Raysal-wasaare Ku-xigeenka Dawladda Soomaaliya oo Guddoomiyey Shir lagaga Tashaday Maaraynta Deeqo Soomaaliya Soo gaadhay

0
31

Raysal-wasaare Ku-xigeenka Dawladda Soomaaliya oo Guddoomiyey Shir lagaga Tashaday Maaraynta Deeqo Soomaaliya Soo gaadhay

Muqdisho(Hubaal):- Raysal-wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa guddoomiyey Shir lagaga wada-tashaday Deeqo la xidhiidha Gurmadka Abaaraha oo Soomaaliya qaar ka tirsan Dalalka Caalamka ka soo gaadhay, gaar ahaan waddamada Turkiga iyo Indunuusiya.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Dabeeciga ah ee Soomaaliya Cumar Cilmi Caysane, ayaa markii uu Shirkaasi soo dhammaaday Warbaahinta la hadlay, waxaanu sheegay in Shirka ay isugu yimaaddeen Guddigii Taakulaynta Abaaraha Heer Qaran ee Soomaaliya.

Guddiga iyo Raysal-wasaare ku-xigeenku dood iyo is-waraysi ka dib, waxa uu Sheegay Wasiir Ku-xigeen Caynsane in lagaga arrinsaday Deeqaha Turkiga iyo Indunuusiya ka yimi ee Soomaaliya soo gaadhay sidii loo gaadhsiin lahaa Dadka Abaaruhu saameeyeen ee ka Barakacay deegaannadii ay ku dhaqnaayeen markii Xooluhu ka baxeen ka dib iyo kuwa weli ku sugan deegaannada aanay Roobabku ka di’in ee ay Abaaruhu ka jiraan ee Dalka Soomaaliya.

Khadar

Shirkaasi sidii uu u Qabsoomay iyo Warbixinta uu Saxaafadda siiyey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinnka ee Soomaaliya, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho Habboon:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here