Maamulka Farmaajo Oo Ka Hadlay Go’doominta Siyaasaddeed Ee Ay Xulufada Sucuudigu Gelisay Dawlada Gadar

0
26

“Soomaaliya Waxay Diyaar U Tahay Inay Gacan Ka Geysato Xal U Helidda Muranka Soo Kala Dhex-galay Waddamada Aannu Walaalaha Nahay”

DAWLADDA-FEDERAALKA-SOOMAALIYA-OO-KA-HADASHAY-GOAANKA-CARABTU-KU-GEDOOMIYEEN-QADAR-07-JUNE-2017

Muqdisho (Hubaal):- Dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka hadashay go’aanka ay inta badan waddamada Carabtu xidhiidhka Diblamaasiyadeed iyo xidhiidhada kaleba ugu jareen dawladda Qadar, isla markaana ku xayireen Xadadka Hawada, Badda iyo Dhulka ee ay la wadaagaan dalka Qadar. War-Saxaafadeed Qoraal ah oo Arbacadii shalay ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu sheegay inay Soomaaliya ka xun tahay khilaafka siyaasadeed ee soo dhex-galay dawladaha Carabta iyo dawladda Qadar. “Soomaaliya waxey ugu Baaqeysaa waddamada Walaalaha ah ee Khilaafku ka dhex ooganyahay inay arrimahooda ku xalliyaan wadahadal loo maro Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islamka. Soomaaliya oo xubin ka ah labadaba Jaamacadda Carabta iyo Ururka Islamka, waxey diyaar u tahay inay gacan ka geysato xal u helidda Muranka soo kala dhex-galay waddamada aannu Walaalaha nahay.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedka Arbacadii ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya. Dawladda Soomaaliya waxay Xubin ka tahay dalalka ku miysan Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka, isla markaana waxay xidhiidh la leedahay dawladaha xidhiidhka u jaray Qadar iyo Qadar lafteeda-ba. Dawladaha Carabta ee Sacuudiga, Masar, Baxrayn, Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Yemen iyo Dawladda Liibiya ee ku sugan dhanka Bariga iyo dalka Maldives, ayaa dhammaantood Isniintii shaaciyey inay xidhiidhka Dublamaasiyadeed iyo xidhiidhadii kale ee ay la lahaayeen dawladda Qadar u jareen. Waxaanay ku eedeeyeen in ay teegeerto Argaggixisada gobolka. Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA, ayaa sheegtay in Bayaan ay soo wada saareen Dawladaha Carabta ka tirsan ee Xidhiidhka u jaray Qadar Isniintii oo Sucuudigu soo saaray ay ku yidhaahdeen; “Qatar waxay taageertaa kooxo argagixiso, kuwaas oo ujeedkoodu yahay inay xasilooni darro ka abuuraan gobolka, oo ay ku jiraan Daacish, Ikhwaanul Muslimiin iyo Al-Qacida”. Dawladaha Sucuudiga, Masar, Imaaraadka, Baxrayn, Yemen iyo kuwo kale, ayaa sheegay inay Xidheen dhammaan Xuduudaha Hawada, Dhulka iyo Badda ee ay wadaagaan Qadar. Hase-yeeshe, Wasaaradda arrimaha dibedda Qatar oo go’aankaa Dalalka Carabta xidhiidhka ugu jareen Isniintii Shalay ka jawaabtay, ayaa tallaabada dalalkan ku tilmaantay mid aan loo cudur-daarin oo Xad-gudub ku ah Madax-bannaanideeda. Waxaanay Qatar hadda iyo horeba u beenisay inay taageerto Argaggixisada, waxaanay ku doodday inaanay Urur iyo Koox Argaggixiso midna taageero gaar ah siinnin. Muwaaddiniinta Qadar ee ku nool Baxrayn, Sacuudi Carabiya iyo isutagga Imaaraadka Carabta ayaa loo qabtay labo todobaad in ay dalkooda ku aadaan. Qadar ayaa diiday in ay taageerto malayshiyaadka, wasiirkeeda arrimaha dibadduna wuxuu ku baaqay in la qabto wadahadal aan waxba laka qarsanaynin oo daacadnimo ku dheehan tahay. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa sheegay in uu ka dambeeyey in Waddamada Carabta intooda badani xidhiidhka u jaraan dawladda Qadar. Madaxweyne Trump, ayaa sheegay in markii uu dhawaaan Booqday dalka Sacuudiga oo uu kaga qaybgalay Shir Madaxda dalalka Islaamka intooda badani ku yeesheen Riyadh, loo sheegay in Dawladda Qadar ay maalgeliso Aragtida Xag-jirka ah ama Argaggixisada waxa loogu yeedho. “Markii aan Booqashada ku tegay Bariga dhexe, waxaan Carrabka ku adkeeyay in aan hadda ka dib la maalgelin karin aragtida xag-jirka ah. Markaa Socdaalkaygii wuu midho dhalay.” Sidaa ayuu yidhi Donald Trump, sida ay Warbaahinta BBC-du faafisay habeen-hore. Hase-yeeshee, sida ay Wakaaladaha Wararka qaarkood oo BBC ka mid tahay baahiyeen Maanta oo Arbaca ahayd, ayaa sheegay in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump Taleefoon kula xidhiidhay Boqorka dalka Sacuudiga; si uu ugala hadlo khilaafka soo kala dhexgalay waddamada Khaliijka ka dib markii dhawr dawladood ay xidhiidhka u jareen dawladda Qadar oo ay ku eedeeyeen in ay Argaggixisada taageerto, isaga oo maalin ka hor taageeray go’aanka xidhiihdka loogu jaray Qadar. Geesta kale, Sarkaal Mareykan ah oo aan magiciisa la shaacin, ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in farriinta Madaxweyne Trump Boqorka Sucuudiga u gudbiyey ama kala hadlay ahayd in Midnimada gobolku ay muhiim u tahay La-dagaallanka afkaarta Xag-jirnimada iyo maal-gelinta Argaggixisada. Go’aanka Dawladaha Carabta ee ka dhanka ah Qadar, ayaa saameeyey Socdaalka Diyaaradaha u kala gooshi jiray iyo kuwa hawooyinka wada isticmaali jiray, halka ay si weyn u saamaynayso Diyaaradaha Qadar Airways.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here