ROOBKA’ MAYEEDHAANKA AAN LA CABNO! Qalinkii : Ahmed Ali Kaahin

0
101

 

Dhamaantii SCWR salaan gobeeed iga gudooma, waxaan idiin soo diray maqaalkan ee inoo daabaca haddii ay suuto gal tahay shukran

NB:waa 3 qaybood ee waxaan usoo wadda diray si aad wakhtigaad doontaa usoo kala galiysaan maalmaha, 3 cishoo kala gaaraan ugu tala galay hadii ay suurto gal tahay mahadsanidiin 

 __________________________________________________

ROOBKA’ MAYEEDHAANKA AAN LA CABNO!

Qalinkii : Ahmed Ali Kaahin,                                                                             Qaybtii : 1aad

Maxaan ka baranay abaarta

Isbadalada noloshu iyo imtixaankeedu waa lamaane isbadalkoodu, joogsanayn, inta noloshu taagantahay,  kuna xidhan isbadalada nololeed ee bulsho, iyo  gaar u ah qofka, kuna xidhan, xaalada qof ahaaneed, iyo u hogaasanka Rabbiga abuurtay, adoomahu way ku kala duwan yihiin imtixaanka iyo qaabka ugu dhaco bulshadaasi, sababtuna waa qaabka habdhaqan, iyo hogaasanka , taasi oo saamaysa Nabad iyo Caano, iyo qalbi dagaanta dhaawac gaadho.

Abaarta Maxaa keenay

v  Duu’duub ahaan, Du’nuubta Aadamaha.

v  Sida ku cad (Aa’yada Suurada Ruum 40, baalka 408) Dhul, iyo bariba, waxa kasoo butaacay xumaantii ay faleen, gacmaha aadamigu.

Sida Dr Salman Ashqar kitaabkiisa, tafsiirka ee kooban, ku macneeyay aa’yadan biyo dhaceedu yahay,  in la falay fasahaadkan, soo socda oo ay sal u yihiin labadan qodob.

Ø  In Rabbi cibaadadiisa cid lala lamaaneeyaa

Ø  Fasahaadka guud ahaan

Axmed Cali KaahinLabadaa arrimood waxa ka dhasha, ciqaabahan soo socda, iyo qaar kale oo sal u ah kharibaada dunida dhamaanteed oo dhanwalba ah, waxaanay kala yihiin kuwan

Ø  Abaar iyo Nabaad guur

Ø  Cidhiidhi arsaaqda ah

Ø  Cabsi badan

Ø  Sicir barar

Ø  Faa’iido yar, xaga ganacsiga

Ø  Isku socodka, dadka oo adkaada

Ø  Dulmiga oo bata

Ø  Iyo arrimo kale, oo lamida

Aa’yada, inta ka hadhayna, waxay leedahay (si loo dhadhansiiyo ciqaabta qayb camalkiina ah), gabagabada aa’yada Rabbigeen (Subxaanah) kusoo gabagabeeyay hadal cajiiba, dhugashana leh, waxaas oo dhibi waxay u dhaceen, (si aad xumaanta uga soo noqotaan, toobad keen saafiya).

Haddaba abaartii baxday, Naxariistii,  Rabbi Inoogu deeq, wakhti aynu quusad,  u dhaw nahay, tamar aadmina meel gaadhi wayday, waxa ugu wayn ee aan ka baranaynaa waa

Maxaan ka baran karnaa

ü  Kalinimada Rabbi ee kawkan, iyo  maarayntiisa wax yar iyo waxwayn.

ü  Tamaryaraanta Aaadamaha guud ahaantii oo dhan oo isku duuban .

ü  Iyo meesha kaliyee xalku yahay in ay tahay “u yaaca xagga Rabbi”.

  • In mar walba naxariista iyo barwaaqada , laga raadiyo ku toosnaanta dariiqa rabi.
  • In laga dheeraado, dhamaan waxkastoo kabaxsan xayndaabka diinta.
  • In dhamaan laga toobad keeno dunuubtii, sababta u ahayd abaarta.
  • Iyo in la isku naxariisto, dadkeena baahana hoos loo eego.
  • Ducadana la miciinsado.
  • Wanaagana la is faro, xumaantana la reebo si xikmad, iyo waano san leh.
  • In si fiican loo hawl galiyo,  u jeedooyinka ay u taagan tahay wasaarada diinta iyo aw qaaftu.
  • Iyo in culimadu tusaan bulshada isku duubni, iyagoo haddana wax badan ku kala duwan, khilaafkoodana, keenayn fagaaraha, si karaamadii iyo kalsoonidii lagu qabay u dhaawacmin.
  • In qaranka iyo dalka,  loo duceeyo, oo  aan la habaarin madaxda, khaladkoodana hoos loogu sheego, oo aan fadeexad laga dhigin, si aan loogu dhiiran in qaranka la dumiyo, qarankoo ah hantida kaliye ee ugu qaalisan ee inaga dhaxaysa.

Maxaa inala gudboon

Bulshadeena

Bulshadu waa meesha sartu ka qudhuntay, gaar ahaan hab dhaqanka, waana warshada soo saarta,  muwaadin toosan, ama mid  khariba  kawnka, samatabixintuna waxay u dabran tahay, isbadal ku dhaca,  adeecid, dhaba iyo akhlaaq wacan oo ku qotanta kitaabka kariimka ah iyo sunaha saafiga,  waayo, haani guntay ka tolantaa, kacaan dhakhso ah oo ku waajahan dhaqanka iyo asluubta guryuhu waa lama huraan, haddii si dhaba loo rabo, samatobixin dhaw, oo dhibaatada lagaga baxo, wakhtigan adag.

Aabaha iyo hooyadu waa in masuuliyada koobaad, si dhaba u qaataan, maanta habdhaqanka dhalintu waa astaan ifinaysa in khatar akhlaaqeed iyo mid diineed soo fool leedahay, halkay waxkastaa ka xumaadeena, waa guryaheena,  oo saara sariflayaal hoos u dhigay, hidii iyo hoygiii diimeed, ee aynu kusoo caana maalnay.

Waxa soo socota qaybtii 2aad.

Qalinkii : Ahmed Ali Kaahin

ahmedckahin@gmail.com

Taana waxa kasiidaran waayeel badan oo u dhaqma qaab aan haboonayn, dhibaato  kawayna  soo gaadhsiiyay dhawrsanaantii, iyo dhaqankii waayeelku ku suntanaa, kaalmo nolosha   saamayn  ku leh  sawir xun ka muujiyay,  uguna horayso qabyaalad, iyo qaybin qomiyada walaalo ah, iyo arrimo khuseeya xilgudasho la’aan maamul iyo mid dhaqaale, lana wadagaan, qayb ganacsatada kamida, oo noloshii ka dhigay in awooda wax iibsigu hawlgab noqotosababo badan awgeed, waa in olole dib u curasho oo kacaan wanaajin umadeeda la qaadaa,

Kacaan kaasi oo ku waajahan isbadal qaab dhaqan, waana arrin fudud, haddii loo hagar baxo, dadkuna rabaan wanaaga, haddii umadu hesho mutadawiciin iskood isku xilqaama, dantoodana ka hor mariya ta umada, nidaamkana si hufan oo hawlkarnimo ah uga soo baxa,  iyagoo adeegsanaya  sharciga iyo nidaamka dawladnimo ee dadku ku midaysan yahay,  kana dheeraanaya feedho jeex siyaasadeed, kuna kooban hagaajin arrimo bulsho, taasina dawlada uun baa xaq u leh.

Miyiga ama tuulooyinka

Dhinaca miyiga sheekhbaa laga hayay sida “Abaarta waxaa kasoo horeeyay abaar diimeed”,  runtii hadaad marto miyiga,  cibraa kuu kordhysa, mar aan miyigeena meelo badan maray ilaa todobaadna u hoyday, aadna ugu dhawaaday, waxaa iisoo baxay, yaxyax nololeed, iyo doqoniimo tii ugu hoosaysay, waayo subaxdii 9:30 maqaaxiyuhu waxay u camiran yihiin sida xiliga qayilaada magaalooyinka loo camiro, hadda waa galin hore iyo barqo cusub oo deeq Rabbiya Swt, iyo wakhti shaqo.

takle salaada subax waxyar kadib, waxaad ku toosaysay baabuur guuxii, markaan eegayba, waaba laba xaajiyadood, oo Qaad ku raran, tuuladana cidi may toosinba, wuuna dhaafay si uu tuulooyinka kale u gaadhsiiyo, kadib markii baag laga soo tuuray, usoo kalahaadii baa  bilaabmatahay, in loo soo wada gaadho qaadkaasi, dhinaca cibaadada aadbay u liitaan, dadkaasina  waa dadkeenii oo badbaado diineed iyo gurmad u baahan, Rabbina ina fara gurmadkaasi” Waar dadkiina Naar uga diga”.

bulshadeenaa miyiga, baahidooda ugu waynina waa mid diineed. Iyagana waxaa la gudboon, in ay u naxaan naftooda,iyo qoyskooda, iyo degaankooda, dhibta wayn ka daayaan. Iyadoo ay jiraan dad miyiga ugu nool sida tujaarta dunida, oo beer roobaada ka dhigay goob yar oo cagaaran saxarena ku dhextaal, cagaarka iyo waxsoo saarkana gaadhsiiya magaalooyinka, markii ay gacmahooda miciinsadeen, waana in dadkeena tusnaa awooda,  Rabbi dhex dhigay nafahooda, balse dhamaanteen silsiladaan  isku jabinay,  qalbigana quful layidhaah haayad baan ku jabiyay, wax wadda qabsigii waxa kaliya ka  hadhay in la is aaso, u fiirso sida marka xabaalaha la qodayo xooga loo mideeyo, wax kayar 5 saacadoodna lagu qodo Xabaal barked leeg,

haddii maalinba nin la yidhaah, barkad aan u qodno, maalinta dambana beerta la beerno maalinba qof, guul intee leeg baa la gaadhi lahaa .

Culimadeena

Culimadu maanta waxay ku qormeen baal dahaba,  oo aad uqiimo badan, sida ay ugua soo baxeen hawshii samatabixinta bulshadeena, abaaruhu saameeyeen, taasi oo ahayd waajib saarnaa oo ay sidiisii u guteen, culimadu waa in ay xooga saaraan, dadkana baraan,  Aayada Quraankeena ku jirta “haddii dadka tuuladu  dagan, rumeyaan, baqdaana waxaan ufuraynaa barakooyinka samada iyo dhulka “

Labadan Arrimood hadii la helo.

Ø  Rumeeyaan Rabbi,Swt.

Ø  Kana Cabsadaan Rabbigood,Swt.

Labadaas marka la inaga helo, waxa xiga, in maraqa laga furo ,Barakooyinka samada iyo dhulka, Aa’yadaas oo sidaas macneheedu u dhawaa.

Balse  la ina barin , qaabka kale ee bulshooyinka dunidu ula tacaasho abaaraha, oo ah in aduun la uririyo lagaga,  baxo  dhibaatada,  taasi oo aynu tijaabinay in aynaan barkad biyo ah buuxin karin, balse la ina baro , qaabka rabbi naxariistiisa lagu soo jilaabo,  iyo  qaabka caadka ama gibilka dunuubta ah,  ee aan ku xidhay samada, oo u diiday in dhibic roobi dhulka soo gaadho looga qaado, si roobku usoo da’o, taasi ah toobad keen.

Indheer garadka

Waa in dadka hormoodk, Ganacsatada,Aqoonyahanka,Salaadiinta,Haldoorka Siyaasiinta , la yimaadaan hogaamin san,  hormood samaaneed, iyo asluub wacan leh oo lagu hirto , si bulshada inteeda kale ugu dayato, una hiigsato , waayo waa cida bulsahada qaybaheeda, a’bab’ka ahi, kuhamiyaa in mar uun noqdaan, qof mudan oo meqaam sare leh, meelna u buuxiya dadkiisa, oo aan qaabka hadda Muuq baahiyayaasha laga dheehdo ahayn, dhinaca kale arrimahan aan haboonayn waa in warbaahintu baahiteeda ka lahaadaan siyaasad cad in aan la baahin anshax xumo masuul. Waayo noloshu waa isku dayasho, taa xun bay barbaartu moodayaan qaab anshax oo lagu dhaqmi karo.

Waxa soo socota qaybtii 3aad.

Qalinkii : Ahmed Ali Kaahin

ahmedckahin@gmail.com

Ganacsatada

Waa astaan haddii sakada labixinyaayo in cirkuna biyihiisa haysanayo,  arsaaqdeenu ku xihantahay,  taasi oo ah sune Rabbaaniya,  oo waa laba isku xidhan, waana sune in Sakada la bixiyo iyadoo  dadka u muujinayso bixintaada, oo aan la qarin, waayo tuhun baa imanaya, ganacsatada kalena way dhiiranayaa bixinteeda, dadkana tuhunkaa ka baxaya, inta badana lama arko tujaarta waawayni qaabkay sakada u bixiyaan dadkuna faalooyin bay ka bixiyaan.

Qaabka ganacsiga waa in la waafajiyaa baabka Iibka (looona yaqaan Kitaabul Buyuuc) culimaduna sheegaan in qofka ganacsadaha ah, ee aan aqoon u lahaynd qaabka islaamku u dhigay ganacsiga, in uu la mid yaya nin maxkamad fadhiistay oo dadka kala xukumaya, arrinkaasi  oo gabacsatadeena qaarkood ka fikirin, ama maskaxdoodaba ku soo dhicin, in loo baahan yahay xirfad diineed oo lagu ganacsado, si aad u noqota xalaal miirad, haddii kale waxaa tahay sidii ninkii habeenkii xaabaysan jiray, una dhaw in uu Abeeso qaato,

Ummada waxa loo keenayo waa masuuliyad aad u culus, una baahan foojignaan dheeraada, gaar ahaan dunidan ilbaxday ee halista badan, aadna  loo shaandheeyaa tayada  guud ahaan gaar ahaan dhuuniga,una  keenaan alaab tayadeedu sarayso, halkaasi oo cabasho xoog badan ka jirto, haddii ay jirto in hoos loo dhigo tayada, waxay la mid tahay, in miisanka iyo miiska la khiyaameeyo, oo ah jariimadii waynayd ee lagu  rogay qoomkii reer Nabi Shucayb CS,  arrinkaasina u horseeday halaag iyo hoog, abaalkoodiina noqday in halaagii Rabbi swt u yimaado, lana moodo in aanay waligood jiri jirinba,

Dadka qaar baa eedeeya tayada allaabada dalka la keeno, balse eedayntaasi maaha mid cadaynteedu buuran tahay, balse haddana meesha lagama wadda saari karo, in bahda ganacsatada ku jiraan qaar xaga qaloocan wax u wada, balse sida xadiiskii ku cad  markii Rasuulkeenu, (SCWR) inoo sifeeyay dhibaatada xaaraantu ku leedahay nolosha, tusaale inoogu bayaamiyay, nin reer miyi ah oo safar ah oo boodhaysan oo basaasan, baahi badanina haysto, oo gacmaha kor u taagaya lehna  Yaa Rabbi Yaa Rabbi, waxa uu u yidhi Suubanihii sidee looga aqbalayaa, dhuunigiisu waa xaraan, dharkiisu waa xaaraan, isagoo taagan meelaha ducada la aqbalo.

Dawlada

Dawlada waajibka koobaad ee saarani waa qodobka 1aad,  ee dastuurka dalka oo ah diinta , balse waajibkaasi waxaad moodaa in lagu ilaabay waajibaadyo kale, oo u badan dhinaca dharginta hunguriga , lana hilmaamay dharginta nafta, oo u baahan waxyiga iyo sunaha laga dhargiyo, in lagu baraarugo oo xooga la saarana, waa xalka dhibaatooyin badan oo aan meelo kale ka raadinayno, “Cudurka kaa gala Fardaha haddii laga gubaa Dameer “ xaalkeenuna sidaas buu u egyahay, in qaranku ku baraarugana waa muhim, waayo dhibaatooyinka oo dhan waxaa hooyo u ah fasahaadka, oo khatar ku ah aminga iyo nolosha, iyo deegaanka, u fiirso dhalinta masaajidada ku xidhan ma badna in saldhigyada booliska lagu arko iyagoo dalka rabshaya,

Gabagabadii wanaagu ugu horeeyaa, waa in aad naftaada hagaajiso qof kastaa kaligii, taasi haddii ay dhacdo dhamaan bulshadu way wada wacnaan, doontaa taasina u horseedi doontaa sidda Rabbi (Swt) sheegay “haddii ay toosnaataan waxaad idin waraabin doonaa roob dhibco waawayn” ugu dambaytiina (“Haddii aanay jirin mayeedhaanku dhibic  rooba la idinma waraabiyeen”), sida uu yidhi rasuulku haddiis macnihiisu sidaasi  u dhawaa “ markaa maynaan odhan karin roobkan da’ay kii mayeedhaank weeyaan,  waxa kaliya ee inoo babaabina in aan la cabno uun, waayo markii aynu u baahayn keenii, waxa shiraac ama gibilwayn oo dunuub teeniiyi xidhay roobkii,  daruurta , dusheena joogtayna u diiday, in dhibic usoo dhaafta xaga dhulka lagu dambaanay.

Halka dadka kale ee diinlaawayaasha ah ciqaabtu qalbiga kaga dhacdo, markay Rabbi ka kufriyeen, balse dhinaca duunyada rabbi uu u sakhiray, si ay ugu kodmaan, taasi oo iyaduna koday muslimiin badan, lana yaaba barwaaqada, balse aan kawar qabin qalbi olalka iyo laab  jeexa  joogtada ah ku haya, hurdo iyo hoyna u diinay, kuna qasbay in nolol iyo dagaan qalbi dareemaan mar uun, kuna wareegaan waxa la yidhaa dalxiis  si nafta u dhargiyaan,  markey ka qadeen iimaanka qalbiga qaboojiya, halka kuwa,  u adkaysan waayaa, la’dlaan la’aantaa niyadu nafta is dhaafiyaan si ay u nastaan.

Dhamaad

Qalinkii : Ahmed Ali Kaahin

ahmedckahin@gmail.com

HA HILMAAMIN XUSKA RABI.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here