Waxba Hawmashxaradina: Maanso Doorashada Innagu Soo Fool Leh

0
91

Maansadani Waxay ka hadlaysaa doorashada fooda innugu Soo haysa iyo madax weynaha Dalkan iyo dadkuba u bahan yahay iyo mid wax u tara Danyaraha u baahaan madax weyne wax u qabta reernimada iyo qabiilkana mid aan ku shaqayn noqda. Waxa tiriyey: Barre Mahad

 

Dadka yaan la muruq jabin

yaan meel cid laa iyo

hadba maro la tuuriyo

loo didin masuul daran

Oo maamul garanay

Nin ku maarmay qarankana

Hankiisaa u muuqdee

Maal muhuu sugaayana

Haka galin madow badan

 

Runta maraga loo dhigay

Hadaan maaro loo hayn

Masuulnimo la doortiyo

madaxeey maxaad tahay

Nin amaahday maherkii

Oo dayn malyuu maad

Madhsaday dadkiisii

Guur maagantiisani

Macno yeelan maysee

Waxba haw mashxaradina

 

Maalmaha tilmaanta leh

Hadii aad ka madhan tahay

Mahadhooyin jira iyo

Maalmihii adkaayee

Ubadkeenu milicdiyo

Soo mareen dhibatada

Ninka mooganow joog

Nin marqaa hashii tahay

Inuu maalo maantee

 

Ninba midhuhuu beertuu

Manfacooda leeyahay

Ninkan midigta kal bixin

Ha yeeshee macan jecel

Tacab meel u yaaliyo

Abaal maalo aan hayn

Waxba haw mashxaradina

Ma mutaysan qarankee

Muxuu madax ku doonaa

 

Yaan midigta loo galin

nin muraadso uun raba

Yuu maalin galinkeed

Qarankeena maamulin

Dilaal iyo malaal baa

Kal madhay dadkeenii

mirka waxay u kacayaan

Midiyaha liskoogoo

Waa qaar ku mabay dhiig

 

Danta meesha taaliyo

Daruufaha midkaan garan

Madaxnimo ma doonaa

Muuqaad arkaysiyo

Milicsigaa quruxoonee

Umadani ku maran tahay

Muruqooga weeyaan

Hays odhanin moogow

Maqal baad ka buuxsani

 

Xilku meerto weeyaan

Ha yeeshee ninkii mudan

Maanta inaan codkeeniyo

Muujinaa dadkaygow

madax weyne daacada

Cid qudhata matalayn

Danyaraha u meel daya

Midigteenu keentaa

 

Nin amaahday maherkii

Ma gayaa lagaa yidhi

Marwo guursigeedee

ha iska maydho ceebtiyo

Eedaha mooska ku yaal

Maatidoo la didiyo

Hadba meel wareegani

Madax kuuma noqon

Maxaa qaranka ku yaal

 

Madag baan u shidayaa

Samriyow madawgee

Marti erayga kuma ihi

Waxaan magan guul

Maansheeya umadee

Taydu maaha maag hebal

Reer hebal ka moos maha

Mar hadaan la mayracin

Dhiilku wuu madhnadaa

 

Muska daba galintiyo

Haka maarmin xulashada

Mid xariira dooroo

xalin kara murkucashada

Qarankana midnimadiyo

Majaraha u hagi kara

Musuq maasuq dabar jara

Oo muunad joogiyo

Ahayn madax weyne reereed

 

Miciyaha nin kuu listay

Qudhiisana matali karin

Wuxuu rabaa masaariif

Maalmo uu ku joogee

Waxba haw mash xaradina

Masuul xumo dadkaygow

Horaa looga maarmee

Maantana ku noqoshadu

Ceeb weeye nagu maran

 

Nin aan hiigsi muuqdiyo

lahayn himilo meel taal

taladana maroorsiyo

Muran iyo ku raba cay

Macno yeelan maayee

Waxba haw mashxaradina

Garashada midaysani

Waa lagu macaashaa

Dadka yaan la kala madhan

 

Ninbaan beerba miigayn

Majo daabka wali galin

Dhulka meeriskiisiyo

mancaf ciidu leedahay

Soo marin qodaalnimo

Macno yeelan maayee

Waxba haw mashxaradina

Madaxnimo nin jecelow

Maatida xilkeed garo

 

Mudo kii dadkiisiyo

U maqnaa dalkiisow

Mudanaha waxtara iyo

mid qabiil ka maarmow

Noo qabo markaagoo

Midigtaadu qaranimo

Yaay ka maagin waligaa

Macnahii lagu xulay

Garo halkay u maqan tahay

 

Kuwa maalka aan dhaqan

Kuwa maalin galinkeed

Dabka aan mar qudha shidin

Adigaa ka masuula

Dhibta maaro u bahan

Mudanow taladaadu

Ha mudhee wax ku toosi

Ciidu waa ma huraane

calankeenu ha muuqdo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here