Kulan Laysugu Keenay Maamuleyaasha Dugsiyada Dhexe Iyo Sare Ee JSL Iyo Nuxurka 9 Qorshe Oo Lagula Dagaalamayo Musuqmaasuqa Iyo Qishka Imtixaanka Shahaadiga Ah Oo Lagula Dardaarmay Dhaqangelintiisa

0
31

Hargeysa (Hubaal) Dhamaan qorsheyaashan iyo kuwo kale oo lagula tacaalayo inay ardaydu Imtixaanka qishaan ama u helaan fursad kale oo ay ku xadayaan xogtiisa, ayey Madaxda Wasaarada Waxbarashadu sheegeen in loo dejiyey Imtixaanka Shahaadigaa ee fasalka 8-aad ee Dugsiga dhexe iyo fasalka 4-aad oo dalka ka bilaabmaya 1Bisha Jully, sida ay ku dhawaaqeen Madaxda Wasaraada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland.

“tayada Waxbarashadeena waxa baabiiyey Qishka Imtixaanka iyo Arday ka soo booday Fasalkii uu soo mari lahaa oo mid ka sareeya u booday, waxaasina wax sii soconaya maaha”sidaas waxa sheegay Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare Cabdilaahi Ibraahim Habane oo Arbacda Maanta ka hadlayey kulan Xafiiska Imtixaanaadka Qaranku u qabtay Guddoomiyeyaasha waxbarashada ee Degmooyinka, Maamuleyaasha Dugsiyada, Komeerayaasha iyo Ilaaliyeyaasha Imtixaanka.

Kulankan oo ay ka qayb-galeen in ka badab laba boqol oo xubnood oo ka kala socday Degmooyinka iyo Dugsiyada Waxbarashada, waxa tallooyin iyo dardaaran ka jeediyey Masuuliyiinta Wasaaradda iyo khubaro la shaqeeya  xafiiska Imtixaanaadka Qaranka iyo Khubaro, kuwaasoo dhamaantood kula dardaarmay kooxaha ka qayb-gelaya qaadista Imtixaanka inay la-dagaalamaan Musuqmaasuq iyo Maamul-xumo kasta oo saameynaya tayada iyo habsami-u-socodka Imtixaanka.

IMG_20170628_123306

“waa cadaalad-darro in arday Imtixaanka qishay uu la mid noqdo mid dedaalay oo aqoontiisa iyo cilmigii la baray ku shaqeystay oo ku guulaystay. Waa cadaalad-darro iyo Maamul-xumo, waxaana ka masuul ah Macalinka Fasalka ilaalinaya iyo dhamaan inta la shaqeynaysa”sidaas waxa sheegay Khabiir la shaqeeya Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka oo ka soo qayb-galeyaasha u sharaxay dhibaatooyinka ay sababto xakameyn la’aanta gol-dalloolooyinka Ardayda u sahla inay Imtixaanka qishaan iyo mustaqbal-xumada Ardayga ku gudba habkaasi.

Dhinaca kale, waxa kulankaas lagu soo bandhigay qaababka ay Ardaydu qishka u sameeyaan iyo agabka u sahla oo ay kamid yihiin Telefoonnada gacanta iyo waraaqo ay siyaabo kala duwan ku helaan.

“laakiin Arday kasta oo Imtixaanka gelaya intaanu fasalka gelin,  waxa lagu baadhayaa qalab loogu talo-galay in lagu ilaaliyo Imtixaanka”sidaas ayuu sheegay Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax. Sidoo kale Kormeerayaasha iyo Macalimiinta ayaa la baadhi doonaa.

Guddoomiye Faarax waxa kale oo uu sheegay “qaabkii loo soo dhejin jiray Ardayda Imtixaanka gelaysa waa la bedelay oo halkii magacyada isku-midkaa ama Isku xarafka ka bilaabma loo soo dhejin jiray, sanadka waxaanu u bedelnay magaca Aabbaha”sidaas ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Cabdilaahi Ibraahim Habane, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo gabgabadii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Ardayga Imtixaanka gelaya laga doonayo lacag dhan 10,000shls oo ah qaadhaanka ka-soo-kabashada Abaaraha iyo inuu soo qadimo qofkii awoodaa lacagta Shahaadada “ma jiri doonto Jaamacad dambe oo Ardayda gudubtay magacyadooda ka qaadan doonta(website), ee waxa la doonayaa in Ardaygu isagoo Shahaadadiisii sita uu tago Jaamacadda ama Dugsiga uu gelayo”ayuu hadalkiisa raaciyey Wasiir Habane.

Wasiirka ayaa sidoo kale cadeeyey in dugsiyada dalka tayadooda waxbarasho lagu qiimeyn doono tirada Ardayda ku guulaysta Imtixaanka derejada A-da “lagu qiimeyn maayo Dugsiyada Arday ama laba Arday oo dalka oo dhan kaalinta koowaad u galaye, waxaan ku qiimeyn doonaa tirada Ardayda Imtixaanka u gashay ee Kaalinta A-da ku soo baxa” ayuu yidhi.

Waxa kulankan kadib halkaasi laga soo saaray qorsheyaal lagula dagaalamayo musuqmaasuqa iyo qishka ardayga, kuwaasi oo kala ah sidan

  1. Dhamaan xogta Imtixaanka oo helideeda la adkeeyey…
  2. Ardayga lagu qabto isagoo Telefoon la soo galay Fasalka uu Imtixaanka oo laga madnuucay gelista imtixiinka…
  3. Ardayda imtixaanka ku guulaysta oo Shahaadooyinkii loo diyaariyey..
  4. Lacagta Shahaadada oo ardayda laga qaadimayo..
  5. Lacagta ka soo kabashada Abaaraha oo Ardayda laga doonayo intaanay imtixaanka gelin…
  6. Guddoomiyeyaasha Waxbarashada oo lagu amray inay Fasallada lagu gelayo Imtixaanka iyagu kuraasta dhigaan oo ay hubiyaan…
  7. Ilaaliyeyaasha Imtixaanka oo dardaarankii u dambeeyey la siiyey maanta.
  8. Qaabkii ay Ardayda imtixaanka u fadhiisanaysaa Diwaanka Imtixaanka ugu soo bixi jireen oo la bedelay…
  9. Habka qiimeynta Dugsiyada ka qayb-gelaya oo la bedelay..

Si kastaba ha ahaatee Qorsheyaashan cusub ee lagu soo kordhiyey, ayaa la rajeynayaa inay meesha ka saaraan ama ugu ay yareeyaan heerkii musuqmaasuqa iyo xatooyooda Imtixaanka Shahaadiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here