“Warbixin Gobolka Sanaag”

0
21

Qalinkii: Cabdinaasir Ibraahim

Waxa aan iin barteed lahayn “Siduu-doono yeelaha.” Mahad idilkeed isagaa mutaystay. Wuxu addoomihiisa faray in ay dhulka maraan si ay wax uga bartaan.

Qoraalkani wuxuu noqday kii iigu adkaa muddo saddex sanno ah ee aan sameeyo. Toban goor ayaan u holladay in aan bilaabo, uu igu adkaaday meel aan ka bilaabo ayaan garan waayay. Waxa kala batay wixii aan Gobolka Sanaag ku soo arkay iyo awoodda xirfaddayda qoraal. Si kale haddii aan u dhigo. Hummaagyadii quruxda badnaa ee indhaha aan ku qaaday, ayaa igu qaatay wakhti door ah in aan qoraal u beddelo.Wax kasta oo cariya maskaxda waan sameeyay si uu u soo baxo qoraal dareen ku yimid.

Kal-tirsiga Soomaalida bisha labaad ee Cawl dadka qaarna u yaqaannaan candho-qoys oo ah bisha labaad ee gu’ga shanteedii maalin lamminneed, oo tirsiga Miilaadiga ku aaddan June. 12th .2017 goor casar-dheere ah, gooreynta Soomaalida, ayuu safarkii aan Gobolka Sanaag ku tagnay ka bilaabmay xaafadda Hargeysada-cusub ee Bariga Hargeysa. Magaalada Berbera ayaan ka afurnay. Fiid cawl ayaan socodkayagii Berbera ka sii ambaqaadnay.

Guurahayagii habeenkaa inta badan anigu waxa aan ku qaatay, dhowrista cirka oo xiise weyn igu haysay. Quruxda cir gu’yeed daruuro teelteel ah leh xilli hayaamaha Dayaxu maqan yahay oo xiddigaha kale if ku tartamayaan. Bugcadda Somaliland dhacdo oo badhaha ollog la ah ayaa sahlaysay in aan indhahayga caadiga ah ku arko xiddigo aad u tiro badan. Buurta sheekh oo jooggeedu sarreeya figteeda ugu sarreysa iyo salkeeda isku si ayaad uga daawan karaysay oogada samada oo qiiq aad mooddo.

Waxa ay ahayd markii ugu horreysay ee aan u safro Gobalka Sanaag. Inkasta oo aan saddex qof ku safarnay, haddana aniga xiise gaar ah bay ii lahayd tegista Gololka Sanaag. Waxa aan ka mid ahay, kuwa ku raaxaysta socdaallada dhulka/baabuurta ee dhaadheer. Tegista goobo aanan hore u arag iyo barashada dadyow cusub waxa ay ii raaxo gelisaa RUUX ahaan. Waan jecelahay socdaalka. Tobankii sanno ee tegay safarro badan oo dhaadheer ayaan galay. Hasa yeeshee, safarkan Sanaag wuxuu noqday kii ugu laandheeraysnaa. Uguna xiisaha badnaa. Sidaa awgeed, ayaan qoraalkan war-murtiyeed uga sameeyay.

Waxa aan ka afeef dhiganayaa in aanan qoraal u beddeli karin muuqalladii bilicda-samaa ee aan Gobalka Sanaag ku soo arkay. Sababtuna waxa weeyaan in goob kasta aan ka dhaqaaqay iyada oo qalbigaygu jeclaysanayo daymada indhuhuna aanay ka dhergin wali.

Siddeed caano-maal oo aan safar ku joognay Gobolka Sanaag, Rabbina noo suuro-geliyay in aan soo aragno goobo badan oo taariikhi ah. Madaxda dawladda ee Gobolka Sanaag iyo Madax dhaqameedka, cuqaasha iyo shakhsiyaadka gobolka ugu cadcad oo aan xidhiidh dhow la lahayn ayaa Alle sabab uga dhigay in ay noo sahlaan sidii aan meelo badan oo door ah oo gobolka ku yaal u arki lahayn.

Waxa aragga noo dheeraa in ay warbixin wanaagsan naga siiyeen dhammaan goobihii ay na geeyeen. Waxa aan ka faa’iidaysannay waayo-aragnimadooda oo gaadhsiisnayd “Ged-yaqaannimo” Intaa haddii aan kaga imaaddo Mahadin Alle, furfurasho hadal iyo afeeftaydii, waxa aan uga gudbi dulucda qoraalka Safarkii Sanaag.

GOBOLKA SANAAG

Gobolka Sanaag waa gobolka ugu baaxadda weyn gobollada Somaliland. Wuxuu leeyahay xeebta ugu dheer Somaliland. Waa bu’da raadadka qadiimka ah. Wuxu leeyahay laagga ugu dheer guud ahaan Somaliland iyo Soomaaliya, waa Shimbiris oo jooggeedu badda ka korreeyo 2,460 m. Sidoo kale, wuxu gobolku leeyahay xeebta ugu dheer. Qariiradda Somaliland wuxu gobolku dhacaa jahada Bari.

War-ileedyo sannadka oo dhan socda oo biyo kulayl, qabow iyo macaan iskugu jiraa ay ka soo burqadaan ayuu gobolku leeyahay. Heer-kulka sarreeeya iyo roobka wanaagsan ee gobolka ayaa saamaxay bixitaanka kaymo jiq ah, sida Daalo iyo Surad. Waa deegaan aad u jaadad badan.

Gobolka Sanaag dadku wuxuu ku yahay teel-teel. Jawiga aadka u wanaagsan ee Gobolka Sanaag awgiii ayay dadku meelaha qaar gaadhaan Boqol iyo jarjar.

Taariikh-yahannada reer Masar ee geyiga wax ka qora gaar ahaanna kuwa aqoonta “Egyptology” darsaa way xusaan Gobolka Sanaag in uu yahay Qalbiga dhulkii”The land of Punt”

Intaana aan ku dhaafno xogtaa aadka u kooban ee gobolka Sanaag sida korka xaadiska ah uga wadaagnay.

CEERIGAABO

“Dalkan waxa ugu mudan Ceerigaab uguna muuq dheere, Waa Maakhir-koostii la Degey mar aan la koobayne.” Xaaji Aadan Af-calooc.

Ugu horreyn aan war kooban oo googoos ah idin ka siiyo magaalo madaxda Gobolka Sanaag, Ceerigaabo.Dhigaal-dhuleedka Soomaalilaan (Map of Somaliland) Ceerigaabo waxa ay ka dhacdaa Waqooyi-bari. Gobolka Sanaagna waxa ay kaga taal Waqooyi. Xilligii Gu’ga usbuucii aan Ceerigaabo joognay heer-kul-beeggu wuxu ku ciyaarayay (29-31) Waxa ay ahayd jawi raaxo badan. Inta badan roob ayaa da’ayay. Waxa ku aaddannay xilli roobaad lagu jiray bishii labaad ee gu’ga, oo Cawl ahayd. Sida ay innoo sheegaan xeel-dheereyaasha deegaanku saddexda bilood ee gu’ga waxa ugu roob badan bisha ugu horreysa ee Seer-ma-weydo, halka bisha labaad ee Cawli na ay tahay bisha dhulku ugu quruxda badan yahay ee saaca, manka iyo magoolku is qabsado. Sidaa awgeed, ayay magaaladu ili-qabatin u lahayd oo aad ugu cagaarnayd. Dharka waxa aad xidhnaan karaysay Usbuuc, dhidid iyo siigo midna ma lahayn Ceerigaabo. Ceerigaabo waxa ay joogga badda ka korreysaa (2,000m) ama (6,562 ft) Waa dhul jooggiisa aad u sarreeyo. Faraqa heer-kulka maalintu aad buu yar yahay. Roobka hoorimaadka ah ee ka da’aa wuxu leeyahay onkad hanqadh ba’an iyo hilaac joogto ah.

Waxa ay leedahay carro caska inta badan dhulka Oogada lagu yaqaan oo ku habboon daaqsinka iyo xoolo-dhaqashada, taas oo sahashay in ay ka baxaan dhir aad u dhaadheer oo kamid yihiin qudhaca iyo Dayibka oo aad badhtanka magaalada aad ku arkaysaa dhir 15 mitir dhererkoodu gaadhayay. Waxa magaalada ku xeeran raacato, ishinka ugu badan ee ay dhaqdaan yahay “Adhi” Hodannimada dadka reer Ceerigaabo waxa ay ku dhisan tahay duunyadooda mawaashiga ay dhaqdaan waxa ay u jaraan wax walba.

LA SOCO…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here