Soomaalida Iyo Lacagta, Colaad Ayaa Ka Dhexeysa

0
30

13432197_10210192616081124_7533898005360153672_n

W/Q: Maxamed Cali Bile

Marka an galo safar dhulka ah oo dheer ayaan asxaabta ila shaqeysa ee gaadhiga ila saran kolba weydiiyaa, xageen wax ka sii cabnaa, ama miyeynaan qadeyneyn. Meel wax laga cunaa ma jirto ayey iigu jawaabaan. Hadana marka an xafiiska joogo ee ay duhurka gaadho ayaan idhaa ina keena meelahan wax ka soo qaniinee. Mise waa keligey oo intii kale waxba ma cuneyno ayey yidhaahdaan. Maalin danbe oo an qolo ila shaqeysa iska kaftameyney ayey yidhaahdeen, maxaad adigu lacagta u necebtahay? Markasaan idhi ma necbi! Kuyee, sowdigan maalin kasta raadinaya waxa ad lacag ku bixiso. Anigii yaab. Ileyn meeshaba dadka lacagtu wey gashaa balse kama baxdo. Dadka ila shaqeeya ee dalka u dhashay waxa ay ii heystaan qof wareersan oo doonaya inu lacagta daadaadiyo. Waxan ogaadey in dhaqanka Soomaalida ee xagga isticmaalka lacagta iyo lexejeclada, wax badani ka qaldanyihiin. Inagu lacagta waxa an u adeegsanaa inaan wax ku iibsanno, inaan arimo ku kala furdaamino, inad dad ku caawino, inad qaadhaan ku bixino, inan cunto ku iibsanno. Dadkan iyo dadyow kale oo an la soo dhaqmey, lacagta uumaba isticmaalaan waxa an inagu u isticmaalno, in yar mooyee. Inaga waxa aan la ina barinba in lacag la keydsado. Keena xitaa in yar is yidhaa wax keydso waxa uu keydsadaa wixii ka soo hadha baahidiidsa. Umadaha kale sidaaba uuma shaqeeyaan. Qofka wixii soo gala waxa u sharci ah inu meel dhigto kala badh. Waxa u soo hadhaa amma haku filnaato, ama yey ku filnaan. Masalan, haddi qofku mushahrkiisu yahay $1,000 kala badh oo ah $500 inta aanu mushaharkaba soo qaadan ayuu iska goynayaa. Waxa uu soo qaadanayaa waa $500 oo keli ah. Qofka qaata $200, waxa uu iska gooyainta $100, inta soo hadhey ayuunbuu ku noolaadaa. Mid waashmaan ah ayaan weydiiyey oo an idhi imisa ayaad qaadataa. Wuxu yidhi $3,00 balse waxa an isticmaalaa uun 150$. Waxan idhi sidey kuugu filantahay, wuxu yidhi dadka qaata $100 sidee ayey uugu filantahay? Kuwa aan lacagba qaadan ee hadana nool sidey wax uugu filanyihiin? Waxan ogaadey in baahidaadu ay la socoto jeebkaaga, oo kolba inta ad heysato uunbey baahidaaduna noqoneysaa.  Nin kale ayaa igu yidhi, aniga mushaharkeygu waa $1,600, balse nafteyda iyo rerkeygaba waxa an u sheegaa in mushahrkeygu yahay $500. $1,100 kale ee soo hadhey ismaba naqaan oo waxa an ku bixiyaa deyn an galay oo an guri ku iibsadey. Wuxu igu yidhi haddaad dooneyso iney wax kuu dhigmaan, deyn weyn gal oo bil kasta lagaa jaro. Marka danbe, iimaankaagu waxa uu ku fadhiisanayaa intaa kuu soo hadha oo uu ku qancayaa. Wuxu yidhi waan iloobey in mushaharkeyguba ahaa $1,600. Naftu $500 ayey isleekeysiisey. Inaga xaalkeenu waa wixii la helaba in dheriga la saaro ama wax lagu iibsado. Lacagtaba waxa an u naqaan in wax lagu iibsado, halka umadaha kalena u yaqaanaan in mustaqbal lagu dhiso. Waxa laga yaabaa inad isleedahay marka ay lacag wanaagsani ku soo gasho ayaad wax dhigi, balse waxba dhigi meysid. Haddii iminkaba 10 ka doolar ee ku soo gala aanad $5 meel ku xaseyn Karin, marka $1,000 ku soo gashana wey kaa baxeysaa.  Waa muhiim in la barto dhaqanka lexejeclada iyo ururinta lacagta. Iyana waa muhiim in la baro caruurta sida wax loo urursado. Ilmaha yare e ad lacag yar siisaa, isaga oo bilaa bireeg ah ayuu isasii deynayaa ilaa dukaanka xaafadda. Lacagta heysashadeedu wey dhibeysaa. Waa inu isticmaala. Waxa fiican in baro inu ilmuhu urursado oo uu ciidda dhar ku iibsado. Dad badan oo isku dakhli ah ayaad arkeysaa oo hadana is dhaafey, waxa is dhaafiyey maaha iney kala macaash badanyihiin, balse wey kala lexejeclo badanyihiin.  Dhiga lacagta, Dhaqa maalka, Dhalinyarada joogtaay. Cismaan Gacanlow (AHUN) ayaa ku heesey qiyaastii 50 sanadood ka hor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here