isagoo illaabay in uu xilka ku qabtay Digreeto ka soo baxday Wasaaradda Khayraadka Biyaha, ayaa si cad uga horyimi Wasaaraddii laga magacaabay. Sida ay wararka Xog-ogaalka ah ee Aftahannews ka helayo Berbera tibaaxeen ma jiro wax Cudur-daar ah oo ka yimi Masuulka la doonayey in uu xilka wareejiyo oo uu uga baaqday xil-wareejinta Arbacadii Maanta loo ballansanaa. Warar Xog-ogaal ah oo la xidhiidha muranka Wakaallada, ayaa daaha ka qaaday sababta Golaha Deegaanka Berbera isugu xusul-duubeen Wakaallada oo la sheegay inay ku sallaysan tahay Lacag faro badan oo dawladda Hoose ugu tallogashay ballaadhinta Biyaha magaalada oo ku jira Mashruuca JPLG ee dawladaha Hoose. Masuuliyiin la sheegay in uu hoggaaminayey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Khayraadka Biyaha iyo illaa Shan Sarkaal oo kale, ayaa ka qaybgalka Xafladda Xil-wareejinta loo muddeeyey Maanta ee labada Maareeye ee is-beddelayaa xilka ku kala tirsan lahaayeen u tegay shalay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil oo ay illaa galabta ku sugnaayeen, sida ay Wararka Berbera laga helayaa sheegeen, waxaanay iyaga laftoodu u muuqdaan inay ku hungoobeen ku talo-galkoodii. Welina ma cadda xilliga rasmiga ah ee ay dhici doonto Xil-wareejintaasi iyo in uu khilaafkii la shaaciyey in la xalliyey soo laba kaclayn doono iyo in kale. Go’aanka Maayerka Berbera iyo Badhasaabka Saaxil toddobaadkan ku shaaciyeen Shirkooda Jaraa’id ee ahaa in xal laga gaadhay khilaafka jiray iyo muddaynta ay muddeeyeen maalinta xil-wareejintu dhacayso, ayaa u muuqdo in is-faham buuxa lagu soo afjaray khilaafkaas, balse maaddaama aanay weli hirgelin arrintaas, waxay Dadka Reer Berbera qaarkood u arkaan in dhawaaqaasi ahaa xumad-jebin, balse ay hadda sheekadu u muuqato inaan weli xanuunkii jiray si buuxda loo dawaynin, waxaanu khilaafkani hakin karaa ama meesha ka saari karaa Dhaqaalaha loogu talo-galay ballaadhinta iyo horumarinta Biyaha Berbera ee laga bixinayo Mashruuca JPLG.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here