Gorfeynta Buugga “Masraxa Cadaabta “, ee uu qorey Cabdinaasir Axmed Ibraahim

0
1327

Khaalid Jaamac Qodax

Qodax02@gmail.com

 

Buuggan magaciisu dusha ku xusan yahay baa ka mid ahaa dhawr buug oo hadiyad ahaan magaalada Hargeysa la iiga soo direy. Kolkii aan akhriyeyna, waxaan jeclaaday inaan wixii iiga baxay la wadaago akhristayaasha xiiseeya kala-dhigdhigga dhiganayaasha. Filashadii aan ka filaayey buugga, iyo wixii aan ugu tagey gudaha ayaa isku kay qaban waayey, taasi oo xataa boqolkiiba 2% ka mid ah ii buuxin weydey filashadeydaasi. Isla jeerkaasi ayaan go’aan saday inaan dadka u soo bandhigo, la wadaago, una sharraxo, wixii iiga baxay buuggan.

Sidaa oo ay tahay, haddana hore ayaa loo yidhi “Hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa, gurigaaga hortiina ood weyn baa la dhigtaa”, waxaan si guud iyo si gaar ahba uga afeef dhiganayaa inaanu ulajeedkaygu ahayn wax ka sheegga doorka qoraanimo ee qoraha buuggan, hayeeshee aan rabo inaan yar iftiimiyo aqoonta iyo waayo-aragnimada qoraal een buugga kala kulmey, taasi oo u baahan saxid, tilmaan, hogatusaaleyn, iyo toosin togan oo waxtar u yeelan doonta qoraha, iyo cid kasta oo aan filaayo iney buug soo waddo, ama maanka ku haysa iney mar uun wax qoraan.

Ugu horreyn waxa aan si kal furan ugu hambalyeynayaa inuu qoraha buuggan, Cabdinaasir Axmed Ibraahim ku dhiirrado inuu soo saaro buuggan, aniga oo ogsoon soosaaridda buug inaaney aheyn wax hawl yar, ee ay tahay arrin u baahan dedaal, tacab, iyo karti gaar ah. Maaddaama aanu buuggani aheyn kiisii koowaad, ee uu yahay buuggii saddexaad ee qoruhu inoo soo bandhigo, waxa run ahaantii mudan in si toolmoon wax looga yidhaahdo, taasi oo waxtar togan u noqon doonta isaga iyo dhiggiisaba, una badhitaari doonta waayo-aragnimadooda qoraanimo ee mustaqbalka dhaw iyo ka fog labadaba.

Buuggu waxa uu ka kooban yahay 140 bog, oo soo gudbinaya shan sheeko oo gaagaaban. Shanta sheeko inkasta oo ay mawduucyo isku mid ah ka hadlayaan sida uu gogoldhigga buugga ku xusaayo qoruhu waxa ay ka hadlayaan “Dhacdooyin nololleedyo run ah. Isla markaa, murugo iyo xanuun badan. Bogga 1aad ee buugga”. Sheekooyinkani waxa ay ka siman yihiin iney dhammaantood u badan yihiin, sheeko dhallinyareed, u badan haasaawe, sheeko wadaag, faraxumeyn, uuraysi, tumasho, tamashleyn iyo arrimo kale oo si qaab daran oo aan farshaxannimo ku dhisnayn uu qoruhu u soo tebinaayo. Dhammaan sheekooyinkaasi ma gudbinayaan farriin togan iyo wacyigelin toona. Runtii, waxay sheekooyinku abuurayaan soona gudbinayaan hummaagyo aan mudnayn in sidaa loo wadwado.

Buuggani waxa uu i xasuusiyey waagii aan dugsiga hoose/dhexe ku jirey buugaag tiro badnayd oo Muqdisho laga keeni jirey oo ka ugu badani ka koobnaa toban bog, kana hadli jirey uun jacayl, nabsi iyo arrimo dhallinyaro oo aad u tayo liitey. Buugganna waxa iiga baxay in qoruhu uu hadda taagan yahay (waxaan ujeedaa dhanka waayo aragnimada qoraalka e) halkii ay qorayaashaa reer Muqdisho xilligaasi marayeen markaad dhugato arrimaha uu ka hadlaayo.

Qoraha buuggu inalama wadaagin halkan hordhac ku saabsan buugga oo qeexaaya waxa uu buuggani ka hadlaayo, waxa uu yahay, ulajeedkiisa, iyo waxa uu ka kooban yahayba. Isla markaasina inoo muu soo gudbin qoruhu sida ay iskugu sidkan yihiin sheekooyinku. Halkan qoraha buuggu waxa uu isku margiyey oo uu kala fahmi waayey sida loo kala isticmaalo ama adeegsado labada weedhood ee Hordhac iyo gogoldhig. Inaga oo ogsoon in hordhaca iyo gogoldhigga buuggu ay laba mawduuc oo aad u kala duwan ka hadlaan, halkanna uu qoraha buuggu isku margiyey adeegsigooda. Waxa si gaara u xusid mudan, oo si wacan u kala qalan adeegsiga labada weedhood. Tusaale ahaan gogoldhigga waxa qora qof ka duwan qoraaga.  Waana soo ban-dhigid jaad goonni ah oo badhi taaraysa buugga iyo qoraaga. Inta badan waxa qora cid aqoon u leh mawduuca buuggu ka hadlaayo, halka Hordhaca buuggana uu qoro qoraaga ama qoreyaasha buuggu. Waxaana lagu soo bandhigaa xogo mudnaantooda leh oo la xidhiidha mawduuca buugga; isla markaana waxa si kooban loogu soo ban dhigaa waxyaabaha gudaha buugga loogu tegi doono.  Buuggan “Masraxa Cadaabta “, ee uu qorey Cabdinaasir Axmed Ibraahim, waxa aad mooddaa inuu arrintaasi baal marey oo jid kale oo aan loo fadhiyin uu isku qaadey.

 

Shanta sheeko ee buugga ku jirta, hal sheeko oo qoruhu aanu qorin ayaa ku jirta, taasi oo ka duwan sheekooyinka kale oo dhan farshaxannimo ahaan. Sheekadan inaannu qoruhu qorin iyo in kale waxa uu inoogu sheegayaa bogga mahadnaqa, oo magaca qoraha sheekada aanu laheyn qoraha buuggani uu hortiisa inoogu xusaayo, meel kale kuma arkeysid inuu xusaayo cidda leh sheekadaasi. Arrinta yaabka leh ayaa ah, in qoraha buuggani uu sheekooyinka qaar xaggooda sare intaaney bilaabmin uu magaciisa ku xusaayo, sheekada aanu laheyna aanu xusinba. Dhalliisha weyn ee halkan ka muuqata ayaa ah in sheekadaasi cidda qortey aan la fahmi karin, haddii aan loo dhug yeellan bogga mahadnaqa oo si qaabdaran loogu xusey qoraha sheekada kale. Weydiinta qoraha buugga hortaal ayaa ah, in sheekada ergiska ah dusheeda ama meesha ay ka bilaabaneyso uu ugu xusi waayey magaca cidda leh, halka uu kuwiisa dushooda ku xusaayo magaciisa oo far waaweyn ku qoran? Halkan waxa ka muuqata farshaxannimo liidata, oo lagu halbeegi karo sida qoraha buuggu ugala masuugey inuu si weyn u xuso. Kaaga sii darane xataa cinwaanka sheekadaasi ayaa far yaryar ku qoran magaceeda, halka kuwa uu qorey Cabdinaasirna ay far waaweyn ku qoran yihiin cinwaannadoodu.

Jeldiga buuggu waa mid leh gefef door ah. In loo kasey iyo in kale ma kala cadda. Jeldiga korkiisa sare waxa ku qoran “tarmintii 1aad”. Maan fahmin ujeeddada qoruhu hawraartan ka leeyahay. Ereyga tarmin waxaan u aqaan badin. Kolkii aan sii hubiyey ee aan ereygaa ka eegay qaamuuska afsoomaaligu waxa uu ereygan “tarmintii” ku micnaynayaa “Badin”. Waxa, haddaba, is weydiin mudan, waxa uu qoraha buuggu ereygaa uga jeedo? Waxa runtu tahay in erey fiican adeegso qoruhu halkan is lahaa, oo aan adiga hortaa la adeegsan, hayeeshee waxa uu gunta ugu dhacey meel aanu burkaba bahal ka eegin. Waxa quman in ereyada cuddoon adeegsigooda loo meel dayo, aqoonta dadka u lehna lala raadsado, haddii kale waxa aad marin habaabineysaa ummadda. Daabacaaddii koowaad, ma loo adeegsan karaa tarmintii koowaad? Aragti ahaan waxa ay ila tahay in aaney aheyn laba erey oo is qaadan kara, ama isku dhigma. Waase weydiin u furan akhristaha?

Dhanka dambe ee jeldiga, waxa ku qoran qoraha erey laga yidhi buuggiisa oo dad waayeel ahi ka yidhaahdeen, isla jeerkaasi waxa ku sawiran boggaasi sawirka qoraha. Waxa aan is weydiiyey waxa isla doontey ii dhehda buugga iyo sawirka qoraha? Waa aragti aan aqoon ku dhisneyn. Laba mid uun bey tahay in la yeelo, in qoraha sooyaalkiisa halkan la galiyo si sawirkuna u galo, iyo in sawirka laga daayo oo ii dhehdu gasho halkan.

Arrinta kale ee iyaduna yaabka leh baa ah inaan qoraha buuggu aanu lafdhabarta buugga waxba ku qorin ee ay madhan tahay, midhaasi oo keeneysa gef weyn oo xagga dhigaalka buugga ah. Tusaale ahaan marka buugga la dhigaayo maktabadda buugaagta lagu akhristo si ayaa loo galiyaa khaanadaha buugaagta la dhigo. Waxa shardi ah in qoraha magaciisa iyo buugga magaciisa lagu akri karo ubucda dhexe ee jeldiga buugga si looga garan karo buugaagta kale, ama si fudud loo heli karo buugga marka laga baadhaayo khaanadaha la galiyo, arrintanise waxa ay u muuqataa inaaney uba bilaabneyn qoraha buuggan.

Buugyarahani haba yaraatee malaha xuquuqda lahaansha ee buugaagta la raaciyo, afka qalaadna lagu yidhaahdo “Copyright”. In buugga laga waayo lahaanshiyahiisa cidda leh, sannadka uu soo baxay, cidda daabacdey, iyo meesha lagu daabaceyba waxa ay tahay arrin buugga meel ka dhac ku ah, oo aan mudneyn. Qoraha buugganina inuu sidaa yeelaa waa aqoonyaraan weyn. Isla jeerkaasi buuggu malaha summadda “International Standar Book Number” ee loo soo gaabiyo “ISBN”. Inuu buuggu sumad laawe ahaadaa waxay iyana marag ma doon u tahay waayo-aragnimo la’aantii qoraha een soo xusay. Sida aanu qoruhu ka warqabin, sumaddaasi wax badan bay xambaarsan tahay. Tusaale ahaan waxay muujisaa cidda daabacday, dalka buugga lagu daabacay, afka uu buuggu ku qoran yahay. Isku soo wada xooriyoo, buuggan shirkad ama shaqsi daabacdeyna hadalkeedaba daa!

Docda kale buugga magaciisa iyo “Footnote-ka” la raaciyey is malaha. Tusaale ahaan buugga waxa la yidhaahdaa “Masraxa Cadaabta”, halka uu ka dhigey qoraal hoosaadka socda ee buugga “Masrixii Cadaabta”. Waad garan kartaa halka cilladdu ka jirto naxwe ahaan ama higgaad ahaan ba. Waa hal-xidhaale qoraha buugga hor yaal, oo aanu furdaamin Karin. Talada aan halkan ka geysanayaa waxa ay tahay in qoraanimada ay ka horreyso ardeynimada qallinku. Taasi oo aan filaayo inuu ka soo dul boodey qoraha buuggani. Waxa kale oo ii caddaatay inuu qoruhu magaca buugga ka soo ergistay maanso ka mid ah maansooyinkii (AHUN) Maxamed Xaashi Dhamac ‘Gaarriye’ oo la yidha ‘Kaba Caseeye’ tuduc ku jirey oo u dhigma magac buugga. Meelna kuma arkin uu qoraha buuggu ku xusaayo sida buugga magaciisu u baxay, halka uu ka keeney, iyo sida aanu u xusin in ay ku jirtey maansadaasiba.

 

Buugga cidhifyadiisu ma xidhna ama waxa afka qalaad lagu yidhaahdo “Margins”, taasi oo buugga fool xumo weyn u keentey. Haddii aad akhriste aragto buugga waxa aad fahmeysaa in degdeg iyo iga gaadhsii buugga lagu daabacey, ee aan loo eegin karti, dedaal, kana buuxdo hubsimo la’aan baahsani. Kaaga sii darane farshaxannimada buugga ee ku dhex dhimatey waxa aad ugu tageysaa tusmada oo iyadana si macmal ah loo qorey, oo aad fahmeyso in gacanta si qiyaas ahaan ah loogu qorey. Hadda ila garo oo Koombiyuuterka ayaa u fududeyn lahaa arrintaasi. Kaaga sii darane waligey inta aan buug akhrinaayey, ama aan arkaayey kuma arkin buug ereyga “Tusmada” ahi ay ku dhex jirto isla tusmadii. Waa yaab! Iyo yaabka yaabkiise, arrintani maxay ka tahay qoraha? Intii aan buugga loo gudbin daabacaadda, waxa dhaqaaqey bogaggiisa, taasi oo meelo badan ka muuqata. Cinwaan ama bog cusub oo hoosta bogga ka bilaabmaya ayaad meelo badan ugu tegeysaa buuggan, taasi oo buuggii ka dhigtey mid qaabdaran.

Sida uu qabo qoraaga Saddam Xuseen Carab (2013), mar haddii sheeko faneeddu ku salaysantahay male-awaal, uu curiyaha sheekadu ka unkayo maskaxdiisa, waa in ay jiraan hab loo dhiso iyo waddooyin qofka u sahlaya. Wax wal oo la dhisayaa rukunno uu ku taaganyahay oo ma-huraan u ah buu lee yahay. Sheeko faneedduna sidoo kale dhidibbo lama huraan u ah dhismeheeda ayey leedahay, kuwaas oo aynu ku soo koobi karno: Jile, Goob, Dhibaato, Dhacdo iyo duluc. Haddii aan si fudud u sii yidhaahdana waa in sheekada laga helo arrimo door ah oo aynu ka xusi karno; Yagleelid, Sugidda jilayaasha, Hab dhaca sheekada, Tebiyaha sheekada, Xurgufta, Figta xiisaha sheekada, Mawduuca, iyo Xulashada ereyada iyo qaab qoraalka. Inuu qoruhu qaabkaa raacay oo ay sheekooyinkiisu aragtiyahaasi ku salaysan yihiin iyo in kale akhristaha ayaan u dhaafay.

Buugga waxa ka muuqata in lagu daabacey degdeg iyo iga gaadhsii. Sababta oo ah, ma kala garaneysid inuu qoruhu inoo soo gudbinaayo maqaal, ama sheeko faneed ku dhisan aragtidiisa iyo in kale. Sida aad u akhriyeyso sheekada ayaad ugu tageysaa wareysiyo, iyo sheekadii oo ka baxdey xayndaabkii lagu yiqiiney sheeko gaabani waxa ay tahay. Waayo qoraaga maqaalka ayaa isaga oo ku hadlaya afkiisa si toos ah u gudbiya farriinta, sheekadase qoraagu farriintiisa waxa uu u dhiiba jilaha sheekada oo ka wakiil ah.  Waxaa halkan iiga baxay inaaney qoraha buugga u kala asoorneyn kala duwanaanshaha sheeko iyo maqaal. Runtuna waxa ay tahay in sheekoyin dhawr ah oo buugga ku jira sida ay u qoran yihiin ka fog yihiin qaab dhismihii sheeko faneedda lagu yaqaanney.

Tusaale ahaan Sheekada “Nabsi iyo Nabar Jacayl”, haddii aad akhrido waxa aad ku dawakheysaa iney sheeko tahay, iney maqaal tahay, iyo iney wax kale tahay. Sheekadan qoruhu waxa uu isku marginayaa isticmaalka qofka koowaad ee jilaha ah, iyo jile kal-kaalayaasha sheekada oo aanad kala garaneynin cidda hadleysaa cidda ay tahay. Dhammaan sheekooyinka buugga ku qoran, marka laga tago halka sheeko ee qoraha buuggani aanu laheyn, waxa ay yihiin kuwa fawdo ah oo aan madax iyo mijo kala laheyn dhinaca adeegsiga “qofka koowaad, qofka labaad, qofka saddexaad ee sheekada”. Tusaale ahaan afarta sheeko ee buuggan ku duugani waxa ay isku marginayaan arrintaasi oo si laxaad leh ugu baahsan buugga. Intii aan akhrinaayey waxa aan aad ugu dawakhey jilaha hadlaya, cidda uu yahay. Bogag badan ayaan ku arkey ereyada; aniga, igu, aan yeelay, aan sameeyey, aan falay, ay igu dhacdey……..iqb.

Yaabkuba waa sheekada la yidhaahdo “Habaar waalid iyo haddimo jaceyl” ee ku xusan bogga 65aad ee buugga inaad ugu dhex tageyso jilayaasha sheekada inuu ka mid yahay jilaa magaciisu yahay Cabdinaasir Axmed Ibraahin, oo ah qoraha buugga. Waliba akhriste ku sii darso oo waxa aad sheekadaasi oo dhacdey sida ku xusan sannadkii 2005-kii ku qoran intan ee bal ila dhugo;

“…………muddo kaddib Ayaan waxa ay ku soo biirtay dugsi aan macallin iyo maamul ka ahaa, aniga oo ah Cabdinaasir Axmed Ibraahin.Qoraha buuggan Masraxa Cadaabta”.

Qoraha buuggani hore iyo dambeysaba innalama uu wadaagin in sheekooyinkani yihiin khayaal uu maskaxdiisa ka curiyey iyo iney yihiin dhacdooyin dhab ah oo isaga ku dhacey. Midkey doontaba ha ahaatee, waxa hubanti ah in ay gef weyn ku tahay xeerarka ay ku dhisan tahay sheeko faneeddu in afkaarta qoraha sheekada oo mutaxan si badheedh ah loogu dhex arko. Taasi oo sheekadii ka dhigeysa ama u rogeys maqaal dhacdo laga qoray. Maxaa magaca qoraha meeshan keeney? Inuu buuggan qorey yuu u sheegayaa? Sheekadu wakhtiga ay dhacdey iyo buuggani aminta uu soo baxay maxaa iska galay? Ma sheekaa, ma ………….?

Arrinta xiisaha gaarka ah lihi, waa qoraha buugga oo meelaha qaar ku jaahwareerey magacyada jilayaasha sheekada, isaga oo marar badan isku murginaaya magacyadooda. Tusaale ahaan isaga oo raba inuu qoro Maxamed Amiin ayuu meeshiisii gelinayaa magaca jile kale oo kaalin firfircoon ku dhex leh sheekada lana yidhaahdo “Gooshee”.

Jaahwareerkaasi magacyada oo kaliya kuma koobna ee taariikhaha buugga lagu adeegsanaayo ayaa adeegsigoodu iska hor iyo daba imanayaa. Maalin iyo amin bog hore lagu soo dhaafay ayaad bog kale oo hor leh ugu imanaysaa, taasi oo muujinaysa inuu qoruhu hawsha keligii isku koobay, oo daabacaadda ka hor aanu cid kale la wadaagin.

Qeybta ugu weyn ee buugga in qorahu xoogga saaraa ay tahay ayaa ah tifaftirka buugga. Haddaba buuggan “Masraxa Cadaabta “, ee uu qorey Cabdinaasir Axmed Ibraahim, meesha ugu weyn ee uu iinta, foolxumadda, iyo ceebta ku leeyahay ayaa ah, inaan qoraha buuggu xil adag iska saarin tayeynta, adkeynta iyo toosinta tifaftirka buugga, ee dhinaca higgaadda, habeynta qoraalka, hormeynta weedhaha, hakadka, joogsiga, adeegsiga dhibcaha. Tusaale ahaan haddii aan mid mid u soo qaato. Dhinaca higgaadda buugga waxa ka buuxa weedho aaney aheyn in ay labanlaabmaan oo qoruhu labanlaabey sida; “Xisaabinnayn, xiddida, saaxiibbaddeed, Salleebaan, callaan-calka, xallay, waxbarashadda, shoolladdooda, kullulaa, Noolaannayo, Xaafaddanni, Xarreedda, Baallalley, Dambarri, Fatahaaddaha, Darreenno, Imman, Fekirrin, Kakannaa, Dhaafinnayna, Sharraysan, Siinnayn, Xoorri, Dharraartii, qanniinto, dheerrayd, weynni”.

Halka kuwa ay ahayd inuu labanlaabana aanu labanlaabin sida; “waxa yaalay. Fadhino, dheeman, dhexdeena, dhinaceena, todoba,”. Ceebta ugu weyn ee buuga dhex yuuruurtaa waa halkan oo isku ceyn iyo beyd go’day. Halkani waa meesha uu buuggu ka dhutinaayo ee laga dheehan karo waayo-aragnimada hooseysa marka aad aragto weedhahaasi sida qaabka daran ee uu u adeegsadey qoruhu, weedhahaasi oo micnihii dhabta ahaa ka tagey markii higgaad ahaan ay jabeen. Intani maaha oo keli ah inta ku jirta buugga ee higgaad ahaan khaldan, ee waa tusaale uun, bogag badan oo buugga ah waxa dhex ceegaaga gefefkaasi.

 

Ceebta kale ee iyaduna buugga fadeexadda weyn ku noqotey ayaa ah in weedho badan oo naxwe, af ahaan iyo dhisme ahaanba jaban ay buugga ka buuxaan bog kasta, taasi oo igu keentey in aan fahmi waayey bogag badan oo buugga ka mid ah. Weedhahaasi markii hore waxa aan u qaatey in cillad farsamo oo xagga qoraalka Koombiyuutarka ah ay tahay, hayeeshee, waxa aan arkey iney meelo badan soo noqnoqonayaan. Taasi ayaa igu dhallisey inaan weydiimo door ah maanka iska warsado. Tusaale ahaan bal u fiirso akhriste, oo ila dhugo inta aan ka soo qaadey buugga oo ah sida ay ugu qoran yihiin ee ay u jajaban yihiin dhammaantood.

-gabadhaha

-gacaltoonyo

– lab, deddig

-suugaan dhadhyid

– Laba-gar-daaq guriga uu ugu jecelaa

-gabdhaha faraha-weyn

-kob ay ku farxan, oo quruxda badan

-iyo kas-laawe ku sheegaa jiray

-gabdhan dhar ka u soo kala bed-beddalaa

-carroorteeda aabbahood

-mana yaalaa aaminto

-sacab ku qaran karayn

-maxaad ka doondooni maareysiga

-isagoo jabaqda yaraynay kana baqaya in ay ku soo

-suugaanta callaan-calka

-sheekadanii

-hadal ba iyagoo aan is dhaafasan

– inuu Addis hawl joogo

– tagsi I ag marayay oo ranji cagaarani

-goor ay ku male-weynayd lab-kun guuradii, tirsiga Miilaadiga (2000)

-nolosha dahabig ah ee gaashitinimo

-goor barto-yar ah

-sidoo kale, Saalax na ugu waaga barigiisii ayuu u soo jarmaaday

-dhakhtiirkiina kuyihi:

-dahab iyo shar bandanna

-gaygiga Soomaalida

-shaki kuma jiro in xiddida qaarkood

-waxa ay is-weyd-steen Samiira iyo Kaltuun.

-iyaduna ardayd

-burqanay

-bookhasho

-inan la yidhan jiray Hoodo

-“habeen wanaagsan  macallin”Ayey Ayaan igu sagootida

-Ayaan waxa ay dareentey xanuun markii ay usbuuc gurigii jiiftayna way ka fursan wayday in ay dakhtar ka tagayo

-waayahayga kaka

-waan ku dhibtooday adduunyad ka.

 

Waxa aad markaasi isweydiineysaa afka uu buuggu ku qoran yahay afka uu yahay? Mararka qaar ayaan is idhi, malaha waa af aqoontayda ka sarreeya. Mooyi. Arrinta kale ee iyaduna halkan in lagu xuso mudan ayaa ah in ereyada sida ay u qormayaan ee dusha ku xusan ka sakow ay buugga ka buuxaan erayo sidii aan u aqaanney qoraalkooda si aan ahayn uu qoraha buuggani u qoray. Iney kas ka tahay, iyo in kale ma kala garan karo ee bal akhriste u fiirso:

Warwar

Wuxaa

Galin

Barri

Dhammaanshaad

Gacaltoonyo

Gaasisanahay

Bookhato

 

Dhammaan ereyadaasi waxaan filayaa inuu qoruhu u jeedey inuu u qoro sidan; “Werwer, berri, dammaashaad, gacaltooyo, geesisanahay, booqato.” Halkan waxa inooga soo baxay in buuggu ku qoran yahay af aynaan garaneynin oo malaheyga aan is idhi qoraha uun baa yaqaan. Waayo, inta jeer ee arrintaasi buugga ku soo noqnoqonaysaa aab bay buugga ugu farabadan tahay.

 

Hakadku waa astaamaha hadalka kala qala, si loo fahmo weedha aad dooneyso inaad gudbiso, qoraha buuggani waxa uu jab ku dhigey in uu si xun oo qaab daran u adeegsanaayo hakadka, oo meesha looga baahan yahay, aanu gelineynin, meel aan looga fadhiyinna uu ku badinaayo. Intii aan buugga akhrinaayey waxa ceebtaasi ay ku soo noqnoqoneysaa boggag badan oo buugga ah. Waxa kale oo arrintaasi la mid ah sida uu u adeegsanaayo dhibcaha weedhaha kala xidha iyo joogsiga. Sidoo kale waxa aad meelo badan oo buugga ah ugu tageysaa weedho furan, iyo kuwa aan furneyn oo uu furaayo. Tusaalaha ugu fudud ee akhristuhu arrintan ku fahmi karaa waa adeegsiga calaamadahan oo qoruhu aanu fahmin adeegsigooda sida qalwada loogu xidho weedh “………….” Oo la adeegsado marka qof kale wax uu yidhi la iska xidhaayo, ama jilayaashu si toos ah u hadlayaan. Meelo badan oo furan ayaad buugga ugu tageysaa.

 

Arrinta xiisaha leh ee buugga aan kala kulmey ayaa iyaduna ah. In markasta oo buugga aad ku aragto joogsi, aanu jirin fakaag (Space) la baxaayo. Ma garan in cillad farsamo oo xagga daabacaadda ay tahay iyo in qoruhu isaga laftigiisu u kasey. Waayo, tiro aad u badan ayaad ku arkeysaa buugga, taasi oo kugu dhallineysa in ay tahay aqoon yaraan baahsan oo ka jirta xagga tayada qoraalka.

 

Qoraha buuggan waxa aynu weydiin mudan halkan hordhigi karnaa, goormaa la adeegsadaa xariinjinta u dhaxeysa ereyada? Buugga marka aad eegto arrintaasi, waxa uu qoruhu durduriyey meel cidla ah oo aan looga fadhiyin. Tusaale ahaan waxa uu xariijin kala dhex galinayaa erey kali ah oo dhisme ahaan keli u taagan, waxa kale oo aad mararka qaar arkeysaa inuu laba shibbane kala dhex galinaayo xariijin aan mudneyn in la geliyo. Bal eeg ereyadan; “niyad-deeda” “dan- yarta” “hana-qaadeen” “Qum-man” “garan-maayo” “hooyad-eed” “macallimiin-taadii” “fidhiisan-nay” “is-weydiiyay” “gacan-taada” “xidhiidh-kii” “is-beddel” “dhammaysanay-so” “qalloocat-ay”

 

Waxa iyaduna gef weyn dhinaca qoraalka ku ah in la furo waddo cusub oo aan qoraalku laheyn, oo abuuri karta laaxin weyn oo xagga qoraalka ah. Tusaale ahaan waxa buugga ka buuxa weedho hal erey ah, oo qoraha buuggani uu laba ka dhigaayo. Tusaale ahaan ereyga “Burqanayso”, waxa uu qoraha buuggu u qorayaa “Burqan ayso” oo ka dhigeysa laba erey oo is raacey. Waxa iyadana tusaale kale u soo qaadan karnaa ereyga “mararka qaarkoodna”, oo qoraha buuggu u qoraayo “marar ka qaar kood na”. Ereyada kale, waxa aynu ka xusi karnaa iyagana sida ay buugga ugu qoran yihiin kuwan hoose;

-ha ba yaraatee

Ma yara inta bog ama meelood ee aan ugu tagey sidan oo kale. Tani waxa ay ina tuseysaa ceeb kale oo buuggu leeyahay oo u baahan in dib loo saxo.

 

Qoraha buugga waxa horyaal halxidhaale weyn oo aanu furdaamin Karin. Tusaale ahaan magaca “Internet”, sida uu u adeegsanaayo qosolkaa kaa dhammaanaaya marka aad aragto. Tusaale ahaan bal ila eega weedhan oo aan ka soo garoocdey bogga 42aad ee buugga sidan ayey u qoran tahee

“………. Waxaa loo soo kicitimay dhinacaa iyo Internet ka oo ku yaallay meel u dhow guriga Samiira ay gasho. Habeenkaa interner-ku aad buu u buuxey”.

 

Halkan markaan maraayey waxa aan fahmi waayey waxa uu u jeedey qoraha buuggu. Waxase aan gadaal ka fahmey inuu u jeedo meherrad laga isticmaalo adeegga internet-ka. Maxaa is fahan waaga halkan keeney?  Kow waxa keeney in ereyga “internet” sida uu u qoran yahay labada meelood ay aad u kala duwan yihiin, iyo laba in Internet-ku aanu aheyn goob ee uu yahay magac guud. Waxa qumaneyd in magaca meherrad internet-ka ah uu odhan lahaa, si loo fahmo si sahlan.

 

Ereyada lab, iyo kuwa dheddig adeegsigoodu ma aha arrin qoraha ku ah dhib marka aad wax qoreyso, waayo carrabka ayaaba arrintaasi kuu saxaaya. Tusaale ahaan buuggan waxa aan ku arkey ereyo lab oo qoruhu u isticmaalayo si dheddig, iyo kuwa dheddig oo uu u adeegsanaayo si lab. Tusaale ahaan bal u fiirso intan aan ka soo qaatey bogga 49aad ee buugga sida ay ugu qoran tahay

“………… Qoys ahaan Samiiira waxa ay ka dhalatay qays sabool ah.Hooyadeed na maxayaysato, bacadka fadhiista oo jaadka iibisa weeyaan”.

 

Halkan uma jeedo sida ereyadu u qaab daran yihiin ee ay u jajaban yihiin, ee waxa aan uga socdaa ereyga “fadhiista”, sida uu ugu jiro weedhan waa uu jaban yahay, waxaanu sax ku yahay “fadhiisata”, mar haddii uu qof dheddig ka hadlaayo. Maaha boggan oo keliya, ee buugga meelo badan ayaad ugu tegeysaa arrintaasi oo uu si badheedh ah ugu tumanaayo qoraha buuggani afka dhigaalkiisa.

 

 

Guntii iyo gebagebadii, qoraalkan oo aan ku gorfeeyey dhiganaha uu magaciisu kor ka muuqdo ayaan akhristayaasha la wadaagay gefefkii aan kula kulmay. Sababta igu dhalisayna waa qoraha oo aan ku cusbayn qoraalka, kana fileyn inuu gefef intaa leeg ku kaco. Waxaanan runtii ku boorrinayaa qoraha inuu dib u tifaftiro buugga oo uu gefefkaa iyo qaar kaloo badan ka hagaajiyo, kaddibna uu mar kale daabaco. Qorayaasha kale qudhooda waxaan ku dhiirrinayaa inaanay sida qoraagan ku keliyeysan qoraalladooda ee ay dad badan ka codsadaan inay la eegaan, si ay wixii ilduufa uga qabtaan. “Xikmad ayaa ahayd, Keligaa iskuma noqon kartid tifaftire”.  Dhanka kale waxa aan ku dhiirigelinayaa cid kasta oo aan buuggan arkin iney iibsadaan, akhriyaan, ka doodaan, isweydiiyaan macluumaadka uu xambaarsan yahay iyo hab qoraalka uu qorahani isticmaalay.

 

Allah Mahad Leh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here