Turkiga Oo Hargeysa Ku Xusay Afgem-bigii Dhicisoobay Ee SanadKa Hor Ka Dhacay Dalkaas Oo Xalay Ku Beegnaa

0
26

“Habeenkii 15-kii July  2016, Dadka Turkigu Waxay Ka Hortageen Isku-Day Ay Soo Abaabuleen Dad U Shaqeeya Ninka Isu Arka Inuu Yahay ‘Maamulaha Dunida’”- Qunsulka Dalkaasi U Jooga Somaliland  Amb. Ali Noyan

inqilaabkii fashilmay ee turkiga

Hargeisa (Hubaal ) Qusulka dalka turkiga u jooga dalka somaliland ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in ay shacabka Dalka turkigu u taagan yihiin markasta in ay difaacdaan qaranimadooda si ay uga hortagaan cidkasta oo isku dayday afgambi.

Qusulka turkiga Ali Noyan Oo Warsaxafadeedkiisu soo gaadhay xalay wargeyska HUBAAL ayaa u dhignaa in ay markasta in qilaabkii dhacay sanadkii 2016ka 15kii julay ay u aqoonsan yihiin inuu ka danbeeyay Fethullah Gülen Waxaana uu yidhi. “Qunsuliyadda Dalka Turkey ku leeyahay  Somaliland ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay xuska sanad guuradda koowaad ee ka soo wareegtay isku daygii inqilaabka dhicisoobay,Habeenkii 15-kii July  2016, dadka Turkigu waxay ka hortageen isku-day afgembi oo ay soo abaabuleen dad dhex galay ciidamada qalabka sida iyo hay’adaha kale ee dowladda oo u shaqeeya ninka isu arka inuu yahay ‘maamulaha dunida’ ee lagu magacaabo Fethullah Gülen”.Sidaas ayaa uu yidhi Qusulka Dalka Turkiga U Jooga Hargaysa Ali Noyan

intaasna waxa uu ku daray isaga oo hadalkiisa siiwata waxaana uu yidhi.”Habeenkaasi waxaa dhacay weerar argagixiso oo taariikhda Jamhuuriyadda Turkiga aan hore loogu arag. Waxaa ku dhintay 250 muwaadin, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 2,000 oo muwaadiniinteena kamid ah.

Shacabka Turkigu iyaga oo mid ah ayey si geesinimo leh uga hor yimaadeen dadkii afgembiga wadey, waxa ay is hortaageen taangiyadii. Si ay uga hortagaan in lala wareego xaruumaha hay’adaha dowladda, rasaasta ayey isu dhigeen. Shacabka Turkigu waxay caddeeyeen in aysan marnaba ogolaan doonin faragelin kasta oo aan dimoqraadi ahayn.

Waxa ay caddeeyeen in mustaqbalka Turkigu aanay go’aamin karin kooxo hubeysan, balse uu go’aamin karo rabitaanka dadweynaha.

Dadkii ku shahiiday iyaga oo si geesinimo leh u difaacaya mustaqbalka dalkooda iyo dimoqraadiyadda,waxaan u rajeyneynaa naxariis, dadkii ku dhaawacmayna waxaan xuseynaa annagoo abaal weyn u hayna.

Hargeisa Somaliland.

Ali Noyan Qusulka Guud ee dalka Turkiga u jooga Hargaysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here