Natiijada Doorashada Kenya Oo La Filayo In Maanta Lagu Dhawaaqo

0
52

Neyroobi (Hubaal) Gudida doorashooyinka Kenya ayaa sheegay in ay ku hawlan yihiin in ay sida ugu dhakhsaha badan u shaaciyaan natiijada kama dambaysta ah ee doorashada madaxtinimada ee dalka ka dhacday.

Natiijada hordhaca ah ayaa muujinaysa in uu madaxweynaha xilka haya, Uhuru Kenyatta, kaga adkaaday ninkii la tartamayey ee Rail Odinga codad aad u badan. Laakiin Odinga taageerayaashiisa ayaa iyaguna baahiyey tiro ay iyagu soo saareen taas oo isaga ka dhigaysa in uu ku horreeyo codadkii la dhiibtay, waxaanay sidoo kale sheegeen in kombuyuutarrada gudida doorashooyinka la jabsaday si isaga codadka looga leexsado.

Hase yeeshee gudida doorashooyinka Kenya ayaa dooddaa mucaaradka ee ah in ay guuleysteen ku tilmaantay mid “sharci darro ah oo aan loo fadhiyin”.

Goob joogayaasha caalamiga ah ayaa iyaguna sheegay in doorashadii guud ee dalka ka dhacday ahayd mid xor ah oo xalaal ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here