“Sheekh CismaanCali Xuseen Si Cad Buu Noo Cunsiiyey Mawduucii Khudbadda”

0
23

Qalinkii Maxamed Baashe Xaaji Xasan

maxresdefault

Sheekh Cismaan Cali Xuseen (Sheekh Cismaan Laangadhe) khudbaddiisii maanta [shalay]  ee salaadda Jimce dhegaysigeeda qof qudhihi kuma luloon sida in badan masaajiddo badan ka dhacda xilligga khudbadda.

Sheekhu waxa uu khudbadda kaga hadlay arrin cilmi ah oo dadkii dhegaysanayey wada khusaysey yar iyo weyn ama carruur iyo cirrooleba, una soo jiidatey sida birlabta.

Waxa uu ka hadlay SEKEDA Fitriga cidda waajibisey, sababta, cidda bixinaysa, waxa ay bixinayso, goorta ay bixinayso iyo cidda la siinayo.

Nebi Muxamed NNKH ayaa bixinteeda waajibiyey, si maalinta iidda loo wadaago farxadda faqiir iyo tijaarba. Waxa ay ku waajibtaa qof kasta oo Muslim ah, waxana bixiya cid kasta oo awoodda iyo cid kasta oo cid ka mas’uul ah oo kari karta. Waxa la bixiya raashin oo keli ah, gaar ahaan quutal daruuriga aan laga maarmin ee sida maalinlaha ah loo adeegsado sida bariiska, baastada, daqiiqda, saliidda, garowga, caanaha iwm. Sonkortu kuma jirto ee ogow.

Waxa sekeda la siiyaa dadka saboolka ah ee baahan laga bilaabo maalinta bisha Ramadaan bilato iyo inta u dhaxaysa inta aan salaadda iidda la tukan.

Sekeda maalka ayaa iyana muhiim ah oo 2.5% ah.

Sheekh Cismaan Alle ha xafidee si cad oo kooban ayuu noo cunsiiyey mawduucaas muddo 30 daqiiqo gudaheed ah.

Masaajidka Daarul Sacaada, agagaarka Star Group ee Calaamadaha, Koonfurta Hargeysa. Jimce 23.06.2917@Maxamed Baashe Xaaji Xasan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here