Wakaalladda Biyaha Hargeysa Oo SOo Qaban-qaabisay Kulan Ku Saabsan Sidii Looga Gaashaaman Lahaa Faafitaanka Xannuunka Shuban-biyoodka

0
14

“Kalloore Waxba Ma Dilo, Laakiin Shubanka Uu Degdeg U Keenayo Ee Fuuq-Baxa Keenaya Ayaa Qofka Dila”

wakk

Hargeysa (Hubaal)- Kulan ballaadhan oo lagaga arrinsanayey sidii looga hortaggi lahaa cudurka shuban biyood oo khatar ba’an ku haya xaaladda caafimaad ee dalkeena, ayaa  lagu qabtay xarunta Wakaaladda Biyaha Hargeysa shalay.

Kulan oo uu soo qabanqaabiyey Maamulka Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo uu gadh-wadeen ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Biyaha Md. Xuseen Cabdi Boos, waxa ka qeybgalay Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Maxamed Cali Daarood, Maareeye-ku-xigeenka Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Cismaan Cabdillaahi Hirad, Guddoomiyaha Guddiga Hoggaanka Sare Wakaaladda Biyaha Hargeysa Drs. Adna Aadan Ismaaciil, Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Hargeysa Dr. Axmed Cumar Askar iyo Dr. Cabdiwahaab Nakruuma oo ka socday Wasaaradda Caafimaadka Somaliland iyo Ururka Booyadleyda magaalada Hargeysa, ayaa ahaa mid lagaga hadlayey cudurka shuban biyoodka ee xaaladiisu soo kordhayso.

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Maxamed Cali Daarood oo halkaa ka jeediyey hadal la xidhiidha cudurkaas shuban biyoodka, sida uu u faafo iyo sida looga hortaggo iyo dhibaatadiisa, waxa uu yidhi; “Ujeeddada aannu halkan isugu yeedhay masuuliyiinta oo runtii ah dadkii caafimaadka talada ugu muhiimsan lahaa, waxa weeye hawshan iyo xaaladdan waddanka ku soo biirtay ee ah shuban biyoodka in aynu wax ka nidhaahno, iyadoo ilaa shalay [maalintii Sabtida] la hadal hayey inay xaalado ka dhaceen.” Waxaannu intaas ku daray ayuu yidhi Maareeye Daarood, waxaannu intaa ku daray, “Wasaaradda Biyaha, Wakaaladda Biyaha Hargeysa, Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo Wasaaradda Caafimaadkuba muddooyinkii u dembeeyey waxay ku hawlanaayeen sidii arrintaas ka hortag looga sii sameyn lahaa Hargeysa ee looga diyaar garoobi lahaa. Sidaas oo ay tahay kulankii ugu dembeeyey ee aynu shalay [dorraad] ku qaadanay Wasiirka Wasaaradda Biyaha dhowr arrimood ayaannu isla garanay, haddii ay tahay Wasaaradda Biyaha, Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa.”

Waxa kaloo Maareeyuhu sharraxaad ka bixinayey taxadarka iyo ka hortaga ay Wakaaladda Biyaha Hargeysa sii samaysay, isagoo xusay in aanay wax wallaac ah ka qabin caafimaadka biyaha ay siiyaan bulshada caasimadda Hargeysa.

 “Wakaaladda Biyaha Hargeysa waxay keentaa Hargeysa biyaha beebku ka keeno Geed-deeble oo ah kuwo runtii caafimaadkoodu aad u sarreeyo, ceelasha laga soo saaraana waa kuwo jooggooda hoose aad u hooseeyo ilaa 200mitir, mana aha kuwo aannu walaac ka qabno caafimaadkooda. Laakiin, waxaannu walaac ka qabnaa markay gaadhaan guryaha weelkii iyo nadaafaddii sida loo maamulayo, haddana sidaas oo ay tahay waa in aynu taxadirkeedii muujino, waxay sidaas oo ay tahay isla garanay in aannu biyaha ku soo darno koloriin,” ayuu yidhi Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa.

Guddoomiyaha Guddiga Hoggaanka Sare ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa Drs. Adna Aadan Ismaaciil oo iyaduna halkaa ka hadashay, ayaa walaac xooggan ka muujisay booyadaha u dhaamiya magaalada, waxayna tidhi; “Booyadaha waxaan garanayaa biyaha marna inay dooxyadan gaaban ka soo qaadaan biyaha ee saxarada, qashinkan iyo waxan oo dhammi ku dhaceen oo marka la yidhaahdo biyahan xaggeed ka keenteen ama xaggeed ku wadaan? Ay yidhaahdaan dhisme ayaannu ku wadnaa, marka uu dhismihii haba u dhigo biyihiiye, wuu soo noqonayaa oo haddana biyo la cabbayo ayuu qaadayaa. Huubadii booyadaas ku hadhay ayaa ku filan intii booyadaas labaad ka cabtay oo dhan inay waxyeelo ka soo wada gaadho. Markaa booyadihii waa inay dammiir yeeshaan oo amma u go’aan inay biyo dhisme qaadaan iyo waraabin oo aanay ugu talo gelin inay dad inay cabbaan ama cunto ku karsan karaan.”

 “Haddiiba aan magacaabo cudurka Kolora, Kolora waxba ma dilo, laakiin shubanka uu degdeg u keenayo ee fuuq-baxan keenaya ayaa qofka dila. Haddiiba qofku marka uu shubanka bilaabo uu cabbo biyo badan, ORS iyo biyo sonkor iyo cusbo leh cabbo fuuq-bixii ayaa ka yaraanaya oo dhimashadii uu u nuglaan lahaa ayuu ka badbaadayaa,” ayey tidhi Dr. Adna Aadan Ismaaciil.

Maareeye-ku-xigeenka Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Cismaan Cabdillaahi Hirad, Guddoomiyaha Guddiga Hoggaanka Sare Wakaaladda Biyaha Hargeysa, Agaasmaha Cusbitaalka Guud ee Hargeysa Dr. Axmed Cumar Askar iyo Dr. Cabdiwahaab Nakruuma oo ka socday Wasaaradda Caafimaadka Somaliland iyo Guddoomiyaha Ururka Booyadleyda magaalada Hargeysa, oo iyaguna halkaas hadalo ka jeediyey, ayaa dhammaantood ka warramay dhibaatada uu leeyahay cudurka shuban biyoodka ah, isla markaana loo baahan yahay in ka-hor-tag la sameeyo.

Ugu dembeyn, Wasiirka Wasaaradda Biyaha Somaliland Md. Xuseen Cabdi Boos, ayaa tilmaamay inay ka wasaarad ahaan sharciyan u taagan yihiin ilaalinta biyo nadaafad leh bulshada reer Somaliland hesho, isaga oo ka dayriyey booyaha biyaha u dhaamiya magaalada inay qeyb ka qaadan karaan fidinta cudurka.

“Meel kastoo booyadaha biyaha dhaamiyaa soo marayaan lagu daro koloriinta, kuwaasoo hore looga dacwoonayey ah in aanay biyo nadiif ah soo qaadin oo sidii tagaasidii intay ordaan oo meeshii biyo leh ba soo daraan oo dadkii u geynayaan, taasi waa waxyaalo aan la qaadan karin runtii oo aad u xun oo waa noloshii bani’aadamka weeye. Biyahaas booyaduhu keenayaan haddii ay biyahaas dadka u soo daraan oo u keenaan, waxa weeye iyagii ayaa dadkii laynaya oo waa dambiilayaal. Markaa waajibka na saarani waxa weeye in aannu biyahaas nadaafadooda ku dedaalno oo aannu koloriin ku shubno meel kasta oo ay magaalada ka soo galayaan aannu koox dhigno,” ayuu yidhi Md. Xuseen Cabdi Boos.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here