“Musuqmaasuqa Iyo Hanti-boobka Saacado Kooban Ka Dhacay Somaliland, Kama Dhicin Dawladdii Aynu La Dagaalanay..”

0
49

“Waynu Qarsanaynaa Ee Kooxo Ayaa Dalka Xukuma, Waayo? Awooddii Madaxweyne-Nimo Ayaa Innaga Itaal-Daraysay…”

 

“Dekedda Berbera Waxa Bishii Ka Soo Xerooda 3 Milyan Oo Dollar, Laakiin Toos-baa Loogu Shubaa Dubai..”

 

“Dawladda Waxaanu Kula Talinaynaa In La Qabto Doorashada, Si Uu U Soo Baxo Madaxweyne Dadkan Kala Farsameeyaa…” Sheekh Aadan-Siiro

Sh. Aadan Siiro, khudbadii salaadda ciidda

Hargeysa (Hubaal) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-siiro), ayaa Khudbaddii Salaadda Ciidda ee maanta kaga hadlay Arrimo badan, kuwaasi oo ay ka mid yihiin dhibaatooyinka ka dhasha haddii Dadku is-dulmiyaan iyo in dhaqaalihii Dalka ay Cid gaar ahi ku takri-fasho, waxyaabahaasi oo uu sheegay inay ka dhasheen Awooddii Madaxweynaha oo itaal-daraysay.

Sheekh Aadan-Siiro waxa kale oo uu khudbaddiisa kaga hadlay sida Muhiimka u tahay in Doorashada Xilligeeda la qabto, maaddaama buu yidhi ay ku xidhan tahay Nabadda iyo Mustaqbalka Somaliland.

Sheekhu wuxuu ugu horeyn ka hadlay dhibaatada uu Dalku leeyahay, “ILAAHAY wuxuu yidhi, Anigaa Naftayda ka Xaaraantimeeyay Dulmiga, ee ha is-dulmiyina. Maanta waad ogtihiin Dhaqaalaha Dalka inyar baa haysa, Siyaasaddii Inyar baa oodatay, Dhulkii inyar baa oodatay, wax walba Kooto ayay galeen, Dulmigu halkuu marayo Taariikhda ma iman. Hargeysa marka Saddex loo qaybiy waxa soo ootay laba (oo aan waxba haysan), Kooxina Dollarka ayay karsadaan, kuwaasi oo iyagu ah kuwa Hantida Ummadda isticmaalaya Baabuur baa lagu doonaa Raashinkooda. Rasuulka CSW oo Ummadda hoggaaminayey, saddex bilood oo isku soo wareegtay Gurigiisa Dab lagama shidin, haddana marka uu ogaado Qof jilicsan oo baahan, waxaan leeyahay waar Dadkiina jilicsan u gargaara oo u gurmada.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Walaaleyaal, waad ogtihiin oo lixdan Sannadood ayay Dadkani lee-leelayeen, Dagaalo badan oo Siyaasi ah ayay soo galeen, Dagaalo fool ka fool ah ayay soo galeen, Innamo badan oo aynu jeclayn oo midhaheena ahaa ayaa ku indho beelay, ku lugo beelay, hooyooyin badan baa illaa Maanta ooyaya. Walaalayaal Sababtii loo soo halgamay ee loo dumiyey Magaalooyinka Somaliland oo dhan ma ahayn in Kooxi noolaato. Halgankaasi wuxuu ahaa Halgan Ummadeed oo Dadku doonayeen inay Xornimo ku helaan, laakiin Koox ayaa ka faa’ideysatay, kuwaasi waa kuwa aynu ognahay ee qaarkood Maanta Xajka jooga, ee u baxay Cumrada, iyadoo aynu leenahay sida la idiinka aqbalaa way adag-tahay. Nebigu (CSW) isagoo sheekaynaya wuxuu xusay Nin Safar dheer ku jira oo boodhaysan, oo Gacmaha Cirka u taagay (isagoo ILAAHAY baryaya), laakiin wuxuu cunay xaaraan, wuxuu xidhan yahay waa Xaaraan, waxa lagu soo koriyeyna waa Xaaraan, Rasuulku wuxuu yidhi kaasi sidee looga aqbalayaa (Ducada).”

Sheekhu waxa kale oo uu ka warramay Musuqmaasuq baahsan oo Somaliland ka dhacay, “Musuqmaasuqa iyo Hanti-boobka Saacado kooban ka dhacay Somaliland, kama dhicin Dawladdii aynu la dagaalanay (ee Siyaad Barre). Nin ka mid ah Dadka Reer Somaliland ee Aqoonta leh oo u (War hayey) Dawladdii aynu la dagaalanay, wuxuu ii sheegay in Nin ka mid ah Shantii Nin ee ugu awoodda badnaa Dawladdaasi oo Wasaarad laga beddelay uu baryeyay Saddex kun oo Dollar oo Deyn ah in la siiyo. Laakiin waa Maanta jira (Somaliland) Niman kooxo ah oo isku xidhan, oo marka Qandaraas la bixinayo wax isku og, ee marka Imtixaanka (Shaqada loo gelo) laga qaadayo Ardaydii dedaashay ee Jaamacadaha Muddada dheer fadhiday natiijada Imtixaanka wax ka beddela, imika waxa Internet-ka ku jira Qofkii u soo baxay Shaqada oo toos Qof kale loogu beddelay, waa kooxahaa waxaa sameeya.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu ka hadlay Boob uu xusay in lagu hayo Dhulka Danta guud, “Kun Guri oo Shacabka ah (Xaafadda Shacabka Hargeysa) haddaad qaadato, kun deyr haddaad samaysato, ma shaqaynayso, Waayo? waxa iman doonto Maalin ILAAHAY keeno Dawladdii u fikiraysay Ummadda oo dib loo xisaabtami doono, ama daaro dhaadheer ka dhiso (Waalla xisaabtami). Dawladdii aynu la dagaalanay waxay Hargeysa badhtankeeda kaga tagtay 15KM oo Dhul ah oo Ummaddu lahayd, waynu ku kala tagnay, Iskuulka ay dhiganayeen 1400 ee Hablood ayaa Cid gaar ahi qaadatay. “

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud wuxuu Xukuumadda ku eedeeyay inay masuul ka tagay Sicir-bararka Lacagta Dollarka, waxaanu yidhi “Sicir-bararka, Dawladdii ay beddashay Dawladdani Miisaaniyaddeedu waxay ahayd $ 48 Milyan, Maamulkaa aynu qaabka khaldan u beddelnay Boqolka Dollar waxay ku haysay 650,000 kun shilin, taasi waxay keentay in Wakhtigaa Askariga furinta jooga ee tobanka Carruurta ah leh ay wax u tarto Shanta boqol ee uu Mushaharka u qaato. Aqoontayada iyo Aqoonta Dadka khibradda u leh (Dhaqaalaha) markii la isku wada geeyay Sicir-bararka Maamulkaa ka dambeeya, Waayo? Daabacaaddii Lacagta ee Dawladdii hore boqol-laab bay soo daabaceen, ha soo daabacaan ee ma haynayaan, ee Qof baa loo qorayaa laba Bilyan iyagoo og inuu Dollar ka dhiganayo, haddana way soo daabacayaan, iyadoo sababtuna tahay Baahidii ay iyagu lahaayeen.”

Sheekh Aadan, waxa kale oo uu khudbaddiisa ku sheegay in Lacagta bishii ka soo baxda Dekedda Berbera si gaar ah loo maamusho, “Waxa kale oo Sicir-bararka keenaya DP World, Shirkadda DP World ee Dekedda Berbera lagu wareejiyey waxa Bishii kaaga soo xerooda Saddex Milyan (Dollar), Lacagtaasi way wareegi lahayd, laakiin Saddexdaa Milyan toos baa loo qaadaa oo Dubai baa lagu shubaa, Nidaamka Lacagtaasi u shaqeynaysaa maaha Nidaam Sharciya oo Dastuurkeenna waafaqsan, waa nidaam ay ingaar ahi isku ogyihiin.”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo ka digay in Xisbiyada la reereeyo, “Waar Xisbiyada yaan la reeraynin, si aan khilaaf reereed inoogu imanin, Dawladda waxaanu kula talinaynaa in la qabto doorashada, si uu u soo baxo Madaxweyne Dadkan kala farsameeyaa, dhibaatada inna haysata waynu qarsanaynaa ee Kooxo ayaa Dalka Xukuma, Wasaarad walba nin baa goostay, Waayo? Awooddii Madaxweyne-nimo ayaa innaga itaal-daraysay, markaa waa in Doorashada la dedejiyo Ciddii doontaa ha soo baxdo’e, Nabadgalyadeenaa ku xidhan, Mustaqbalkeennaa ku xidhan, markaa Komiishanka waxaanu ku dardaaraynaa waar Wakhtigaa la qabtay yaanay Doorashadu ka dib dhicin.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here