Sideed Amuurrood Oo Aan Judhiiba Ka Dareemay Hargeysa Oo Aan In Muddo Ah Ka Maqnaa Haatanse Aan Joogo

0
34

Qalinkii: Maxamed Haaruun Biixi

 Hargeysa oo aan in muddo ah ka maqnaa, laakiin se aan haatan joogo, waxyaabo dhawr ah ayaa I taabtay, oo aan judhiiba dareemay. Waa waxyaabo kala duduwan oo aan isla haysanin, laakiin se si uun cilaaqo u leh, sideeddan qodob ayaana ugu door roon:

  1. Jidka madaarka ilaa badhtamaha magaalada oo la hagaajiyay. Dadka qarkii oo tayada shaqada laga qabtay su’aal ka qaba waa arkay, waxna waa ka jiraan, laakiin candho ba waa xubin. Magaalada Hargeysa kolka baabuurta la waydiiyo in ay bixiyaan cashuurta waddo marista, dadku waxa ay qolyaha taraafiiga ku yidhaahdaan, cashuurtii godad-marista weeyaan, qaar kale na waxa ay yidhaahdaan horta wadada cashuurta nalagaga qaadaayo na tus! Kolkaa ugu yaraan jidka madaarka ka yimaadaa waa ka baxay khaanadaas, kuwo badan oo kale ayaa se ku jira. Hadii la doono in wax la qabto, waa la qaban karaa iyada oo aan hay’ad iyo cidnaba la soo baryin.
  2. Waxa la joojiyay dhaqan xumo lagu sheegi jiray xayaysiis oo warbaahinta shilin raadis ka ahi u samayn jirtay goobaha ku isman tacliinta. Dugsi kastaaba lacag ayaa uu bixin jiray, waxa uuna sheegan jiray in uu yahay kan ugu wanaagsan. Dabcan taasi been qayaxan oo dadka lagu baadho ayaa ay ahayd, mana filayo hadii sidaas lagaga dhabeeyo in cidi u barooran doonto joojinta xayaysiiska beenta ah. Xayaysiis kale oo midkas ka sii foolxun, oo ka liitta ayaa jira, aan se wali cidi dhaadin, waana midka loo sameeyo qolyaha ka ganacsada caafimaadka aadmiga; waa kuwii aan waa hore ku magacaabay mooryaanta aan hubaysnayn. Xataa islaamo faalisoyin ah ayaa TV ga laga xayaysiiyaa oo digtoor hebla lagu shheegaa, taas oo ku doodda in ay hayso daawada cudur kasta oo dunida ka jira, waana laga dhegaystaa oo TV yada ayaa soo daaya. Waa meelaha aad si qayaxan uga dareemayso in doorkii dawladnimo ka maqanyahay.
  3. Waxa aan judhiiba ogaaday in magaaladu cabsi ku nooshahay, oo cudur waa dhexdii ahayd laga yar raystay uu dib ugu soo laabtay. Hadii gabalba uu dhaco, qof dumar ah, caruur iyo nin wayni toona sida uu nabadgalyo ugu socdo waa adagtahay. Waxa la igu yidhi mobile kaaga guriga kaga tag hadii aad cishaha masjidka aadayso, waana xaqiiqo jirta oo magaalada oo dhan ku baahsan. Dhalinyaro baxdawday oo shufto ah, oo meel kastaba taagan ayaa noloshii dadka adkeeyay. Waa fashilad ka timid hay’adaha amniga oo si hawl yar wax uga qaban kara waxan oo kale, waa se hadii ay u jeedaan.
  4. Cisbitaalka wayn oo aan tegay waxa ay dadku xoog uga cabanaayeen jeebkooda in xoog loo weeraro, dad badani na aanay taas awoodi Karin. Shaybaadhka oo kale ayaa tusaale ahaan, ay sheegeen dadka jiifaa in lacago badan lagaga qaado. Shaqaalaha shaybaadhka joogaa xukuumadda iyo hay’ado ajnabi ayaa ay lacago ka qaataan, daawooyinka iyo qalabka ay adeegsanayaan na, waa kuwo cisbitaalku leeyahay, mana dareemi karo sababta lacagaha loo qaado Armay wacantahay in hoos loo eego!. Geesta kale, nin oday ah oo shil baabuur wax ku noqday, oo madaxa nabar ka gaadhay, oo fiidnimo la keenay, waxa loogu arimiyay in meel la iska jiifiyo ilaa inta berito waagu beryaayo ee madaxa laga saaraayo scan, amaba “computer” waa sida halkkan looga yaqaano. Nasiib darro ninkii odayga ahaa waabari ku dhawaadkii ayaa uu qudh baxay. Waxa ay u badantahay in uu dhiig madaxa kaga furnaa, uuna u baahnaa qaliin degdeg ah. Ninkaasi shaki la’aan shilka uma dhimanin ee dayac baa uu u dhintay, cid dayacaas eeddiisa qaadanaysaa na ma jirto haba yaraatee.
  5. Magaalada Hargeysa, oo loo yaqaanno caasimadda ooman, wali sidii ayaa ay u oomantahay. Waa halkii Qaasim ee, “Sidii baa Ducaaloow biyihii loo dawariyaa!” Waxa la naawilaayay, oo idaacadda Kulmiye ee sida qaladka ah loogu sheego Radio Hargeysa na laga baahin jiray 2016 kii oo dhan, in January 2017 kan meel walba biyo gaadhi doonaan ka dib mashruuc malaayiin lagu bixiyay. Hadda taasi ma dhicin, sababta na lama sheegin. Muddo 27 sanadood ah, magaalada inteeda badani waxa ay cabtaa biyo ceelal aan nadiif ahayn laga soo dhuro, oo booyado lagu qaybiyo, dhibaatooyin caafimaad oo aad u daran, una badan ayaana laga dahxlay. Musuqqa iyo maamul xumada ku dhacday mashaariicda biyaha ee Hargeysa dadka oo dhan isku si ayaa ay u saameeyeen, oo ay xataa ku jiraan kuwa qabyaaladda ku difaca musuqqa. Hargeysi waxa ay qaadaysaa – “Cidna eersan maayo”
  6. Waxa aan ogaaday, oo ay ii sheegeen masuuliyiinta hay’ada sanduuqqa Somaliland ee horumarinta (Somaliland Development Fund), in wakhtigoodii dhamaaday, ilaa haatan na ay waddanka geliyeen 44 milyan oo doolar. Waa hay’ad madax banaan oo dhawr waddan oo Yurubiyan ahi ay bixiyaan lacagta ay ku shaqayn jirtay. Waa lacagta lagu dhisay cisbitalada Ceerigaabo iyo Laascaanood, qaybo ka mid ah laamiga Hargeysa-Berbera iyo dhismayaal kale oo badan oo xukuumadda Kulmiye ay sheegato, oo hadba xadhig ka jarkooda isku soo sawirto, laakiin aanay wax shaqo ah ku lahayn. Hay’adan waxa loo abuuray si loo hubiyo in lacagtaasi ay ficlan waddanka gasho, oo aanay huluulo baas ka dusin. Mashruucani waxa uu ahaa tijaabo, waana kii u horeeyay ee noociisa ah. Dabcan tijaabadii in ay guulaysatay iyo in kale waxa laga ogaan kolka ay qolyihii maamulaayay mashruucaas ee dhaqaalihiisa na bixin jiray ay qiimayn madax banaan sameeyaan, waxa aan se ogahay in ay shaqooyin badan qabteen. Su’aasha ah – hawlaha ay SDF qabteen iyo lacagta ay hayeen ma isu dhigmaan mise maya, waa dood kale.
  7. Abaartii waddanka ka dahcday khasaare baaxad leh ayaa ka dhashay, saamaynteedu na ma aha mid sinaba u qarsoomi karta. In kasta oo kulkii abaartu jabay, hadana roobabkii gu’ga ee la filaayay ma u curanin sidii la sugaayay oo teel-teel ayaa ay noqdeen. Dadku xoog ayaa ay u jilceen, xoolihii na si xoog ah ayaa ay uga baxeen. Nin xoolo dhaqato ahi waxa uu ii sheegay in adhi dhawr boqol oo neef ahaa ay boqolkiiba labaatan uuni uga soo doogtay jiilaalkii, dadka badankoodu na ay la mid yihiin, qaar na aanay waxbaba u badbaadin. Dabcan taasi waa khasaare umadeed oo baaxad leh, yaa se wax ka qabanaaya, ama abaarta tan xigta qorshe ka yeelan doona? Waa su’aal sharad ka yaalaa, waxa aan se hubaa in aanay cidaasi marnaba Kulmiye noqon doonin. Sidaas baa ay ila tahay, maxaa yeelay dee sanado badan oo ay meesha soo fadhiyeen farna ma ay qaadin.
  8. Dad badani waxa ay is waydiinaayeen sababta ay xukuumaddii SL iyada oo isku duuban u fadhido hotello qaali ah oo ku yaalla waddanka Imaaraadka Carabta. Tafsiirro badan ayaa la bixiyay, oo nasasho ay ka mid ahayd, mar shaqo ayaa la sheegay, marar kale na waxyaabo kale, laakiin wakhtiga dheeraaday ayaa tafsiir kasta oo la bixiyay micno tiray. Heshiiskii ku saabsanaa jidka Berbera iyo Wajaale isku xidha oo markii afraad ama shanaad la saxeexay ayaa ahaa mid kaftan iyo maad gooni ah reebay. Si kastaba, anigu ma filaayo in ay jirto cid warkaasi ididiilo hor leh ku abuuray, hadii ay jirto na, waa cid muraad gooni ah ka leh ku celcelinta wararka noocaas ah.

Allaa Mahad Leh

Qalinkii: Maxamed Haaruun Biixi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here