Ma Ogtahay In Muuse Biixi Uu Leeyahay Shanta Mansab Ee Colonel, Mujaahid, Wasiir, Guddoomiye Xisbi Iyo Murrashax?

0
20

“Mase Ogtahay In Uu Qeyrkii Dheer Yahay Shanta Qaran-Derejo Ee   Halgan, Dib U Heshiisiin, Hub Ka Dhigis, Qaran-Dhis, Iyo Dimuqraadiyad?” – Qalinkii: Aqoonyahan Maxamed Xaaji Maxamuud
aqoonyahan-maxamed-xaaji

Dadkeena wax isku quudhi-waagu (xasadku) waa uu maan sagagariyey oo inta uu sax-malayntoodii seexiyey uu misena garasho suuliyey! Bal aan kula wadaago mid aad ii ga marag kacdo:-

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, haddii si fiican loo xisaabiyo taariikhdiisa oo Alle ka baqad leh, oo ku-tidhi-ku-teen ka dhawrsan waxa badan oo mush iyo buuxa inta iftiinka ah ee in lagu hiyi hirto ay habboon tahay.

Bal u fiirso oo eeg dadaalka nafaaniga ah ee uu keli u leeyahay; ahna ka uu ku kasbaday in uu gaadho darajada ciidan ee Gaashaanle Sare (Colonel) oo aan dhayal ahayn. Bal jeedaali in uu dalkan ka mid ahaa kuwii u soo halgamay ee quruxdii darajo ka dhaqaajiyey goor aan habeen ahayn oo maalin ahayn!

Markii dalka dib loo gu soo noqday, waxa uu ka mid ahaa haldoorkii dib u heshiisiinta qaranka ku suntanaa, haldoorkii hubka dhigista qaranka hirgaliyey ee Wasiirka Arrimaha Gudaha u ahaa; inkasta oo masiibo dagaal sokeeya ahi qaraxday oo aan sababteeda cidna ka nabad-galin haddana waxa uu qayb ka ahaa ergadii 1997 ee dib u heshiisiinta heer qaran.

Dimuqraadiyaddii ayuu haddana cidhifkiisa hayey oo uu inta badan mucaarid ahaa; Maanta isaga oo hayin gaadiiday ah ayuu u xadhko xidhan yahay in uu dalka kan hoggaamiyo. Dalkii uu shantiisa maraaxilba gacanta ka gaystay (halgan, dib-heshiisiin, qaran-dhis, hubka-dhigis iyo dimuqraadiyad).

Maanta waa siyaasiga ugu weyn qaranka marka laga yimaado Madaxweyne Siilaanyo. Waa siyaasi titles badan sida Gaashaanle Sare amma Colonel, Mujaahid, Wasiir, Guddoomiye Xisbi iyo Murrashax Madaxweyne.

In la doorto shacabka Somaliland garashadooda ayey ku xidhan tahay iyo raalli ahaanshiyahooda iyada oo la barbar dhigayo cidda la tartamaysa waayo aragnimadooda iyo taariikhdooda. Laakiin in la qiro awoodda dabiiciga ah ee Alle ku galladay waxa ay sharaf u tahay cidda garata, waxana ay xasad ku tahay cidda daaha saarta.

Mohamed Hagi Mohamoud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here