Wasiirkii Caafimaadka Tunuusiya Oo Dhintay Isaga Oo Ordaya

0
62

Wasiirkii caafimaadka Tunuusiya ayaa geeriyooday ka dib markii uu wadnuhu istaagay isaga oo ka qaybqaadanayay tartan orod ah oo lagu taageerayay dagaalka ka dhanka ah Kansarka.

Slim Chaker oo 56 jir ah ayaa dhacay markii uu ordayay masaafo lagu qiyaasay shan boqol oo mitir.

Ra’iisulwasaare Youssef Chahed ayaa sheegay in uu waayay “walaal iyo saaxiib shaqo”, kaas oo geeriyooday isaga oo ku jira hawl banii’aadannimo oo dahabi ah.”

Oradkan ayaa lagu qabtay magaalo xeebeedka Nabeul Axaddii, si loo aruuriyo lacag lagu dhiso xarun caafimaad oo kansarka lagada daweeyo carruurta.

Chaker ayaa wasiirka caafimaadka loo magacaabay bishii hore, ka dib markii isku shaandhayn ballaaran lagu sameeyay golaha wasiirrada.

Bangiyada ayuu ka soo shaqayn jiray, wuxuuna horay u soo noqday wasiirka maaliyadda iyo wasiirka ciyaaraha iyo dhallinyarada, ka dib markii xilka laga tuuray madaxweynihii muddada dheer xilka soo hayay Zine al-Abidine Ben Ali sannadkii 2011.

Calaamadaha wadna xannuunka lagu garto

Xabad xannuun – sida adiga oo cadaadis dareemaya, ciriiri ama in aad dareentid sidii in la camajuujinayo xabadkaaga bartankiisa.

Xannuun qaybaha kale ee jirka ah – waxaad dareemi kartaa in xannuunka xabadku uu ku baahayo gacmaha (badanaa gacanta bidix, laakiin labadaba wuu saamayn karaa) luqunta, qalka iyo saablayda.

In aad dareento fudayn ama wareer

Dhidid

Neefsiga oo kugu yaraada

Inaad xannuun dareento, ama mantagto

Qufac ama hindhiso

Dareen xad dhaaf ah

Inkastoo badanaa xannuunka xabadku uu aad u daran yahay, dadka qaar waxaa laga yaabaa in ay xannuun sahlan dareemaan.

Dadka qaarkood waxaaba laga yaabaa in aysan dareemin wax xabad xanuun ah, gaar ahaan dumarka, dadka da’da ah iyo dadka qaba xannuunka macaanka ama sonkorta.

Xigasho: bbc

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here