Cabdillaahi Carey Oo Ka Hadlay Xilka Wakaallada Xabkaha iyo Faleenka Ee Madaxweynuhu U Magacaabay

0
26

maareeyaha1Hargeysa(Hubaal)-Maareeyaha Wakaallada cusub ee Xabkaha iyo Falleenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdilaahi Maxamed Jaamac (Carey) oo  madaxweyne Siilaanyo magacaabay Khamiistii, ayaa balanqaaday inuu  dhisi doono wakaaladda cusub ee madaxweynuhu xilkeeda u magacaabay isla markaana uu kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa dul dhigi doono sidii uu u dhaqaajin lahaa wakaalladaas cusub ee Madaxweynuhu digreetada ku aasaasay.

 Maareeye Cabdilaahi Carey oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay inuu madaxweynaha Somaliland uga mahadcelinayo xilka culus ee uu u magacaabay, waxaannu yidhi; “Waxaan Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uga mahadcelinayaa Wakaallada Xabkaha iyo Falleenka ee uu digreetada ku aasaasay isla markaana maareeyaha Wakaalladaasi uu ii magacaabay khamiistii.

Waxaan leeyahay madaxweyne aad iyo aad ayaan u mahadsan tahay, waxaan kaaga mahadcelinayaa inaan wakaalladaas cusub oo dalku baahi weyn u qabay aad ii cugatay inaan noqdo masuulka koowaad ee wakaalladan. Waxaanan balanqaadayaa inaan xilkaas uga soo bixi doono sida uu yahay anigoo oofinaya oo ku dhaqmaya siyaasadda xukuumadda Somaliland.”

Cabdilaahi Carey waa siyaasi weyn oo muddo dheer ku soo jiray saaxada siyaasadda dalka, waxaannu xukuumadda Siilaanyo hore uga soo qabtay xilka maareeyaha Guud ee Madbacadda qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here