“Reernimada Hoose Cidda Ay Yool U Tahay Yur Idhi, Oo Yac Idhi Yaabse Kuma Qabo”

0
67

Qalinkii: Aqoonyahan Maxamed Xaaji Maxamuud

”Segmentary Lineage” ma maqasheen qabiilka nacasku marka uu qabyaalad u adeegsanayo sida basasha ayuu u dhilaa ilaa uu gunta hoose tago si uu walaalkii u sooco oo uu ba’heblaayo uga dhigo. Dabadeed na waxa uu noqdaa soolane surbacaadsan iyo haad geed waayey, amma ehel iyo xigto goys ardaa fac hoose ah ku hoos nool!

Qof wal oo nafsiyan (psychologically) isku gartay in uu tolnimo ka sabool noqdo – ehel na ka jees, oo abtirsiinta dheef beelka ahi go’doomisay ayaa waxa uu u qaatay in aan taageerada Kulmiye ee aan qoraalladayda ku cabbiro ay iga tahay ab iyo isir raac!

Inta cudurka qaran falliidhka ahi ku dhacay ee sidaa u faallo fekeraysa halal ay fahmi waayeen ayaan fari lahaa:-

Walaalayaal anigu waxa aan isku aqaan nin ballaadh iyo baaxad weyn oo shan abtirsiimood leh; aaminka ruuxda waxa aan ka ahay nin Muslim ah, saanta midabkana nin Afrikaan ah, sooca sinjigana nin Soomaali ah, haybta qarankana nin reer Somaliland ah, xalaal ku abtirsigana nin Isaaq iyo Samaroon ah.

Halkaa ma dhaafo, nin i yaqaan na i dhaafin maayo oo isir-sooc tirsigayga ayaa halkaa jooga. Muuse ayaa kuu adeer ahna waxa aan ka leeyahay been ma aha in aan abtirsiinta Isaaq ee kore wadaagno. Haddii se adigu aad dhidar noqotay oo maankaagu abtirsiinta hoose ku tusay ceeb kuma lihid se mid kale oo aan xaq iyo xaquuq dastuuri ah u leeyahay oo garashada suushay kaa dahaadhay ayaa jirta.

Waa xaqa muwaadinka iyo kala doorashada nidaamka axsaabta badan. Waa xaq ku faraya in aad xubbi xulato ka aad rabto, adiga oo aan ku gafahayn xaqa qofka kale ee kaa fekerka duwan. Waa ilbaxnimadu halka ay ka bilaabanto in la isku ixtiraamo rabitaanka dookha doorasho.

Runtu se waxa ay tahay ujeedada ugu weyn ee aan Kulmiye wakhtigan u taageerayaa waa in aan barnaamijkiisa siyaasadeed (Political Manifesto) iyo siyaasadda 10 sano soo socota ee sida tooska ah qaranka loo gu hoggaamin doono haddii xisbigu guuleysto aan wax ka qoray. Waa in aan difaacayo barnaamij iyo siyaasad qaran oo in badan aan tacab, maskax iyo wakhti badan aan galiyey Sheekh.

Dhanka kale ogow anigu in aan raalli ka ahay cid wal oo Waddani iyo Ucid taageero u ah. Waxa aan u aqaan cid toosan, oo qarankan wanaagiisa u heellan. Cid in ay wax beddesho rabta oo qaranka Somaliland ku iimaan qabta. Cid xaq iyo xaquuq ay leedahay gudaneysa oo Somaliland hiil u ah. Waayo saddexda xisbi Somaliland ayaa leh waana hanti qaran.

Cidda se aan xisbina ku iimaan qabin ee heeryada qabiilka hoose ah hilaab xumaysatay ee qarannimada hoog cagaagan ka joogta, shisheeye kalkaalka ah ee sokeeye hiif haaramaysa weeye inta hayb tooyashadu uur dooxa ku dullaysatay. Kuwa noocaas ah horaan uga yaxyaxay oo yur baan idhi oo yac baan idhi yaabna kuma qabo.

Waa iga iclaamin e, ololaha doorasho ee dalkeena Somaliland ka dhacaya weli dhankayga kama uu san bilaabmin. Waxa aan tilmaami doonaa in door ah, waxa ay tahay in aad Kulmiye ku doorato, ku tala-galkaygu waa in aan in badan oo aan go’aan sax ah ka qaadan cidda ay u coddayn lahaayeen aan si mug weyn oo dabno-gaadh ah aan maskaxda uga dhunkado.

Ma aha in reer hebello hoose oo ab ka basal dhilad ah (segmentary lineage) la kala dooranayo, waa se in saddex hebel oo isku ab iyo abtirsiin ah haddii aanad baaxad qawad ahayn hoggaamintooda la kala doorbidayo. Sinjiga Soomaal ee qabiil weheshiga ahi yaanu hoos hulluun iyo hadimo kugu halaagin oo fac tirsiga isiriga ah ee kore han-yari darteed ha iska sakaraad qoolin.

Mohamed Hagi Mohamoud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here