Khasaaraha Ka Dhashay Weerarro Mataano Ah Oo Lagu Qaaday Baarlamaanka Dawladda Iiraan

0
15

BAARLAMAANKA-IIRAAN-IYO-QABRIGA-AASAASIHII-DALKA-IIRAAN-OO-WEERARRO-LAGU-QAADAY-07-JUNE-2017

 Tehran (Hubaal):- Ugu yaraan 12 Ruux ayaa ku dhintay, in ka badanina way ku dhaawacantay Weerarro mataano ah oo shalay lagu qaaday Baarlamaanka Dawladda Iiraan iyo Qabriga Aasaasihii Iiraan ee Khomeini oo ku yaalla Caasimadda waddankaas ee Tehran. Weerarka Baarlamaanka ka dhacay, ayaa la sheegay in la soo gabagabeeyay iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Dad afduub loogu haystay gudaha Baarlamaanka. Qof is qarxiyay ayaa la sheegay inuu ku dhintay weerarka ka dhacay dhismaha uuku yaalla qabriga. Kooxda la magac baxday dowladda Islaamka ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan oo haddii la xaqiijiyo noqon doono weerarkii ugu horreeyay oo kooxdu ay ku qaaddo Iiraan. Kooxda, ayaa baraha bulshada soo dhigtay muuqaal ay ku sheegtay inay soo duubeen dagaalamayaasheeda oo ku jiray gudaha baarlamaanka. Wakaaladda wararka ee Iiraan ayaa sheegtay in mid ka mid ah dadkii weerarka soo qaaday uu is qarxiyay mid kalana ay xoogagga ammaanka dileen. Dhawr Qof oo booqnayay Qubuuraha oo ah goobo Macbad ah, ayaa ku dhaawacmay weerarkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here