Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Oo Khudbaddii Farmaajo Ku Tilmaamay Mid Ka Turjumaysa Ciil-qab Taariikheed

0
18

Nuxurka War-saxaafadeed Naqdiyey Khudbadda Madaxweynaha Dawladda Itaalka Daran Ee Xamar Oo Wasiir Cali Xasan Maxamed Ku Sheegay In Ay  Gawdh-gawdhay Maamuuskii Ay Lahayd  26 June

 “Farmaajo Khudbadiisii Aniga waxaa Iiga Soo Baxay InuuYahay Nin Taariikhda U Ciil-qaba, Waxaanan Leeyahay Nin ambaday halkuu aaday way ula ekoonaataye, Sow Waxaan Illaawaba Nin Xumi Ima Ogaysiiyo” – Wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka Iyo Guriyeynta ee Somaliland  

cali mareexaan

Hargaysa(Hubaal) Wasiirka Wasaarada hawlaha Guud Gadiidka Iyo Guryaynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa bogaadiyay Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale Oo Erayo Afkiisa Ka Soo Burqaday Madaxwaynaha Somaliya Oo Khaladaad Badani ka Muuqdeen U Saxay. Wasiirka Oo Warsaxaafadeed uu Soo Saaray kaga hadlay khaladaadka ka muuqday khudbadda Farmaajo ayaa nasiib darro ku tilmaamay in uu ku gefo tariikho badan oo ay Somaliland ku hanatay guulo. Warsaxaafadeedka Wasiir Cali Marreexaanoo dhamaystirani waxaa uu u dhignaa sidan:

“Cabdi Yuusuf Ducaale Boobe waa Siyaasi, Qoraa, Halgamaa iyo Taariikhyahan Afkaaga Caano lagu qabay. Waxaan dhegaystay jawaabtii uu siiyey Farmaajo oo runtii ahayd jawaab culus oo cilmi iyo waayo aragnimo ku dhisan. Farmaajo laftiisa khudbadiisa waan dhegaystay waxaana uu calaalinayey hadalka iyo magacyada waxaanay u muuqatay magacyadii uu akhriyayey in aanu hore maqal ee loo soo qoray, waayo Cali Sugule ugumuu yeedhaan Cali Sugul hadii uu hore u maqlay. Bakhad Casna waad maqlayseen sidii uu ugu dhawaqayey. Hadaba taariikhda uu u saxay aqoonyahay Boobe waxaan ugu darayaa laba armood oo uu dhexfadhiistay. Ta koobaad wuxuu sheegay in dadkii reer Hargaysa ee fagaaraha isugu yimi 26 june 1960 ay dalbanayeen in laysu keeno walaalahooda koorfurta. Taasi sax may ahayn waayo umadaasi waxay dalbanaysay shantii soomaliyeed waxaana ay markaa iyo ka horba ku heesi jireen” shantoo isweheshataa wacnaydaa calan inay wadaagaan wacnaydaa. Hawdoow haybtaadiyo hayso calankaaga. Wajeereey calanka hoo iyo jabuutaay ka soo hoyo hororkiyo waraabaha. Waan hubaa in aanu farmaajo weligii heesahayaa maqlin. Khaladka labaad ee umada somaliland oo dhan ka yaabiyey wuxuu ahaa markii uu isyidhi xisbiyadii dhaliyey 26 june ee la dagaalamay Igiriisa ka sheekee ee uu ku sheegay SNL, SYL iyo USP. Hadaba goorma ayay SYL u dagaalantay xornimadadii Somalialnd ee 1960 miyaanuse weligii maqal SNL, USP iyo NUF. “Nin ambaday halkuu aaday way ula ekoonaatay”. Ugu danbayn waxaa iiga soo baxay hadalkii Madaxwayne Farmaajo in uu ahaa nin taariikhda ku ciilqaba. Waxaan ku soo gebegaybaynayaa ” saw waxaan ilaawaba nin xumi ima ogaysiiyo”

Wa Bilaahi Tawfiiq..

Cali Hassan Mohamed

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud JSL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here