Tartanka Kubadda Cagta Ee Bisha Ramadaan Oo Maanta Si Toos Ah Uga Bilaabmay Garoonka Gacmadheere Iyo Natiijada Kulankii Lagu Furay

0
19

Hargeysa (Hubaal) Waxa Maanta oo ramadaan kow ahayd si toos ah uga bilaabmay garoonka kubadda cagta ee Gacmadheere, Tarkanka kubadda cagta ee bisha Ramadaan.

Tartankan oo ay kasoo qaybgaleen lix iyo toban kooxood oo ah kooxaha heerka koowaad ee magaaladda Hargeysa, ayaa ciyaartii furitaanka waxay Shalay garoonka Gacmadheere kudhex martay labada kooxood ee kooxda Axmed Raan Shop iyo kooxda Shiil Businnes Company.

18767123_1359270490854531_478457446_o

Tartankan oo si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa kasoo xaadiray gegida Gacmadheere daawadeyaal aad u badan, Ciyaartii furitaanka oo labada kooxood ay halkaasi kusoo bandhigeen ciyaar xirfad sare leh, isla markaana Soomaneyaashii daawanaayay ka mabsuudeen.

Goolkii ugu horeeyay ee tartankani waxa furay kooxda ku ciyaaraysay magaca Shiil Business Company oo dhalisay qaybtii hore ee ciyaartaasi, waxaana goolkaasi u saxeexay kooxda Shiil B.Com laacibkooda Muxiyadiin Shiil, waxaana lagu kala nastay qaybtii hore ee ciyaarta 1-0 ay ku hogaaminyaan kooxda Shiil Comp.

Ciyaari waa gelin dambe e’, markii layskugu soo laabtay qaybtii dambe ee ciyaarta waxaa derder iyo weerar hor leh la yimid kooxda Axmed Raan, oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii ay u keensan lahaayeen goolka lagaga hormaray, waxaana daqiiqadihii u dambeeyay ee ciyaarta ay keensadeen goolkoodii ugu horeeyay, oo ciyaarta ka dhigay mid bareejo ah 1-1, waxaa goolkaasi u saxeeyay kooxda ku ciyaaraysay Axmed Raan Shop, laacibkooda Maxamed-shaakir (yadhe) oo ciyaarta ka dhigay mid 1-1.

18766966_1359270494187864_372866629_o

Gebogabadii ciyaartaasi waxay ku dhamaatay 1-1, kooxaha Axmed Raan Shop iyo Shiil B. C oo kuwada jira group-ka A oo shalay lagu furay tartanka kubadda cagta bisha Ramadaan ee ka bilaabmay garoonka Gacmadheere.

Sida caadada ah bisha barakaysan ee Ramadaan waxaa magaaladda Hargeysa iyo guud ahaan gobollada JSL ka bilaabma tartanno ciyaaraha ah oo loogu talogalay bisha Ramadaan in bulshadu ku madadaalato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here