GEF DAMEERRO LAGA GALAY: Maanso uu Curiyey Abwaan Barre Mahad Xasan

0
50

Ujeeddada maansadu waa qiso dhab ah oo ka hadlaysa tacadiga lagu hayo dameerraha iyo  daryeel la’aanta haysta in la rarto mooyane in la xanaaneeyo aanay jirin.

 

Waa goor cadceed duhur

Laga galay hadhsiimoo

Inta gawska maashiyo

Fadhiyaan gadh weyntii

Goobtu waa halkeedii

 

Gaadiidka dhankee

Garbahooga duudkiyo

Ku guraya biyahaa

Soo gaadhay goobtiyo

Gole oonku gaabiyay

 

Markii haan gadaan weyn

Gees waliba buuxsamay

Sow garasho lawahan

Garka adag ku jiidaa

Wuu gabay dameerkoo

Oon buu la golgolay

 

Gontahiisa biyo yaal

Ayuu gees ka eegoo

Ilayn waa gartiisee

Gaban waa dameerkii

Oon baaba gawracay

Iyo gaajo iyo daal

 

Keenadaa gafuurkaa

Kala goys dacaydoo

Libintiisa guushiyo

Dhibtu waa u garoo

Abaal loo gudan jirin

 

Ninkan gaadhi moodee

Garaad kiisu siiyee

Ganacsaday dameerkaa

Giirkiisa dheefsaday

Gorgor mood dameerkii

Gamcuhuu ka cunay bari

Iyo midigta gaadhee

Gaadhsiisay nabarada

 

Gafku inuu dhib beeroo

Godob tiisu badan tahay

wada gaadhay noolaha

Gubashay dameerkii

Gafku boog ku beeroo

Guntadee ogsoonow

 

 

Markuu xooga goostaa

Gaadiidka reerkiyo

Gurmad laga dhigtaayoo

Usha lagu garacaa

Gamadanada dhaxantana

xaro lagama galiyoo

Wuu gaaf wareegaa

 

garyaqaan u doodiyo

Gurti male dameeruhu

Gardarada ka celisoo

xaqan gaabinaayee

Soo jiray guyaal badan

Gaf dameero laga galay

Ayaa gayiga buuxoo

 

Ganey iyo abwaanadu

Horay gabay ka tiriyeen

Murti garadku muu gabin

Hayeeshee gumaadkiyo

Garbo goynta kama dayn

dhibta aan garaw shiyo

Loo hayn waa guun

 

Gayigeena qaysoow

Gacan qabashadii iyo

Gargaarkii wanaagnimo

Waa layska gadayaa

Lacag baaba goysoo

Gobonimadu waa iib

 

Danta guud cid garatiyo

Galadiiba laga guur

Gaabaabsi weeyaan

Ana gocoshadaydiyo

Guuxaygan baxayaa

Dhib igaadhay weeyoo

 

Murti gaaxin jiray iyo

Gunta erayo yaalaa

igu yidhi ha gees marin

Gaf dameero laga galay

 

Galaw qayladiisiyo

Guuguulahaa ciyay

Ee geedka saarani

good bay ka dhuuntee

Gaadaa ku laayoo

Godob  bay ka duuleen

 

Geeluna colaadiyo

gayi gees lagu dilay

Kumaba gaajo beelee

Afka wuu ka gaabshaa

Inuu baad ka goostana,

Geedi buu ka doortaa

 

goormay dameeruhu

gadoodaan hadraawow

adigaa garasha dheeroo

Wada gaadhay dunidee

Geed xidha dameeriyo

Ma la kulantay galab qudha

Gar dameerku leeyahay

Oo guusha lagu daray

 

Gocon dhadaa u badoo

jiritaayba goostaan

Goosan weeye laga jiro

Dhulka meesha geed qoyan

Dabar gooya mooyee

Xor inayba gaadhan

Gabalkuba ma dhaco abid

 

Yaheeshee galgalashadu

Gogol waxaay la jiiftaa

Nin gumaaday oo raray

Godka eeda kuu taal

Lagu galay aduunyada

Gar allee dadkii galay

Xagay garab ka helayaan

 

Gomadaha la jaray iyo

Dabar gooyay baa jira

Gees waliba iiniyo

nabarada ku gaamuray

Jidhkiisay gubayaan

Dhibtaa gaar u noqotoo

Cid garowda loo waa

 

Maxaay galeen dameeruhu

Dhaqashada gamaankee

Galadoodu badan tahay

yaa gaar ka dhigay kali

oo godobta loo raro

gaadh siisay dunidoo

Gaf dameero laga galay

Gayigeena yaa dhigay

 

Dhaqashada ka gaar weeye

Sida geel loo jiro

sida loda loo jiro

Gaagaabanow adhi

Ee dacowga laga jiro

Dameeruhu gu iyo dayr

Jiilalka gaajadu noolaha

Gubaysaa gurmad looma

Fidiyoo geed baa xadhkaha

Adag gunta lagu xidhayaa

 

Marka reerku guurana

Gadiidka xoogaa

Waxaa gala dameeraha

Guudkooga iyagaa

Guri goodhan qadoo

Inta socodka gabaysiyo

Gadhweyntaan dhaqaqayn

Waxaa gura dameeraha

 

Abaal loo galaan jirin

Gaws weyna doqoniyo

geelaba ha didiyee

Wuu gaar wareegaa

Godob buu tirsanayaa

Laga galay abkiiyoo

Wuxuu goconayaa badan

 

Gamcaha wax kuu tara

ee gaajo kaa tira

Hadii aad ka go an tahay

Gumadkaa dhaqaaqiyo

Wax ku gaadh isleedahay

Garna waad u leedahay

Guulaa wax bixiyaa

Hadaad garasho leedahay

Wax uun baadba gaadhaa

 

Ana maanta golahaan

Gaadhsii is leeyahay

Gaf dameero galaay

Oo gaar ahaan tay

Maankayga ii galay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here