Maxkamadda Dastuuriga Ah Ee JSL Oo Qaraar Afar Qoddob Ka Kooban Kasoo Saartay Arjigii Dacwad Furashada Ahaa Ee Dacwadii Uu Xil. Talyanle U Gudbiyey

0
55

Akhri: Nuxurka Qoddobada Uu Xambaarsan Yahay Qaraarkan Oo Ay Guddoomiyaha Iyo Garsooreyaasha Maxakamaddu Ku Saxeexan Yihiin

“Go’aankan Waxa Lagu Sheegay In Dacwadda Xildhibaan Talyanle Aanay Waafaqsanayn Nidaamka Dacwadaha Dastuuriga Ah Ee Ay Maxkamaduhu Ka Garnaqaan, Taa Beddelkeedana…….”

 

Hargeysa(Hubaal):- Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa Golaha Wakiillada dib ugu celisay Dacwad uu Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle u gudbiyey 8-dii bishan aynu ku jirno oo la xidhiidhay cabashada uu ka qabo natiijada Codayntii doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo uu Talyanle kula tartamay Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax oo shir-guddoonku ugu dhawaaqay in Baashe 39 cod ku guulaystay, Talyanlena 38 ku hadhay. Cabdiraxmaan Talyanle oo Warbaahinta soo fadhiisiyey 39 Xildhibaan oo sheegay inay u codeeyeen isaga,  taas oo dhalisay in Talyanle   ka noqdo hambalyadii uu u diray Baashe iyo natiijadii uu ku qancay,   isaguna yahay Mudanaha la doortay ee 39-ka Xildhibaan u codeeyeen, sidaasi darteed waxaa uu markaa ka dib Maxkamadda u gudbiyey Dacwad ka dhan ah natiijadaas.

Maxkamadda Sare ayaa Qaraar ka soo baxay Sabtidii shalay, waxa lagu sheegay in Dacwadda Xildhibaan Talyanle aanay waafaqsanayn nidaamka Dacwadaha Dastuuriga ah ee ay Maxkamaduhu ka garnaqaan, taa beddelkeeda ay la xidhiidho Dacwad qaabka Codayntii lixdii bishan ee doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada la xidhiidha, isla markaana ay timi ka dib go’aan Gole iyo Aqbalaadda Natiijadii doorashada ka dib. Sidaa daraaddeedna ay tahay oo ay Maxkamaddu go’aaminayso in Golaha Wakiilladu ku xalliyaan murankaa dhexdooda ah Xeer-hoosaadkooda oo caddaynaya qaabka Codaynta iyo Murannada Codaynta ka dhasha nidaamka loo saxayo ama loo sixi karo.

Qaraarka Maxkamadda Sare ee Somaliland ka soo baxay oo uu Guddoomiyaha Maxkamaddaas Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed iyo Garsoorayaasha Maxkamaddu ku saxeexan yihiin oo Warbaahintu heshay, ayaa sidoo kale lagu sheegay in Codayntu qaabkii ay u dhacday markay Maxkamaddu eegtay waafaqsanayd nidaamka uu qeexayo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada u yaalla. Gaar ahaan waxay Maxkamaddu soo qaadatay Qodobka 37-aad oo ka hadlaya soojeedimaha Golaha iyo 42-aad oo ka hadlaya noocyada codaynta iyo murannadooda sida loo xallinayo, maaddaama oo ay Codayntu waafaqsanayd qodobbadaas, isla markaana uu Talyanle aqbalay natiijada ka dib, markay Maxkamaddu deristay Qodobbo Dastuuri ah iyo Xeerarka ku taxaluqa Dacwaddan, waxay qaraarisay ama go’aamisay in Golaha Wakiilladu gudohooda iyagoo adeegsanaya Xeer-hoosaadkooda ku xalliyaan Murankan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here