Hawl-wadeennada Caafimaadka Oo Quus Ka Muujiyey Cabashooyin Is Biirsaday Oo Ay Ka Gudbiyeen Agaasime Waaxeed Ka Tirsan Wasaarradooda

0
27

Waxaa Ay sheegeen  In Agaasimahani Uu  Xagal-daaciyey Nidaamkii Shaqo Ee Ay Waaxdan Oo Laf-dhabar U Ah Wasaaradda Caafimaadku lahayd

 hawlwadeenada caafimaadka

Hargeysa (Hubaal)- waxay ahayd bishii Oktoober ee sanadkii 2015, markii xubno kamid ah shaqaalaha waaxda qorsheynta ee wasaaradda caafimaadku ay cabasho ka dhan ah agaasimahooda waaxda qorsheynta u gudbiyeen wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr. Xaglotoosiye, Cabashadaas oo ku saabsanayd habsami u socodka hawlaha shaqo ee waaxda qorsheynta oo hoos u dhac-weyni ku yimid, taasoo ay sabab u ahayd agaasimaha waaxda qorsheynta oo gebi ahaanba meesha ka saaray wadashaqaynta shaqaalaha xafiiskeeda. Ka dib, markii wasiirka caafimaadka ay cabashadoodaasi  gaadhay waxa uu kaga jawaabay waraaq digniin ah 29-kii bishii Novenber ee sannadkii 2015-kii, taasoo sababtay in shaqaalhii ka hawlgalayey waaxda qorsheynta ee wasaaradda caafimaadka oo tiradoodu dhamayd 10 qof, ay gebi ahaanba iskaga tegaan shaqadii wasaaradda caafimaadka ay u hayeen, marka laga reebo mid ka mid ah 10-qof ee shaqaalaha ahaa, taasoo ahayd madaxa qaybta xidhiidhinta hay’addaha ee waaxda qorsheynta,  laguna magacaabo Raxma Maxamed Saqadhi, oo aan habayaraatee wax shaqo ah haatan ka qaban xafiiska ay fadhiisato, maxaa yeelay, shaqadii ay u qaabilsanayd wasaaradda waxaa la wareegay cid gaar ah oo agaasimaha waaxda qorsheynta, Feysa Axmed Ibraahim keensatay, oo aan shaqaale caafimaad ahayn, cidina aanay soo magaacaabin.

Agaasimaha waaxda qorsheynta ee wasaaradda caafimaadka Feysa Axmed Ibraahim, oo awood ka helaysa wasiirka wasaaraddaasi, ayaa haataan culays iyo cadaadis ba’an dusha u saartay gabadha keliya ee kasoo hadhay 10-kii shaqaale ee iska tegay markii waxba laga qaban waayay cabashadoodii.

Wasiirka wasaarada caafimaadka ayaa culays iyo cadaadis ku saaray xubno ka mid ah guddida anshaxa ee wasaarada caafimaadka inay xaliyaan khilaafka soo kala dhex-galay gabadhaasi agaasimaha ka ah waaxda qorsheynta ee wasaaradda caafimaadku iyo madaxa xidhiidhinta hayadaha ee wasaarada caafimaadka, ka dibna, Agaasimaha waaxda qorsheynta Faysa Axmed Ibraahim ayaa diiday, isla-markaa waxa ay go’aan ku gaadhay illaa la badelo mooyaane in aanay soo shaqo tagi-doonin, arrintaasina waxa ay sababtay in lagu qanciyo in la badalo Raxma Maxamed Saqadhi Dubad oo uu dhalay alla ha u naxariistee taliyihii hore ee ciidamada Bilayska Somaliland Marxuum maxamed Saqadhi Dubbad

Sida aanu ka helnay illo-wareedyo u dhuun daloola wasaarada caafimaadka ayaa noo sheegay in Raxma Maxamed Saqadhi ay ku gacan saydhay badalkaas, sababo la xidhiidha, maadaama aanay jirin wax loo badelaa. Sidoo kale  waxa ka mid ahaa shaqaalihii iskaga tagey wakhtigaas, Ifraax Axmed Aadan oo ahayd Madaxa diiwaanka dhalashooyinka, Axmed Cumar Askar, madaxa siyaasada iyo qorsheynta, Cabdifatax Xuseen Baladi madaxa xidhmooyinka adeegyada mashaariicda caafimaadka, Cabdi shakuur Maxamed yuusuf Madaxa qiimeynta iyo dabagalka, Iid Muxumed Cabdi Xafiiska daraasaadka iyo cilmi baadhista, Cabdiraxmaan Saleebaan Xasan, Dowladaha hoose, Axmed Maxamed Cali xidhiidhiyaha cimi baadhista.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here