Wasiir Qurbejooga Jufadiisa Ka Saxeexay Cidda Ay U Daba-fadhiisanayaan Masiirka Siyaasaddeed Ee Beesha Ay Kasoo Jeedaan

0
26

AKHRI: Shir albaabadu U Xidhan Yahay Oo Dhexmaray Mas’uuliyiin Uu Xukuumadda Ka Tirsan Iyo Xubno Qurbejoog Ah

wasiir reer boorama ah

 Boorama (Hubaal) Shir albaabadu u xidhan yahay oo shalay ka dhacay magaallada Boorama ayaa waxaa foodda isku daray mas’uul xukuumadda Somaliland katirsan iyo qaar ka mid ah qurbejooga reer Somaliland ee deegaankaas u dhashay.  Sida xalay lagu baahiyey barta internetka ee Hadhwanaagnews shirkan oo aka dhacay Hotel Rays ee magaallada Boorama waxaa ka qayb galay   Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Iyo Maareeyaha hay’adda waddooyinka Somaliland ee SRA oo isku dhinac ah iyo qaar kamid ah qurbejooga reer Somaliland ee ka soo jeeda Beesha reer Axaamed oo kamid ah beellaha ku dhaqan Boorama.

Shirkan oo aan saxaafaddu goob joog ka ahayn ayaa markii laga soo baxay waxaa ka war bixiyey waxyaabaha lagaga hadlay Md. Mustafe Faarax Abraar, wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland, isaga oo si kooban u sharraxay dulucda ka dembeysay shikran waxaana uu yidhi  “Shirku waxa uu ahaa mid salka ku haya is waraysi iyo isku xaal waran, waxana uu dhexmaray Siyaasiyiinta iyi Qurbojooga beel ka mid ah beelaha gobolka Awdal, waxaana uu ahaa shir loo baahnaa oo lagu xoojinayay xidhiidhka bulshooyinkan ee gudaha dalka iyo dibadaba”. Wasiir Abraar oo hadalka siiwata ayaa yidhi “Shirka oo ku dhamaaday jawi wanaagsan oo la isku xog waraystay waxa la isla gartay dhawr qodob oo midka hore yahay in siyaasada iyo masiirka siyaasadeed ee bulshawayntan loo daba fadhiisto waxna laga waydiiyo siyaasiyiinta beesha ugu jira xukuumada Somaliland  sidoo kale waxa la isla afgartay in wada-jir loo taageero xukuumada iyo xisbiga KULMIYE. Waxaana aanu isla garanay in ballan dembe la qabsado oo la soo qabanqaabiyo shir ballaadhan oo loogu gogol xaadhayo sidii bulsho weyntan loo midayn lahaa cududeeda, siyaasaddeeda iyo   waxqabadka iyo hormarrinta dalka, taasi oo uu  gundhig u  yahay in la adkeeyo midnimada beesha iyo tan Somaliland”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here