“Qabiilku Cay Maaha Laakiin Waxa Ceebta U Soo Jiida Haddii Cid Kale Xaqooda Wax Lagu Yeelayo Ama Dhibaato Loogu Geysanayo”

0
14

Cabdikariim Xinif Oo Fasiray Dulucda Isbahaysi-beellaysan Oo Galbeedka & Bariga Burco Dhawaan  Ku Dhex Maray London Iyo Burco

 

“Ogaada Oo Markaan WADDANI Ka Hadlayo, Anigu Reero Uma Jeedo Ee Xisbi Qaran Ayaan Sheegayaa [Laakiin] Mararka Qaarkood Inaan Beello Carrabka Ku Dhufto Ayaa Lama Huraan Ah”

+++++++++

“Waqtigii Ingiriisku SOMALILAND Joogey Magaalada Burco Beellaha Degaa Weli Isku Aragti May Noqon, Dhacdo Kastana Waa Lagu Kala Duwanaa Oo Xataa Burco Waxay Lahayd Hal-Haysyo Caan Ah Oo Aanay Sheeg-Sheegisteedu Halkan Ku Haboonayn”

xinif

Hargaysa (Hubaal) – Agaasimaha Maamulka iyo lacagta ee Komishanka ka hortagga cudurka AIDS-ka Cabdikarriim Axmed Maxamed (Xinif) ahna siyaasi  ka tirsan Xisbigga Taladda Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa ka hadlay shirar dhawaan dhex-maray Beellaha Wadadega Gobolka Togdheer,gaar ahaana galbeedka iyo Barrigga Burco,kaas oo la sheegay inay Labaddaas beellood samaysanayaan iskaashi dhinaca Horumarka Deegaamadaas ah. Agaasime Xinif,ayaa shirarkaas ku tilmaamay inay ahaayeen kuwo siyaasaddeed oo uu dabada ka riixayo Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, kaas oo doonaya inuu ku wiiqo teegaraadda Xisbigga KULMIYE ee Deegaamaddaas. Siyaasi Cabdikarriim-Xinif,ayaa sidaas ku sheegay qoraal uu warbaahinta soo gaadhsiiyay,kaas oo u dhignaa sida tan; “Waxaynnu inteennii la socotey arkaynney ama maqlaynney beryahanba  Shirar aan sidaa u miisaan weynayn oo laga wadey debedaha gaar ahaan Ingiriiska iyo Magaalada BURCO. Waxa loogu magac daray shirarkaa aan miisaanka buuran lahayn (Midaynata Beelaha Habarjeclo Iyo Habaryoonis). Waxa markiiba dad badani is weydiiyeen maxaa lagu kala qaybsanaa ee imminka la doonayaa in laga midoobo?. Ma colaado ayaa jira, ma deegaan riix ayaa jira, ma kala duwanannasho maamul ayaa jira oo labada beelood ka kala tirsanyihiin sida Gaalkacayo ka jirta PUNTLAND iyo GALMUDUG oo midbaa lagu midoobayaa, weli jawaab inagamay siin qolyaha wadaa. Xaqiiqdu siday tahay shirarkan waxa abaabulkooda iska leh xisbiga WADDANI shakina kuma jiro taas hadday doonaan haba dafiràane. Maxay tahay ujeeddada ay ka yeelan karaan haddaba reer WADDANI, ogaada markaan WADDANI leeyahay reero uma jeedo ee xisbi qaran ayaan ka hadlayaa, waase suuro gal inay mararka qaarkood lama huraan noqoto in beelo carrabka aan ku dhufto oo duruufta qoraalku keento si fahamku u dhamays tirmo. Qabiilku ceeb iyo  cay midna maaha laakiin waxa ceebta u soo jiida haddii qaabka loogu dhaqmayaa uu noqdo qaab cid kale xaqooda wax lagu yeelayo ama dhibaato caam ah lagu geysanayo. Haddii qabiil, qolo ama qabiilooyin ku midoobaan waxay dantooda u arkaan hase yeeshee aan cid kale ama daan caam ah dhaawac iyo dhibaato u geysanayn ceeb maaha inay sidaa sameyaan. Ujeeddada xisbiga WADANI ka leeyahay waxa weeye siday iigu muuqato in ay ku dhaawacaan taageerada xisbiga tartanku ka dhexeeyo ee KULMIYE taageerayaashiisana ku kala shakisiiyaan.  Haddii ay ula jeedaan inay taageerayaal kulmiye leeyahay ku soo jiitaan waa sax haddii ku guulaystaanna waa u faa’iido, haddayse u jeedaan inay ku collaysiiyaan deegaammo aan hore colaad siyaasadeed uga dhaxayni waxay u egtahay inay tahay saaqidnimo siyaasadeed. Haddaba Somaliland laga soo bilaabo 1942 ilaa   maanta   waxa soo maray xisbiyo siyaasadeed oo u dhisan qaab isbahaysi deegaamaysan, weli taariikhda laguma hayo xisbi siyaasadeed ama xataa aragti siyaasadeed oo ay ka midoobaan beelahaa la shirinayaa, horena umay dhicin.  Xataa waqtigii Ingiriisku SOMALILAND joogey magaalada Burco beelaha degaa weli isku aragti kamay noqon sida reer Burco ahaan ingiriiska ula dhaqmayaan, ama arrimaha iyo dhacdooyinka gobolkaa ka dhaca sida aragti midaysan looga qaadanayo, dhacdo kasta iyo xaalad kasta waa lagu kala duwanaan jirey, waxaanay lahayd hal hayso caan ah oo aan hadda halkan sheegisteedu ku habboonayn.  Way fiican tahay in dhacdooyinka iyo taariikhaha soo jireenka ah ama hore u dhacay lagu xisaabtamo waxna laga barto. Waqtigan hadda way adagtahay dhacdooyinka boqol iyo dheeraad jirsadey si wax looga beddelaa, cidda isku hawshana waqtiga ayaa xaqiiqada u sheegi doona. Burco belaayo ka taagna, wax loo shiriyaana ma dhexyaallaan shirar siyaasadeed oo sannado ka hor oo natiijadoodii aan fiicanayn la xusuusan yahayna way jiraane. Reer Waddani waxan kula taalin lahaa shirarkaa ma dhalayska iskaga hadha, ololaha iyo tartanka si kale u gala”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here