Xukuumadda Oo Dib Uga Noqotay Xayiraad Ay Hore Ugu Soo Rogtay Ganacsatada Bucsharadahooda Ku Cashuurta Jeegaga Bangiga Dhexe

0
10

Wasaaradda Maaliyadda Oo  Ganacsatada Somaliland Ugu Ogolaatay  Inay Jeegag Ku Soo Cashuurtaan Bucsharadahooda Uga Soo Daga Kastamadda

central-bank

Hargeysa (Hubaal) Wasaaradda Maaliyadda oo hore Ganacsatada Somaliland uga mamnuucday inay Jeegag ku soo cashuurtaan bucsharadahooda uga soo daga Kastamadda Dalka ayaa dib ugu ogolaatay, kadib markii in muddo ah cabasho ka soo yeedhaysay ganacsatada lacaguhu u yaalaan Baananka Dalka, kuwaas oo lagu amray inay lacago kaash ah Kastamada geeyaan. Nidaamka la joojiyey ee Jeegaga ayaa dhawr jeer soo noq noqday, kadib markii khilaaf soo kala dhex galay wasaaradda Maaliyadda iyo madaxda Baanka, kuwaas oo isku maan-dhaafay nidaamkan oo kooxiba u aragtay inay caqabad ku tahay shaqadooda. Wasaaradda Maaliyadda ayaa dhawr jeer nidaamkan mar na fasaxda mar na joojiso, iyadoo aanay mar naba sheegin sababta rasmiga ah, hase yeeshee talaabadan waxa soo dhaweeyey Ganacstada iyo Baanka oo ay dhibaato weyn ku haysay rarka lacagta kaashka ah, maadaama marna baanka laga rarayo oo kastamka ay ganacsatadu geynaysay, mar na kastamku baanka dib ugu soo celinayey, talaabadaas oo labada jeerba shaqaalaha baanka culays weyn ku haysay. Ganacsatad iyo dadka faaleeya arrimaha maaliyadda ayaa iftiiminaya inay arrintan wasaaradda maaliyaddu xilligan u aragtay inay wax ka tarayso sicirka sarrifka, maadaama aan lacag shilling Somaliland ahi suuqa soo galayn oo lagu haynayo baanka, taasoo maaliyaddu ay ka xayirayso inay Suuqa soo gasho. Qiima dhaca Shilling-ka Somaliland ayaa wali taagan, illaa hadana ma muuqdo xal rasmi ah oo ay Xukuumaddu wax kaga qabanayso, iyadoo ay baaqatay lacago Doolar ah oo ay wasaaradda Maaliyaddu balanqaaday inay suuqa ku soo daynayso, balse aan wali suurtogalin. Xukuumadda Somaliland ayaa lacag gaadhaysa shan milyan oo doolar ka amaahatay shirkaddaha Dahabshiil iyo Telesom, si ay sarrifka ugula dagaalanto, hase yeeshee wali lacagahaas lama garanayo sababta suuqa loo soo galin waayey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here