SIXID: Diiwaanka Maansada Timacadde- (Maansayahankii aan muraadsiga aqoon!)

0
27

WQ: Yuusuf Cabdille Cismaan “Yuusuf-Shaacir”

Diiwaanka Maansada Timacadde-  Maansayahankii aan muraadsiga aqoon! (WQ: Yuusuf Cabdille Cismaan “Yuusuf-Shaacir”)

Qabyaalad iyo jeeroo la naco qaadkan lagu waashay

Qasti jeeray wada yeelatoo qawlka ku heshiiso

Qabyo weeye Soomaaliyeey qiiradaadaniye

14kii June 2017 shirkadda daabacaadda ee Sagaljet waxay iigu deeqday nuqul ka mid ah Diiwaanka Maansada Timacadde ee uu qoray Boobe Yuusuf Ducaale oo dhawaan soo baxay.  Sidaan filayo, dhawaan ayaa la soo bandhigi doonaa.

Guud ahaan waa buug  soo-jiidasho leh marka loo eego qaabka uu u diryaarsan yahay, waxaanay markiiba ishaadu ku dhacaysaa sawirka Alle ha u naxariistee Marxuum Timacadde oo jaldiga sare ku yaalla. Waa daabacaaddii saddexaad oo sida muuqata shin-dhalad, tuur iyo tarbiicaba laga hufay. Intii aan buug suugaaneed arkayay waa kii ugu maansooyin badnaa, waxaana ku daabacan 150 maanso.

Cabdillaahi Suldaan oo ku caan baxay Timacadde wuxuu safka hore kaga jiray halyeeyadii tirada iyo tayadaba lahaa ee naftooda u sadqeeyay halgankii gobanimo-doonka ama soo hooyay calanka maanta Soomaalidu ku faanto. Hibooyin is barkan ayaa Alle ku mannaystay  Timacacde. Wuxuu ahaa maansoyahan Alle u sakhiray  curinta ama falkinta  tixeed sida uu isaguba ku sheegay dhawr gabay oo ay ka mid yihiin “Masoo ururiyo ee kayga waan igadh salaaxaaye” iyo “Meer meeri mayo oo tixaan meel dhaw ku ogaame.”

Waxaa kale oo cajiib ahayd haybaddii iyo luuqdii uu ku hantiyay dhegeha dadwaynaha taas oo aragtidiisa maanseed u gudbisay si sahlan iyadoo aanu marnaba ka leexan mabaadii’dii uu u taagnaa ee ay ka mid ahaayeen waddaniyadda kuwaas oo ka dhex muuqda maansooyinkiisa sida uu ku sheegay tixo dhawr ah oo uu si guud dadweynaha  ugula hadlayey. Isaga oo ka digaya gacmo hoorsiga waa kii lahaa:

Midigtaadu waxay xoogsataa maydha gaajada’e

Magaabada hashaadaa ka roon, maydhanaan kale’e.

Cabdillaahi Suldaan wuxuu ka maansoon jiray qaybaha kala duwan ee nolosh sida dhaqanka, aqoonta waddaniyadda, wadajirka, midnimada bulshada iyo wacyigalinta umadeed. Dhinaca kale wuxuu si farshaxan ah u tilmaami jiray diinta islaamka isagoo aan baryada Alle aan ka ciijisi jirin. Bal eeg geeraarkan la-yaabka leh ee xamdi-naqa ah:

Casiiskii Nebi Luud

Kuwii caasi gareeyey

Ama ceebta yaqaanay

Habeen cawda u gooyay

Ilaahii Nebi Ciise

Cilmigiisa ku qaaday

Ee Cashaduu iman doono

Cawar seef ugu dhiibayaw

Ilaahii caadil ahaayeen

Cabdigiisa ahaynoow

Waxba kuu caban maynoo

Adaa caalimul- qayb ah.

Maansada Timacadde laba qodob ayaa ugu mudnaa. Midi waxay ahayd xornimo-doonkii aan xuduudda lahayn, ta kalena waxay ahayd digniintii uu ka bixin jiray xumaanta iyo dib-u-dhaca qabyaaladdu leedahay. Tusaale kooban waxaa inoogu filan xilli uu socday dagaal sokeeye oo u dhexeeyey beeshiisa iyo beel kale ayaa lagu dirqiyey in uu maanso tiriyo oo uu u jawaabo gabyaa ka soo jeeday beesha kale. Haseyeeshee jawaabtii uu bixiyey waxay noqotay mid ka duwan tii la filayey. Indheer-garanadnimadiisu waxay keentay in Timacadde dhinacyadii is ka horjeeday uu ka dhigo ardaa kali ah. Waxaanu tiriyey tixdan si weyn loogu soo hal-qabsado:

Doc hadday u wada jeesatoo dhawrto danaheeda

Ooy duul walaala ah tahay duunka ka heshiiso

Dadka kama yaraateen ee ways dabar jaraysaaye

Dubbe madaxa ways kala dhacnaa daa’in abidkeene

Goortay iswada tooxataa daad u soo galay’e

Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyeene

Marka isaga oo muujinaya nacaybka uu qabyaaladda u hayay waxa uu yidhi:

Nin qabyaalad beertaw wanaag kuuma soo boxo iyo

Nin qabyaalad heen saynayaa guul ma haybsado

Abwaanku waxaa kale oo uu siwayn ugu  suntan yahay halgankii xornimo-doonka ahaa. Suugaantiisu waxay ahayd guubaabo, kincin iyo caroog ka nixiya gumaysigii dalka haystay, taasaana sabab u ah in  qof kasta oo bulshada ka mid ah ay isugu xidhanto calansaarkii 1960-kii iyo geeraarkii Timacadde ee uu lahaa:

Sayr mawaydo daroortay

Oo siigadii naga maydhayaw

Cidina kaanay nasiine

Saatir noogu yaboohayaw

Sarreeyow ma nusqaamow

Saaxirkii kala guuraye

Aan siduu yahay eegno’e

Kaana siib kana saar

Dawladihii kala dabeeyey ee rayidka ahaa oo taariikhda ku galay eex, musuq iyo qaraabo-kiil Timacadde iyo qayrkiiba suluug weyn ayay ka muujiyeen. Waana tii keentay fursaddii uu ka faa’iidaystay kacaankii askartu hoggaanimaysay ee inqilaabka kula wareegay taladii dalka, walow aanu nidaamkii Kacaanka laftiisa wax badan la shaqayn marka laga reebo dhawr tixood oo dhiirigelin ah oo uu bilawgii Kacaanka curiyey kuwaas oo uu ku doonayey in wax laga qabto musuqa, eexda iyo wixii la mid ah. Waa kii lahaa:

Dhunkaal shilinku jeeruu noqdoo dhuunta mari waayo

Dhacarsiga ladayn maayo iyo dhiilkii lays baray’e

Dhaabbadaa aan soo jilay haddii laga dhabayn waayo

Dhutis xaalku kama baaqsadee dhuuxa hadalkeyga

Ale naxariistiisa hawgu deeqee 1973kii ayuu Timacadde ku xijaabtay Kalabaydh oo galbeed kaga toosan malaalada Gabiley. Geerida Timacadde oo naxdinteeda lahayd waxay ka hadlisay hal-abuurkii magaca ku lahaa dhinaca suugaanta. Aan soo qaadano tixdii Damaq iyo Xusuus ee uu Gaarriye ku sifeeyay Cabdulaahi Suldaan.

Gabaygii xalaashiyo

Xaqa sheeg ha joogtee

Dan ku xeeban jirine

Xeeli hadal ku caan baxay

Mabda’ aan la xadi jirin

Suugaanta xaramka ah

Xurmadeedi yaa marin

Xaasha’e aftahanimo

Haddii uu xabaal galay

Xeel dheereheedii

Haddii xawda laga jaray

Faraskii xiddaysnaa

Xakamihii yaa sudhi

Abwaan Hadraawi qoraal uu ku daray Diiwaanka Maansooyinkii Timacade wuxuu ku yidhi:

Cabdillaahi Suldaan shaqsiyaddiisu waxay ku guda jirtaa gabayadiisa iyo erayadiisa. Gabayadiisa iyo erayadiisuna waxay ku dhexjiraan codkiisa. Codka Cabdillaahi Suldaan cid waliba way ku qasbanayd in ay u dhegtaagto. Cabdullaahi Suldaan shaqsiyaddaas ayuu ahaa xayga ah ee aan inta xabaal lagu riday laga dareerin. Ilaa maanta Cabdillaahi Suldaan wuu dhex joogaa dadka aqal walbana wuu yaallaa. Dareen kasta oo qof leeyahayba wuu weheliyaa,  dhacdo kasta oo waddaniya Cabdilaahi Suldaan waa ka kaw. Mawqifka aan Cabdillaahi Suldaan ka taagnahay waa mid ixtiraam leh,  xaqdhawr leh, mudnaan leh,  kalgacal leh. Waa taa ta uu xaggayga ku leeyahay Cabdilaahi Suldaan. Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo,  innagana gabayadiisu meel ha inoo buuxiyeen.

Wixii ay hal-abuurku ka yidhaahdeen Timacadde aan ku lingaxo geeraarkii ducada ahaa abwaan Xuseen Aw Faarax.

Alle haw naxariisto

Oo ha u nuuro xabaasha

Iilka neecaw udgoon  iyo

Haku siiyo naruuro

In uu naar ka xoroobo

Nabigii la xidhiidho

Nasiibkiisa la geeyo

Jannada uu ku negaado

Nimcadeeda ku waaro

Xuurayl cayn ku nikaaxo

Niyaddaan ka duceeyaye

Raxmaankoow iga yeel.

Ugu dambayn, Boobe Yuusuf Ducaale oo muddo soddon sanadood ka badan ku raad joogay sooyaalka Timacadde wuxuu innaga furtay xil iyo waajibaad ummadeed. Waxaan odhan lahaa, anigoo soo amaahanaya tixdii Cali Sugulle uu Muuse Galaal ugu boroor diiqay “Waad gudatay Boobow xilkii kula gudbaanaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here