Magacyada Shan Mareegood Oo Dawladda Somaliland Ay Hawada Ka Saartay Iyo Nuxurka Qoraal Lagu Amray Shirkadaha Isgaadhsiinta Oo Hawada Lagaga Saaray Shabakadahan

0
28

Akhri: Waxa ay Maxakamaddu Amartay In Hawada Laga Saaro Shantan Website Oo Ay Sheegtay In Ay Faafiyeen Warar Isku Dhufanaya Beellaha JSL+Eedo Ka Dhan Ah Masuuliyiintooda Oo Maxakamadda U Yaalla

“Annagoo Ka Duulayna Codsiga Ka Soo Baxay Xafiiska Taliyaha C.I.D, Ee Uu Ku Codsaday In La Xayiro Shan Mareegood Oo Ay Ku Sheegeen Inay Faafiyeen Warar Sababi Kara Isku Dhac Ka Yimaada Beellaha JSL”

shanta website ee la xidhay

Hargeysa(Hubaal) Xukuumadda Somaliland ayaa Hawada ka saartay shan Website,  oo uu xafiiska Baadhista Danbiyadda Somaliland ku soo Eedeeyey inay faafiyeen warar been abuur iyo Dacaayad ah, kuwaas oo  ay sheegtay in ay  saamayn ku yeesheen Amniga Dalka isla markaana ay abuurayaan isku Dhac beeleed. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay  maxakamada gobolka Hargeysa oo uu ku saxeexan yahay guddoomiyaha maxakamadda gobolka Maroodijeex Axmed Ismaaciil Dalmar, shabakadahan hawada laga saaray ayaa lagu tilmaamay in ay maxakamadda u yaallaan dacwado ka dhan ah iyaga oo lagu soo oogay, kadib markii ay codsi u gudbiyeen laanta dembi baadhista ciidamada booliska iyo xafiiska xeerilaalintu, sidaasi darteedna ay maxakamaddu ogolaatay in la fuliyo codsigooda lana faro  shirkadaha isgaadhsiinta in ay  khadkooda ka xayiraan shabakadahan. Mareegaha go’aanka laga soo saaray ayaa kala ah Karrinnews.com, Baraarugnews.com, Saylactoday.com, Haleelnews.com iyo Suradnews.com. Amarka Maxkamaddaayaa u qornaa sidan:- Amar Xayiraad Mareego Internet (Website)

Mudanayaal annagoo ka duulayna codsiga xayiraada sumaddiisu tahay qbd/423/017 ee ku Taariikhaysan 02/07/2017 ujeeddadiisuna tahay xayiraada website-yada dalka ku baahiya warar khaldan oo ka soo baxay Xafiiska Taliyaha qaybta baadhista danbiyada  C.I.D, kuna codsaday in la xayiro shan mareegood oo ah website-yo  ay ku sheegeen inay dalka ka baahiyaan warar been abuur ah oo ku lid ah beelaha wadanka JSL wada dega, faafiyeena dacaayado ka dhan ah madaxda Qaranka JSL,  isla maraana taliyuhu qoraalkiisa ku xusay inay taasi sababayso amni darro iyo isku dhac ka iman kara beelaha wada dega dalkan JSL.

Sidoo kale anigoo ka duulaya dalabka ka yimid madaxda Xeer ilaalinta Gobolka Maroodi-jeex ee ku Taariikhaysan 03/07/2017 kuna codsaday in loo tixgaiyo qaybta baadhista danbiyada codsigooda isla markaana xayiraad la saaro website-yada dalka ku baahinaya wararka iyo dacaayadaha been abuurka ah si nabadgelyada guud ee qaranku u ahaato mid xoogan.

Asbaabahaas sare ku xusan dartood waxaan soo saarnay Xayiraadan.

Waxaan ogolaanay codsiga ka yimi madaxda xeer ilaalinta gobolka Maroodi-jeex eek u taariikhaysan 03/07/2017 ee uu ku codsaday in la tixgaliyo codsiga qaybta aadhista danbiyada C.I.D ee sumadiisu ahaa QBD/BD/423/017, kuna taariikhaysnaa 02/07/2017 ee nuxurkuu xambaarsanaa sare ku xusan yahay. Waxay maxkamaddu xayirtay dhamaan shanta Website ee lagu so Eedeeyey inay faafiyaan wararka iyo dacaayadaha been abuurka ah ee ka dhanka ah Qaranka JSL oo kala ah:- Karinnews.com, Baraarugnews.com, Saylactoday.com, Haleelews.com, Suradnews.com Dhamaan shirkaddaha adeegyada Internet-ka bixiya ee qoraalkani ku socdo waxaan ku amraynaa inay fuliyaan amarkan maxkamaddu ku xayirtay oo Eedo ku taagani maxkamadda yaalaan. Amarkan xayiraada ah waxa uu soo baxay 12/07/2017

Shanta shabakadood (Websites) ee ay Dawladda Somaliland hawada ka saartay ayaa waxay kala yihiin; Karinnews, Baraarug.com, Seylactoday, Suradnews iyo website-ka kale ee Haleelnews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here