Maxkamadda Ciidammada Puntland oo Dil ku Xukuntay Shan Nin oo Al-Shabaabnimo Qirtay, lana Qabtay iyagoon Qarxin

0
17

SHAN-NIN-OO-AL-SHABAAB-KA-TIRSANAA-OO-MAXKAMADDA-PUNTLAND-DIL-TOOGASHO-AH-KU-XUKUNTAY-27-MAY-2017

Garoowe (Hubaal):- Maxkamadda Derajada koowaad ee Ciidammada Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa xukun dil ah ku riday Shan Wiil oo Dhalinyaro ah, kuwaas oo lagu eedeeyey in dhawaan lagu soo qabtay Gaadhi walxaha qarxa laga buuxiyey oo ay Ciidammada Ammaanka Puntland gacanta ku dhigeen intii aan qaraxa la fulin. Maxkamadda, ayaa ku eedeysan Dhalinyaradani ay damacsanaayeen in weerarro is qarxin ah ka fuliyaan deegaanno ka tirsan Puntland, waxaanay sheegtay Maxkamaddu inay dhammaantood qirteen in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab. Shantan Nin ee Maxkamaddu Xukunka ku ridday Sabtidii Maanta, waxay Magacyadoodu kala yihiin sidan:- 1- Cabbaas Ibraahim Aadan 26 sano jir ah, 2- Ibraahim Maxamed Canshuur 20 jir ah, 3- Dhaqane Aadan Cabdi Xasan 25 sano jir ah, 4- Aadan Nuur Aadan 27 sano jir ah, 5- Nuur Cabdi Aadan Isaaq 27 sano jir ah. Maamul-goboleedka Puntland, ayaa sannadihii u danbeeyay xukunno kala duwan oo Dil iyo Xabsi muddo dheer ah isugu jira ku ridday Rag badan oo lagu eedeeyey inay Al-Shabaab ka tirsan yihiin oo lagu qabtay deegaannada kala duwan ee Puntland, waxaana Rag badan lagu fuliyey dilalka ay Maxkamadda Ciidammada Puntlnad ku xukuntay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here