Baga’ ayay Jabuuti iyo Itoobiya Iska Xooreen  Dimuqraadiyadda Reer Galbeed Inteeda Xasaradda Ah Xooreen!!!!!

0
130

 

 

 

Dimuqraadiyadda Reer Galbeed, Jabuuti Iyo Itoobiya Haddii Ay Sideeda U Iimaansan Lahaayeen Xilligan In Canfar Iyo Ciise Isku Mirata Iyo In Qoomiyado Isku Halligta Ayey Ahaan Lahaayeen! W/Q: Prof. Maxamed Xaaji Maxamuud

 

Qoraal kooban oo shalay aan halkan [baraha xidhiidhka bulshada] ummada kula wadaagay ayaan ku sheegay in Jabuuti iyo Itoobiya ay wakhtigan haystaan hoggaanno hal-adag oo hore u wadi kara. Sidaa darteed iyana ay habboon tahay in Somaliland hesho hoggaan hal-adag oo muhmalka mandaqadda kala dabbaalan kara.

Dad badan ayaa u fasishay sidii ay rabeen oo ah in ay hoggaamiyeyaashani yihiin qaar kali-talis ah. Cid wal oo sidaa hal-adayg u lihina haddii ay Somaliland timaado ay kali-talis noqon doonto! Runtii waa dood habow ah oo jibbo caadifadeed iyo wayrax shakhsi diid ahi madax maray. Waxa taa caddayn u ah in dalalka aan sheegayaa; waa Jabuuti iyo Itoobiya e, aaney ahayn dalal ragaaday oo dib u riiqday se ay yihiin dalal hore u socod weyn oo dhaqan-dhaqaale sameeyey.

Tusaale ahaan, dalka Jabuuti intii aan Ismaaciil Cumar Geelle qabsan waxa uu dhaqaale ahaan ahaa dal eber iyo wax ka hooseeya heehaabaya oo Paris laga masruufo. Jabuuti markii uu Geelle qabsaday waxa ay noqotay waddan uu dhaqaalaheedu aad u korayo. Maanta waxa ay ku jirtaa dalalka adduunyada ugu horreeya dhinaca korniinka dhaqaalaha guud (Gross Domestic Product).

Xawaare aad u sarreeya oo gaadhsiisan 6.7% ayey Jabuuti ku koraysaa. Geelle ka hor, korniinkeeda dhaqaale waxa uu ka hooseeyey 2%! Haddii dimuqraadiyadda xadhka goosadka ah ee Reer Galbeedku Afrikaanka ugu talo-galeen in ay ku caddibaan Jabuuti qaadan lahayd, waxa hubaal ah in ay Canfar iyo Soomaali isku haysan lahaayeen oo halka maanta ay joogto kun jeer dhan walba ay aad uga hoosayn lahayd.

Sidoo kale Itoobiya, oo dimuqraadiyadda si fiican isaga shaandhaysay inta iyada u dan ahna ka qaadatay waxa ay ku tallaabsatay horumar dhaqaale oo aad u weyn oo laba god leh ah (double digit growth). Maanta xawaare aad u sarreeya oo 7.7% ah ayey ku socotaa, quwad ahaan waxa ay gashay kaalinta saddexaad, waxana la arkaa in ay sannadka soo socda Bariga Afrika ay awood ahaan ku keliyeysato.

Haddii ay dimuqraadiyadda Reer Galbeed ay soo dajisan lahayd, maanta 83 qoomiyadood oo is cunaya ayey noqon lahayd. Waxa se u kacay indheer-garad ka baajiyey in ay is cunto. Adduunyada soo baxaysa (emerging world) ee uu Shiinuhu hoggaaminayo ayey faraqa qabsatay Itoobiya – waxana ay noqotay waddan qaatay siyaasadda dhaqaale ee korniinka qaran (policy of developmental state).

Ma lihi Jabuuti iyo Itoobiya 100% waa ay guuleysteen, laakiin waxa aan leeyahay marka loo eego Afrika kuwa aan iska shaandhayn dimuqraadiyadda waa ay ka mustaqbal wanaagsan yihiin oo ay ka rajo iyo yididiilo roon yihiin. Somaliand waxa ay u baahan tahay hoggaamiye garanaya waxa uu dalkiisu u baahan yahay ee horumar ah.

Uma baahna hoggaamiye dameeri dhaan raacday ah oo aragti gaaban sidii la rabana loo gu adeegan karo. Somaliland waxa ay baahan tahay hoggaamiye mandaqadda uu ku yaal xog og oo garasho fahamsan, isla markaana ka xijaaban kara sharkooda, wanaagga iyo horumarkana la jaanqaadi kara. Hoggaamiyaha keliya ee taa yeeli karaana waa hoggaamiye hal abuur leh, go’aan qaadasho leh oo feejignaan sare iyo soo jeed badan oo kalsooni weheliso leh.

Mohamed Hagi Mohamoud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here