Xadiga Khamri Tiro Belay Oo Lagu Gubay Magaalada Wajaale Iyo 16 Qof Oo Loo Xukumay

0
44

Hargeysa(Hubaal):- Daad Khamriga ah, ayaa shalay  lagu gubay magaalada Wajaale oo ka tirsan gobolka Gabiley  , halka illaa 16 Ruux oo midkood maqane yahay Maxkamadda degmadaas ay ku ridday Xukun Xadhig iyo weliba Ganaax lacageed isugu jira ku fulisay Dadkii watay.

Khamrigaas oo xaddigiisa lagu sheegay 621 Litir oo u dhiganta Afar Foosto iyo dheeraad, isla markaana markii laga shubay Weel kala duwan oo uu ku jiray sida Daadka ama Biyaha Roobku Dhulka u sabbeeyaan oo kale u qulqulay, ka dibna sida ay Maxkamaddu Amartay Dab la qabadsiiyey inta Oodo lagu dul-tuulay Khamrigaas oo Dhulka qulqulaya.Maxkamaddu waxay amartay in la gubo Khamirigaas, waxaanay Xukunno ku ridday Dadkii lagu soo qabtay, iyadoo ay ku Dadkii watay oo qaarkood lagu eedeeyey inay ka ganacsanayeen lagu xukumay Xadhig dhan 3 sano illaa saddex sano iyo lix bilood iyo min saddex malyan oo Lacagta Somaliland ah, halka qaarkoodna lagu eedeeyey inay cabbeenna lagu xukmay min lix bilood oo xadhig ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here