Xisbiga KULMIYE Oo Ka Hadlay Shil Baabuur Oo Qaar Ka Mid Ah Gaadiidka Weftigii Guddoomiye Muuse Biixi Ku Galeen Hawdka Gobolka TOGDHEER Oo Ay Safar Ku Marayeen

0
13

Akhri: War-saxaafadeed Uu Xog-hayaha Warfaafinta Ee Xisbiga KULMIYE Ku Faahfaahiyey Sida Shilkaasi U Dhacay Iyo Halka Uu Ka Dhacay

“Gaadhiga Shilka Galay oo ahaa Land Cruiser  Kamid Ahaa Gaadiidka Weftiga Guddoomiyaha Ayaa  Xilli Ay Marayeen Inta U Dhaxaysa Deegaannada Balan-bal Iyo Nasiye waxaa Uu…….”

????????????????????????????????????

Hargeysa (Hubaal):- War-Saxaafadeed ka soo baxay Xarunta dhexe ee Xisbiga KULMIYE ku leeyahay magaalada Hargeysa, ayaa lagaga warramay Shil Baabuur oo ku yimi Wefti uu hoggaaminayo Musharraxa ahna Guddoomiyaha Xisbigaas Muuse Biixi oo Safar Kormeer ah ku marayey Hawdka gobolka Togdheer, iyaga oo dhammaan 4 Qof oo Masuuliyiin iyo Hawl-wadeenno isugu jira oo Gaadhigaas saarnaa ay badbaadeen. Gaadhiga dhacay oo ahaa Baabuur Laangaruusal ah oo ka mid ahaa Gaadiidka Weftiga Guddoomiyaha Kulmiye, waxaanu shalay ku dhacay Gaadhi xilli ay marayeen inta u dhaxaysa deegaannada Balanbaal iyo Nasiye ee Hawdka gobolka Togdheer. Waxaana sidaa lagu sheegay War-Saxaafadeedka ka soo baxay KULMIYE oo uu ku saxeexnaa Madaxa Xafiiska Warbaahinta KULMIYE Cali Jaamac Maxamed, kaas oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay wargeyska HUBAAL waxa uuu dhignaa sidatan:- “Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo beryahanba socdaal shaqo ku jooga Gobolka Togdheer ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta kormeer shaqo ugu baxay deegaanno ka tirsan Hawd gobolka oo ay u kuurgalayaan xaaladaha kala duwan ee nolosha dadka iyo hawsha qaadashada kaadhka codbixinta oo hadda gashay wejiga labaad ee labada gobol ee Maroodi-jeex iyo Togdheer. Haddaba, intii weftigu ku gudo jiray socdaalkaasi maanta waxa dhacay shil baabuur, kadib markii uu dhacay mid ka mid ah gaadiidka weftiga KULMIYE xilli ay marayeen inta u dhaxaysa deegaannada Balanbaal iyo Nasiye ee hawdka Gobolka Togdheer, iyadoo nasiib-wanaag aanay jirin wax khasaare ah oo ka dhashay shilkaasi, marka laga yimaado khasaare burbur gaadhay baabuurka dhacay iyo qalabkii saarnaa. Guud ahaan waxa nabad qaba oo aanay wax dhib ahi soo gaadhin afar qof oo saarnaa baabuurka dhacay oo kala ah; Guddoomiye-ku-xigeenka Garabka Haweenka KULMIYE ee heer qaran Marwo Dalays Shire Faarax, Mr. Jaamac Xaaji Axmed oo ka mid ah Golaha Dhexe ee xisbiga, sawir-qaade Ibraahim Cabdiqaadir Ibraahim (Ibraahim-Eagle) iyo darawalkii waday baabuurka, kuwaas oo hadda ku sugan magaalada Burco. Shilkaasi sahalka ah kadib waxa weftiga murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE Mudane, Muuse Biixi Cabdi halkiisii ka sii ambaqaaday scodaalkii uu ku marayey deegaannada Nasiye ee ka tirsan Gobolka Togdheer oo martiqaadyo casuumado ah iyo xaflado taageero ah loogu sameeyey. Waxa kaloo xisbiga KULMIYE ugu baaqayaa muwaadiniinta reer Somaliland ee ku dhaqan gobollada Togdheer iyo Maroodi-jeex ee hore isu-diiwaangeliyey inay si buuxda u qaataan kaadhkooda codbixinta oo ay ka faa’iidaystaan muddada kooban ee ka hadhay waqtiga Komishanka Doorashooyinku u cayimay kaadh-qaadashada si ay codkooda ugaga qaybqaataan doorashooyinka soo socda ee Somaliland oo aanay u lumin xuquuqdooda. ALLAA MAHAD LEH.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedka ka soo baxay Xisbiga Kulmiye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here