Xog-waranka Mujaahid Ka sheekeeyey Qisadii Uu Muj. Maxamed Mooge Bishan Bisheedii 1984 Ku Shahiiday Iyo Dhacdooyinkii Sababay

0
41

“Waxaan Qormadan Kusoo Bandhigayaa Sidii Uu Muj. Maxamed Mooge U Shahdiiday, Annaga Oo Xilligaas Wada Seexan Jirnay Qol Ka Mid Ah Kaydkii SNM”

 

 

“….Ninkii  inta uu cadhooday ayuu baastoolad la baxay oo Maxamed Mooge oo aniga iyo nin Kale noo dhexeeyay  uu ku riday.  Xabad ayaa Maxamed Mooge ka cuskatay halkaa goljilicda ee sarcanta guudkeeda”

+++++

Xilli Habeen Ah Oo Ku Beegnayd 4-tii June, 1984 Ayaa Waxa Soo Dhacay War sheegaya In Taliyhii Ciidanka SNM Ee Fadhigiisu Ahaa Kaam Abokor   uu siiyey baabuurkiisii iyo ilaaladiisi khaaska ahayd nin Ka Mid Ahaa ragga aad u khallaaweeya oo…” – W/Q: Ibraahim Xirsi Galow

 mooge5

 

 Bishan Aynu Ku jirto haatan ee JUNE bisheedii sanadkii 1984-kii oo haatan 33 Sano  laga joogon waxay ku beegnayd markii uu shahiiday  Geesigii Maxamed Mooge Liibaan iyo 16 kamid ah dagaalyahanaddii SNM kuwaas oo  ku nafwaayey Jid goynuu  cadowgii u galay Meesha la yidhaa Meer meerta oo u dhaxaysa Awaare iyo Dhagax Buur.

Waxaan qoraalkan kooban idinkula wadaagayaa sidii Mujaahid  Maxamed Mooge u dhintay annaga waqtigaas isku qol seexan jirey Maxamed Mooge, xilligaas oo aan ahaa  Sarkaal SNM u qaabilsanaa  kaydka iyo logistics  Aware ee Xeradda Taliska & Ciidanka Tabarka Awaare. Bilihii April iyo May waxaa Awaare ka dhacay Shirkii Guud ee SNM waqtigaas oo Maxamed Mooge oo ahaa madaxii Warfaafinta iyo Idaacaddii Halgan ee SNM uu halkaas u yimid shaqadii Shirarka SNM.  Waxaa Maxamed Mooge la socday Maxamed Baashe Xaaji Xasan.

Markii shirarkii dhammaadeen Maxamed Mooge oo ah qof aad u bashaasha wuxuu go’aansaday in uu Awaare ku hakado isaga oo nagala qayb qaatay barnaamijyo Siyaasi iyo wacyigelin ah oo loo samayn jirey Ciidamaddii SNM si garaadkooda ku aadan halganka yoolka dhaw iyo yoolka dheer ee laga leeyahay loogu saafo, loona fahansiiyo in ay u dagaalamayaan dadweynaha Soomaaliyeed ee markaas keligii taliyihii Siyaad Barre xukumayey.  Anigu waxaan ka mid ahaa dadkii tababaradaa bixin jirey waayo waxaan ka soo baxay tababarkii Xerada Baabuli oo si guud aanu ugu jirey 6 bilood hadana 6 bilood oo kale anaga oo ilaa 50 lanagu siiyey tababarka gaarka ah ee komoondawska.  Waxaa kale oo aanu tabarbar kale ku soo qaadanay Iskuulkii Ciidamada Saraakiisha Siyaasada ee ku yiiley Hamarayso.

Habeenkii 4 June 1984 waqti fiid ah ayaa waxaanu ka labisanay qol ka mid ah bakhaaraddii kaydka oo aanu seexan jirney aniga, Maxamed Mooge iyo Sarkaal la odhan jirey Xasan Dheere oo ahaa oday da’weyn. Habeenkii ilaa 10kii habeenimo ayaanu ku gaadhnay in aan ku soo cawayno magaalada. Markii aanu damacnay in aanu xeraddii dib ugu soo laabano waxaa ku dhegay Maxamed Mooge dhalinyaraddii reer Awaare in uu la sii joogo oo ay ka faa’iidaystaan aqoontiisa balaadhnayd ee fanaaninimo iyo aqooneed. Maxamed Mooge Allah ha u Naxariisto wuxuu ahaa qof dadku isugu mid yahay oo aan dadku u kala soocnayn.

Xilli dambe oo ku dhaw abaaro afartii habeenimo ayuu Maxamed Mooge noogu yimid aniga iyo Sarkaal Xasan Dheere halkii aanu hurudnay ee wada deganayn. Waanu iska sheekaysanay oo sidii ayaa Salaadii Subax lagu tukaday oo quraacdii iyo shaahii xeradda ku soo qaadanay.

Waqtiyaddii Maxamed Mooge iyo aqoon yahan badan oo ka mid ahaa Hogaankii SNM waxay aad uga werwersanayeen in ay qaar ka mid ah Saraakiisha SNM u xagliyeen nidaam ku dhisnaa khalaawo iyo foox in la shido oo awliyada xidhiidh dhaw lala yeesho taas oo ay u arkayeen in asbaabaha militeri ee loo baahan yahay ay arintaasi khatar gelin karto.  Waxay ka cabsi qabeen in marar badan la diro ciidan sakhiran oo aan xagga tabaabushaha militeri u dhamayn kaas oo khasaare soo gaadhi karo.

Iyada oo taasi jirto ayaa subaxaas anaga oo halkii shaaha ku cabayna waxaa isla kaaya soo taagay nin la odhan jirey Xassan Tarabi oo markaas abaanduule ka ahaa ciidankii degenaa Xerrda Gubadaalaco oo ahaa aaga dhexe ee ku aadan Burco.  Iyada oo xaalku sidaas yahay ayaa isla markaa waxaa soo dhacay war sheegayaa in habeenkaas 4/6/1984 uu Taliyihii Ciidanka SNM ee Ibrahim Koodbuur oo fadhigiisu ahaa Kaam Abokor uu siiyey baabuurkiisii iyo ilaaladiisi khaaska ahayd nin la odhan jirey Ina Askar oo Sarkaal ka mid ahaa SNM isla markaana ahaa ragga aad u khalaaweeya oo rag badana u ahaa Sheekh.  Ninkaasi maaha Kornayl Cabdillahi Askar.  Baabuurkii taliyaha, ilaaladiisii iyo Wadaadkii Ina Askar oo ku socday habeenkaas Rabaso waxaa Jabhad ka tirsan taliskii Ciidanka Siyaad Barre ka heshay meel la yidhaahdo Celiyo. Waxay laayeen Ciidankii ilaalada ahaa iyo Sarkaalkii Ina Askar baabuurkiina subaxiiba waxaa la geeyey Hargaysa.

Maxamed Mooge Allah ha Naxariisto isaga oo arintaas ka xanaaqsan ayuu ku yidhi Xassan Tarabi oo ka mid ahaa raga khalaaweeya, wadaadka la dileyna xertiisa gaarka ah ka mid ah: “ Xassan Tarabiyow xiligaas aadka u xun oo qof wax ka yaqaana Ciidamada iyo amnigooda aanay suurtogal ahayn maxaa haddii Ina Askar yahay awliyo wax la tuso uu ciidanka faqashta ee Celiya ku gabanaya uu u sii arki waayey oo awliyadu ugu sii sheegi weydey?”. Xassan Tarabi inta uu cadhooday ayuu baastoolad la baxay oo Maxamed Mooge oo noo dhexeeya aniga iyo Xassan Dheere uu ku riday.  Xabad ayaa Maxamed Mooge ka cuskatay halkaa goljilicda ee sarcanta guudkeeda.

Maxamed Mooge waxaanu ula cararay dhakhtarka Ciidanka ee Awaare hase yeeshee dhakhtarkii wuxuu ku taliyey in loo qaado Dhagax-Buur.

Haddaba shirqoolkaasi lagu dilay Abwaan Maxamed Mooge Alle ha u Naxariistee iyo ilaa 16 qof oo la socday wuxuu dhacay Afartii Bishii June 1984-kii , xilligaasi oo lagu dilay Jid goyn loogu galay meesha la yidhaahdo Qaswareen ama Meer meertada oo ka shishaysa una dhaxaysa Awaare iyo Dhagax Buur.

Maxamed Mooge, gaadhi Land Crusser ah oo Toyota ah oo noocii hore ee Siible qafasle ah ayay saarnaayeen isaga iyo nin.

Raga kale waxaa wehelisay  gabadh Faadumo la odhan jiray oo iyaduna la socotay, halkaas ayaa Ambush jidgoyn loogu galay waxaana u galay dadkii halganka dhabarka kala dagaalamay. Dadka dilay oo ka koobnaa oday iyo wiilal uu dhalay iyo qaraabadiisa waxay daba socdeen aanooyin la buunbuuniyey oo cadowgii ka faa’iidaystay.

Ilaa 16 dagaalyahan ayaa ku dhintay oo Maxamed Mooge ka mid ahaa, Aadan Guhaad oo Aadan Waali la odhan jiray ayaa ka mid ahaa waxa uu ahaa taliyihii Amniga SNM, waxa kale oo ka mid ahaa nin taliye ahaa oo Daa’uud la odhan oo geesi ahaan jiray iyo gabadhaas dhawr iyo toban qof ayay ahaayeen halkaasi ayayna ku dhinteen.Waxaa ka baxay hal wiil oo ay meyd ahaan uga tageen oo markii dambe noolaaday oo loo bixiyey Sigad hase yeeshee ku dhintay halgankii SNM.

Halkaas dagaal balaadhanbaa ka bilaabmay oo dhex maray Beeshii uu Maxamed Mooge ka dhashay iyo Beeshii Nimankii jid goynta galay , dagaalkaasi wuxuu bilaabmay Bishii June 1984 wuxuu dhamaaday dabayaaqaddii 1986-kii. Dad badan baa dagaalkaas naftooda ku waayay’’. Alle ha u Naxariistee Marxuum Maxamed Mooge Liibaan Bishii June 5, 1984 ayaa isaga iyo dagaalyahanaddii  Maalintaa lala dilay waxa lagu aasay Awaare Geed ku yaala oo Weerane la yidhaahdo oo dhinaca Midig kaa qabanaya. Sida uu ku sheegay filim taariikheedkii Boobe Yuusuf Ducaale oo sharax ka bixinayay taariikh nololeedkii iyo shakhsiyadii Marxuum Maxamed Mooge, waxa uu yidhi ‘’Maxamed Mooge wuxuu ahaa Mujaahidiintii halganka Soomaaliyeed ka qayb galay waxa uu ku horeeyay Jabhadii SSDF, waxa uu ku danbeeyay Jabhadii SNM, Alle ha u Naxariistee wuxuu dhashay ilaa 1943-1944-kii, waxaana uu ku dhashay Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Xaraf, Waxbarashiidii dugsiga Dhexe waxa uu ku dhamaystay dugsiga Axmed Guray , ka dibna tababar Macalinimo ayuu qaatay’’.

Boobe waxa uu sheegay in Alle ha u Naxariistee Marxuumku isagoo macalin ah uu Fanka Bilaabay.

‘’Tababarka Macalinimo wuxuu ku qaatay dugsigii Camuud , Macalinimadiisu wuxuu ka bilaabay dugsiga Xaafada New Hargeysa, degmada Oodweyne ayuu ka shaqeeyay , isagoo Macalin ah ayuu Marxuum Maxamed Mooge Fanka Bilaabay’’.

Boobe Yuusuf Ducaale isagoo sharaxaya kaalintii uu fanka kaga jiray Maxamed Mooge waxa uu yidhi ‘’Maxamed Mooge waxa uu ahaa inta tirada yar ee laamaha badan ee fanka Kulmisa, Maxamed Mooge nin hal abuur ah ayuu ahaa heeso ayuu lahaa, heestiisii ugu danbeysay wuxuu tiriyay Bishii April sanadkii 1984-kii midhihii waanu helay , laakiin laxamkii wuu lumay’’.

Boobe waxa kale oo uu ka hadlay kaalintii halgankii SNM uu kaga jiray Marxuum Maxamed Mooge waxana uu yidhi ‘’Maxamed Mooge ilaahay ha u Naxariistee wuxuu ahaa nin halgamaa ah oo aan halgankii Soomaaliyeed aan ka baaqan oo marna SNM ku soo dagaalamay saddex sano ka hor aasaaskii SNM ka mid ahaa jabhadii SSDF, Maxamed sidaasi ayuu ku shihiiday oo ay adkayd in Bedelkooda loo helo.

Boobe Yuusuf Ducaale oo ka hadlayay Shakhsiyadii Maxamed Mooge Waxa uu yidhi ‘’Alle ha u naxariistee Maxamed kaas ayuu ahaa nin xarago badan ayuu ahaa, nin xishood iyo xarago badan ayuu ahaa, nin Halganku ka dhab yahay ayuu ahaa oo bilaabay sanadkii 1978-kii, oo uu ka mid ahaa SSDF isagoo Addis ababa joogay oo ku sii sugayay SNM’’.

Boobe oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi ‘’Marxuumku duruuftaas qalafsan ayuu u badheedhay ee aan dabeecad u ahayn ninka Fanaanka ah oo iska jecel nolol Raaxo leh oo fudud, waxa ka mid ahaa waxyaabihii uu ku dagaal galay kamankiisii oo hees gaar ah uu u tiriyay ayna ka mid ahaayeen deg degooyoow maxaan kula dal maray, waxyaabaha dhaxalka ah ee uu Alle ha u naxariistee uu ka tagay Kamankaas ayaa ka mid ahaa oo hada yaala oo geli doona meelaha taariikhda lagu kaydiyo’’.

Boobe waxa uu sheegay in Maxamed Mooge uu mar qudha guursaday oo uu dhalay gabadh la yidhaahdo Yaasmiin oo xilligaas degan Magaalada Nairobi ee Kenya.

W/Q: Ibraahim Xirsi Galow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here