Shaqaalihii Hawlaha Kaadhqaybinta Ee KDQ Oo Maanta La Dhaariyay

0
18

Maanta oo bishu tahay 02/07/17 waxa Jaamacada Hargeysa loogu soo xidhay tababarkii ardaydii jaamacadaha ee ka qayb galaayay ama ka shaqaynaayay qaybinta kaadhka cod bixiyaha Gobolka Maroodijeex.

dhaarinta

Halkaas oo sidoo kale lagu dhaariyay dhamaan shaqaalahaas ka hawl gali doona qaybinta kaadhadhka Gobolka Maroodijeex.

Dhaartaas oo ka qabsoontay Jaamacada Hargeysa waxa goob joog ka ahaa Komishaneerada masuulka ka ah hawsha kaadh qaybinta Gobolka Maroodijeex oo kala ah Gudoomiye ku xigeynka KDQ Mahamuud Waceys, komishineer Abdi fataax iyo komishineer Kaltuun.

Sidoo kale waxa halkaas lagu kala diray isla jaamacada gawaadhidii wacyigalinta ka qayb qaadanaayey Gobolka Maroodijeex.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here