Xuska 33-Guurada Maalinta Shuhadada ee SNM 17/10/1984-kii – 17/10/201-4ka

0
111

Mar haddaan hillaab lagu gudbayn, giriftan mooyaane,

  Gabgabteedu waa xubin intay, gawrac leedahaye,

  Geeddiga cagaa daaliyaa, lagu geyoodaaye,

  Gellimaadka hayskaga jirtiyo, goosan-habaqlaaye,

  Gubuxsiga mar uun bay tirsiga, meel ka soo geliye,

  Gar-garaaciddeediyo ha deyn, geed-ka-didinteeda,’’

 

Gud-gude, Hadraawi, 1990kii

 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail,com, www.dharaaro.com

 

11/10/2014ka, Hargeysa

 

Giblo iyo mashxarad…Gelbis iyo ciyaar….Gardaadinta guul ku timid xinjiro gobo’ yidhi iyo nafo ku go’ay goobo sharafeed……Xuska geesiyaal u shahiiday geyi dadkii ku uummanaa gumeysi ku habsaday…..Gallad iyo abaal intii halganka guddoonsatay….Intii gabannadoodii u soo xidhay ee u sadqeysay…..Intii u gurmatay…..Intii garab iyo gaashaanba u noqotay……Intii gunyada u hurtay…….Intii gumuca iyo gasiinkaba aan ka hagran…….Intii gunnaysay…..Intii gargaartay…..Intii aan gabban ee ka badheedhay…..Intii ka gabayday…..Intii ka geeraartay…..Intii guubaabo iyo goohba la soognayd….Intii gudaha ku sugnayd…..Inti qurbaha ku go’doonsanayd……Intii geela raacaysay……Intii gasiinka beeraysay…….Dheddiggii gurmaday….Lab gadoodsanaa…..Gurbood ciillanaa….Gidhligaanka yeedhay iyo Fiintii gama’ diidday…..Galowgii eedaamay…..Guryo ba’ay iyo gaasaskii le’day ee gamaska loo dhiigeeyay….

 

Xuska maalin sharfan oo si qiimo iyo qaddarinba leh ugu xardhan bogagga taariikhda ma-guuraanka ah. Xusuusta geesiyaal naftoodii u sadqeeyay dibuxoreynta dal iyo dad gumeysi aan meel fog ka imani ku habsaday.

 

Taxanahan kooban, waxaynu ku soo qaadan doonnaa:

 

  • Dagaalkaa burco-duurrey siduu ku dhacay, hawl-galladii, khasaarihii iyo macluumaad la xidhiidha,
  • Taariikh-nololeedkii Lixle oo kooban,

 

Waa 30-guuro gow ah. Soddon sannadood ayaa ka soo wareegay maalintan loogu wan-qalay maalinta shuhadada. Tuugna ma xado. Shuhadadu iskuma jirto e’, waa shuahadadii halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee SNM horseedka ka ahayd. Inta geesi la yaqaannay shahiidday ee dal iyo dadba naftoodii u hurtay, waxaan ka yareyn inta aan la aqoon ee qudhoodii qaaliga ahayd halgankaa hubeysnaa ku weyday. Adduunyadu waxay u taqaannaa ‘DAL-JIRRADA DAHSOON.’ Si aan maalinba qof shahiiday loo xusin ayaa la isku wada xaabiyay oo maalintan la isugu geystay.

 

Waa 30 sannadood oo sannadkiiba 12 bilood yahay. Intaas ayaa ka soo wareegtay maalintan shuhadada baadi-soocda looga dhigay.

 

Hadhow bay dhurantaayoo,

Dhugba maan u lahayn iyo,

Ma dhaadaynin tidhaaye,

Waa Dharaar e’ xusuuso,

Milgaheeda dhalaaliyoo,

Car wanaag u dhammeeyo,

Dhaqankeeda hagaajiyoo,

Dhaxal manta ka reeb,

 

Waa 30-guuradii ka soo wareegtay maalintii la isku haleelay Burco-duurrey 17/10/1984kii. Waa 30-Guuradii Maxamed Xaashi Diiriye, “Lixle” iyo geesiyaashii la shahiiday maalintaa ee Burco-duurrey iyo Lafta Ceelka Reer Xasan ka dagaal galay. Waa 30-Guuradii maalintii ugu shuhadada badnayd halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd. Maalintaa waxa shahiiday ciidan dhammaa 57 shahiid oo ku kala qudh-baxay laba goobood oo la isku haleelay: Burco-duurrey iyo dagaalkii dhabar-jebinta ahaa ee Lafta Ceelka Reer Xasan. 26 Mujaahid waxay ku shahiideen dagaalkii dhabarka, 31na waxay ku shahiideen Burco-duurrey. Dagaalladaas oo dhacay 17kii Oktoobar 1984kii oo maalin Arbaca ahayd markii hore Burco-duurrey waxa laga soo qaaday 29 shahiid, subaxnimadii Khamiistiina waxa la keenay Rabaso meydkii shahiid Lixle iyo Mubaarak Axmed oo loo yaqaannay ‘Hadhuudho’. Sidaas ayaa Rabaso loogu aasay maalintaa 57 shahiid. Waa 30-Guuradii maalintii Rabaso lagu aasay shuhadii ugu badnayd ee maalin qudha ah wada shahiidda. Sidaas ayay ku noqotay maalintan amran ee sharfani maalintii shihadada SNM.

 

Maalmuhu iskuma jiraane, waa 30-Guuro. Soddon-guurooyinkuna iskuma jiraane, waa 30-guuradii maalinta shuhadada ee SNM.

 

Mujaahid Yuusf Meydal Cumar oo dagaalkaa Burco-duurrey ka qayb-galay kuna dhaawacmay goobtaa oo ka jawaabayay su’aal ahayd: ‘Waagu side ayuu idiin ku beryay subaxdaa, mar aan ku wareystay Xarunta VTC-da Sooyaal 15/10/1997kii ayaa iigy jawaabay:

 

“Subaxaa waagu wuxu noogu baryay fasal wanaagsan oo aanu filaynay in weliba cadawguna  na soo weeraro.”  

 

Waa qalbi-samaantii iyo niyad-adayggii Mujaahidiinta. Dagaalkaa badnaa. Siyaabaha la isu hirdiyay ama foodda la isu daray ayaa badnayd. Hubka iyo ciidanka waxa dheeraa ka nafsiga ah iyo ka saykoolojiga ah. Wax waliba sidaad ka dhigato ayuu ahaa. Haweenkii Hargeysa ka qaxayayba, dayuuradihii nidaamkii Siyaadkii Barre u yaqaannay Hawkar iyo Miig, waxay u yaqaanneen Caasha biyo sida oo cidiba waxba iskagama tirin jirin.

Bal hadda aynu ku noqonno mudaakaradii Yuusuf Meydal Cumar. Markanna waxaan maalintaa weydiiyay:

Miyaad ka war-qabteen cadawga?

Yuusuf Meydal Cumar isaga oo meel fog oo hortiisa ah eegaya anna aan is-leeyahay muuqaalladii maalintaas ayaa hadba sidii hillaaca u soo maraya, ayuu iigu jawaabay:

“Waxaanu ka war-qabnay dareenka guud sidii uu ahaa, wararkii ay na siinayeen dadkii reer miyiga ahaa ee aanu la degganayn iyo aniga oo arkaynay in ay naga dul guurayaan oo dareen galay. Waxaanu dareensanayn in ay dadku wararka ka helayeen Qol-buulalle oo ay ka war hayeen in meesha lagu soo kordhay. Sidaa awgeed ayuu dareenka nagu jiray u ahaa in uu weerar na qabsan doono.”

Halkaa markii uu marayay, waxaan Yuusuf Meydal Cumar ka wareystay goortii la soo weeraray iyo laxaad-beenaadkii cadawga la soo majaro-habaabiyay. Sidan ayaan maalintaa su’aasha ugu dhigay:

Goor ma ayaa la idin soo weeraray?

Mujaahid Yuusuf Meydal Cumar isaga oo magan u ahaa xusuustiisii dihineyd ee maalintaa iyo goobtaa taariikhiga ahayd, wuxu si kalsooniyi ku dheehan tahay iigu jawaabay:

Waxa nala soo weeraray markii ay saacaddu ahayd 1.17 daqiiqadood ee gelinkii danbe. Waxaanu ahayn saddex Urur. Waxaanu ahayn Ururka 1aad oo Cabdirasaaq Maxamed Cali haystay, Ururka 2aad oo Cabdikariim Xaashi haystay, Ururka 3aad oo Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle) Taliye-urur u ahaa, taliye guudna uu saddexdayada Ururba u ahaa”

Bal hadda aan eegno Mujaahidiintii goobtaa cadawga ku haleeshay sidii ay u hubeysnaayeen. Waa kan Yuusuf Meydal Cumar oo aynu gaaxdiisii sii maallaa, waxaanu intaa hore ku kabay:

“Hub waxaanu ka haysannay hubka fudud ee loo yaqaan ‘small arms’. Waxa noogu weynaa qoryaha loo kala yaqaan sebenka (Baasuuke) iyo BKM-ka. Waxa kale wuxu ahaa qoriga AK-ga ee aanu Dugsigii Tababarka kala soo baxnay kaas oo loo yaqaannay ‘Nuur-Madoobe.’”

Haddii ay Mujaahidiintii naf-hurka iyo geesinnimada aan wax loo dhigaa jirin ku dagaallamaysay sidaa uu Yuusuf Meydal Cumar sheegayna u hubeysneyd, ciidammadii cadawga ee hooyo-boobyada ahaa maxay ku hubeysnaayeen? Waa tan war-bixin laga soo xigtay Ibraahin Kood-buur oo uu soo tebiyay Yuusuf Meydal Cumar waxaanu yidhi:  

“Sidii uu ku war bixiyay Ibraahin Kood-buur, cadawgu wuxu ka koobnaa 500 oo askari. Waxay wateen gawaadhida gaashaaman oo ahayd 10 Beebbee, 4 Jiib, 2 Shilke, 2 Zuu iyo laba Toyote oo xanbaarsanaa laba qori oo ‘Brown’ ah.”

Waa halkii Maxamed Ibraahin Warsame, Hadraawiye aan idhaahdo:

 

“Haki Maxamed Genyada,

Hasha Goray u yeedh-yeedh,

Godol oo u gaal-gaal,

Gabantana ka yara celi,”

 

Bal hadda sheekadaa ka yara nasta ama haddaad doontaanba ku yara raasukha oo inta aan ka rogo aan laba saaro. Maxay xilligaa SNM ku sugnayd? Ma u baahan tihiin in aan sawir guud idinka siiyo si aad sheekada isugu xidhataan. Waxay ila tahay in jawaabtiinnu tahay haa. Waa tahay. Bal hadda tanna dhegta u raariciya ama indhahaba ku daalacda.

 

Waxaynu ka hadlaynay 17kii Oktoobar 1984kii oo ku suntan Maalinta Shuhadadii SNM. Weliba maanta waa 30-guuro oo maalmaha iyo sannadahaba kuma jirto. Ilaahay baa inagu simay. Maalintaa 72 maalmood ayaa laga joogay Shirweynihii 4aad ee SNM oo ka furmay magaalada Jigjiga Xaruntii Gaaskii 10aad ee Ciidammada Itoobiya. Shirweynahaa 4aad wuxu furmay 6dii Ogos 1984kii. Shirweynahaa 4aad Shahiid Cabdilqaadir Koosaar Cabdi ayaa xilkii Guddoomiyennmo ku wareejiyay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Shahiid Maxamed Xaashi Diiriye, Lixle, wuxu ka mid ahaa Guddidii Fulinta ee markaa xilka wareejisay isaga oo gacanta ku hayay Ciidammada Xoreynta ee SNM. Haddii aanay xusuustaydu I dagayn Shirweynahaba kama soo qayb-gelin oo wuxu ku sugnaa oo la joogay Ciidammada Awaare ku tabobaranayay.

 

Dugsigaa Tababarka ee Awaare waxa la furay bishii Abriil 1984kii oo uu halkaa ku qabsoomay Kal-fadhigii 3aad ee caadiga ahaa ee Gole Dhexe ee SNM oo go’aammo badan oo dhaxal-gal ahaa lagu gaadhay, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:

 

  1. Calankii SNM oo markii ugu horreysay la oggolaaday,
  2. Awaare oo laga dhigay Xaruntii Ururka SNM,
  3. Awaare oo markii ugu horreysay laga furay Dugsigii tababarka Ciidammada,
  4. La-wareegidda baabuurtii Toyotaha ahayd ee dadweynuhu lahaa si qoryo loo saaro, iyada oo markiiba halkaa lagu soo xereeyay ila 64 baabuur oo Toyota ah,

 

Go’aammadaa iyo qaar kale oo badan ayaa halkaa lagu gaadhay. Beryahaas oo uu SNM Guddoomiye u ahaa Cabdilqaadir Koosaar Cabdi, Ciidammada Xoreynta ee SNM waxa Xoghayaha Ciidammada Xoreynta ee SNM ahaa Maxamed Xaashi Diiriye, “Lixle”. Waa sida uu markii danbe Awaare ku tegayo ee uu ciidankii ugu horreeyay ee ka baxa Taliyaha ugu noqonayo.

 

Haddii aanan qaldanayn waxa kale oo xusid mudan in sannadkaa 1984kii ahaa sannadkii ay is-gaadhsiinta SNM ugu fiicnayd oo xarumaha iyo saldhigyada intooda badan meel walba radio ‘rakaal’ ahi yaallay.

 

Bal hadda aan waxoogaa aan badnayn ku hakanno Shirweynihii 4aad ee SNM iyo xanaftii ka dhalatay ee saamaynteeda ku yeelatay SNM. Markii Shirweynihii dhammaaday maalmo ka hor badhtamihii bishii Ogos 1984kii, waxa dhacday in qawad iyo saluug ka yimid qayb ka mid ah SNM oo shir ku qabsatay meel la yidhaahdo Laan-qayrta Doonbiraley. Iyada oo ururka SNM ku soo caano-maalay isu-joojinta iyo wada-hadalka wefdi uu Guddoomiyihii SNM hoggaaminayay oo madaxdii ururku u dhan tahay ayaa halkaa tegay. Ka mid baan ahaa wefdigaas oo xog-ogaal ayaan u ahaa waxyaabihii halkaa ka dhacayay ama ka socdayba. Muddo aan is-leeyahay malahayga bil waa ay ku dhaweyd ayaanu halkaa ku sugnayn oo lagu wada hadlayay. Meel wanaagsan ayaa wax la isla meel dhigay, go’aammadii ugu mudnaa ee halkaa ka soo baxayna waxa ka mid ahaa sees-u-dhigiddii iyo samayntii Golaha Guurtida oo markii ugu horreysay Guddoomiyihii iyo Guddidiiba halkaa lagu magacaabay. 1985kii ayaa Shirkii 2aad ee Golaha Guurtida lagu qabtay Dooxada Daahir Maadhiin ee galbeedka kaga beegan Rabaso. Hakad ayaa hawlihii Guurtida yar galay, waxaanu mar labaad golahaasi soo laba-kaclaynayaa bishii Ogos 1988kii markii gudaha laga soo jabay, shirkaas oo ku qabsoomay tuulada Caddaroosh. Waa mowduucyo aynu marar kale ku kulmi doonno.

 

Sheekadeennii hore ma ku noqonnaa intaa hadddii aynu mus-danbeed ka dhiganno.

Waxaan moodayay in aad haa tidhaahdeen. Waa hagaag, Aniguna waan idin ku raacsanahay. Bal haddaba maxaa dhacay?

 

Aan ku noqdo Yuusuf Meydal Cumar oo ka codasdo in uu inooga jawaabo su’aasha ah:

 

Sidee ayuu maalintaa dagaalku u dhacay?

Aan idiin kala baxo Yuusuf Meydal Cumar oo xusuustiisii idiin mariya, waxaanu yidhi:

“Annagu jiiddii hore ee difaaca ayaanu ku jirnay. Difaacayagu wuxu ahaa inta ama jiidda u dhexaysa meelaha la kala yidhaahdo Xabashi iyo Gufeys oo ku taal waddadii Qaaxo. Xilligaa waxaanu ku sugnayn waqti uu Ururka 1aad qayb ka mid ah ay is-yara qabteen madaxdii. Sidaa darteed Lixle iyo Ibraahin Kood-buurba waxa ay ku hawlanaayeen arrintaa maareynteeda. Habeennimadii waxa la diray 15 Mujaahid oo uu Xaammud watay, waxaana loo diray dareenkaa cadawga laga qabay in ay soo xaqiijiyaan. Waxay ahayd in ay soo hubiyaan in cadawgii ku soo diyaar-garoobay oo ku sugan yahay Qol-buulalle. ‘Lixle’ wuxu kula sii dardaarmay bal in ay soo hubiyaan in cadawgii ku soo dhammaaday Qol-buulalle iyo in uu weli isku soo urursanayo. ’Lixle’ markaa uu sahanka dirayay wuxu filayay in aan cadawgu ku soo wada dhammaan halkaa. Sidaa darteed ayuu miino ugu sii dhiibay si ay ugu soo aasaan meelaha gurmadkoodu soo marayo.  Laakiin Xaamud iyo colkiisii sahanku waxay war sugan ku heleen in cadawgii soo weerari lahaa dhammaan ku soo sugmay oo joogo Qol-buulalle. Markaa miinadiina sidaas ayay kula soo noqdeen.”

Waa yahay. La soo hubi in cadawgii oo oodihiisii jiidanayaa goobtaa Qol-buulalle isugu habar-wacday. Ka dib maxaa dhacay markii sahankii SNM dib ugu noqday ciidammadii soo diray? Aynu ku noqonno Yuusuf Meydal Cumar, waxaanu intii hore ku ladhay:

”Waxay nagu soo noqdeen 11kii saacadood ee subaxnimo. Waa 17kii Oktoobar 1984kii. Maalintu Arbaca ayay ahayd. Ibraahin Kood-buur iyo Lixle Ururka 1aad ayay ku maqnaayeen. Xogtii sahan in ay taliyayaashu qaataan la is-lama haleelin. Saacaddii weerarku nagu soo beegnaa markii ay ahayd ayuu Lixle soo gaadhay ciidankii. Gaadhigii ay la socdeen oo markaa meesha la yidhaahdo Celiya saad nooga soo qaaday iyaga oo Ururkii 1aad badhna soo qaaday badhna soo lugaynayaan, ayaa markii gaadhigii Lixle dhigay ee Ibraahin Kood-buur la noqday ay xabbaddii ugu horreysay ee ay soo rideen oo Jiib ahayd qabsatayna gaadhigii Ibraahin Kood-buur la noqday siigadiisii. Sahankayagii oo is-na xabbaddii ku riday ayaa xigtay.”

Markaa xilligaa dareenkii aanu ku sugnayn wuxu ahaa difaacii hore oo aanu ku kala jirno uun mooyaane, ayaanaan saacaddaa aamminsanayn in ay na soo weerarayaan. Dareenkaa ma aanu qabin. Haa…kooxdayadii sahanku in kasta oo aanay haleelin in ay madaxdii u warramaan haddana annagu waanu ogsoonayn in ciidankii cadawgu Qol-buulalle isku soo urursadeen.”

Si aynu sheekada uga boganno, bal Mujaahidkeenni Yuusuf Meydal Cumar waxoogaa tafaasiil ah ha inaga siiyo ciidankii SNM iyo sidii uu u habaysnaa, waxaanu ku yidhi muddaakaradiisii dheerayd:

“Ciidankayaga tiradiisa guud waxay ahayd 350 Mujaahid. Waa ciidankii Guutadii Sayid Cali dhammaanteed. Marka laga reebo Ururkii 1aad oo murankaasi ka dhex oognaa, jiidda hore ee difaaca waxa ku sugnaa ilaa 200 oo Mujaahid. Difaaca waxaanu kaga jirnay laynka woqooyi ee waddadii Qaaxo oo kale ah. Ururkii 2aad iyo qayb ka timid Ururkii 1aad difaaca hore ayay ahaayeen. Ururkii 3aad oo Lixle Taliye-urur u ahaa laba ayuu u qaybiyay. Badh u noqdo xoojin Ururka 2aad oo bidixda ama galbeedba xigay, badhka kalena ciidankii bariga ka dagaallamayay xoojin u noqdo oo ka ilaaliyo wixii dhabar-jebin ku imanaya. Lixle oo isla markaana Taliye-guuto noo ahaa wuxu raacay Ururkiisii 3aad qaybtii xoojinta galbeedka looga dhigay.”

Siduu ku bilaabmay weerarku?

Malaha dhareerka ceshan kari meysaane, aynu Mujaahid Yuusuf Meydal Cumar ku noqonno is-na Ilaahay ha ka abaal-mariyo e’, waxaanu yidhi:

“Weerarka cadawgu galbeed ayuu naga qabsaday oo tuulada Kun-gaws ayay ka soo dhaqaajiyeen. Qaybtii halkaa ku sugnayd oo Lixle la joogay ayay la soo kaceen oo difaacii wajahadda hore is-ma ay qaabbilin. Iyada oo ta Alle qornayd waa sababta ay Lixle iyo qaar kaleba maalintaa u dhimanayaan. 1.17 daqiiqadood oo gelinkii danbe ah markii aanu halkaa isku haleellay iyagu waxa ay isu qaybiyeen saddex raac: 1aad, 2aad iyo 3aad. Wuxu qorshahoodu ahaa oo ay ku soo talo-galeen in ciidankan Sayid Cali oo ahaa cududdii ugu adkayd ee SNM aanu mid ka bixin oo ay halkaa ku burburiyaan. Ballan-qaadka ay qabeen wuxu ahaa haddii ay soo guulaystaan ama ciidammada Mujaahidiinta ay gacanta ku soo dhigaan in askarigiiba ama sarkaalkiiba laba darajo la dallacsiinayo.”

Maalintaa markii aaan Yuusuf Meydal Cumar wareysanayay waxa iyaguna nala joogay Mujaahid Diiriye Cabdillaahi Yuusuf (Diiriye-gaab) iyo Mujaahid Maxamuud Cabdi Xasan (Quulle). Intii uu Yuusuf Meydal Cumar oo qudhiisu ku dhaawacmay maalintaasi I lahaa 1.17 daqiiqadood, saaxiibbadii waxay ka hoos lahaayeen 1.15 daqiiqadood. Waxay ku muransanaayeen laba daqiiqadood. La iskuma hayn maalinta, taariikhda, goobta iyo sannadka midna. Waa Mujaahidka iyo caadadii. Intuba waxay ku xardhanaayeen korkooda. Jidhkooda ayay taariikhda iyo saacadduba ku qornaayeen. Xubnahooda go’ay ee ay hureen ayay ku xusuusanaayeen. Dhiiggooda iyo dheecaankooda ayay maalmaha iyo saacaduhuba dhex socdeen.

Ma xigtaa tuduc hore loo yidhi oo magac ku jiray, ma ku beddeshaa saaxiibkay Quulle oo ma idhaahdaa:

“Quulloow hadday doonayaan, dulucda taariikhda,

Ha dayeen dushaaday ku taal, diillin keydsaniye,”

 

 

Beyddadkan isirkooda Siciid Saalax Axmed ayaa lahaa oo waxay ahaan jireen:

“Deeqaay hadday doonayaan, dulucda taariikhda,

Ha dayeen dushaaday ku taal, diillin keydsaniye,”

 

Idinka oo raalli iga ah, bal aan Yuusuf Meydal Cumar xusuustiisii dihineyd godol kale ugu laabto, waxaanu yidhi:

“Raacii 1aad ee cadawga ayaanu foodda is-darray. Markiiba waanu la kacnay oo jebinnay. Raacii 2aad ayaanu casarkii is-gallay is-na waqti badan naguma qaadan in aanu cagta marinno, kabahana ka subkanno. Raacii 3aad ee cadawga gabbalkii ayaa iskugu kaaya dumay. Ilaa cawayskii markii ay saacaddu ku sugnayd ilaa 8dii habeennimo waanu dagaallamaynay. Khasaarihii na soo kala gaadhay wuxu si fiican oo tifaf-tiran ugu xardhanaa warbixintii Ibraahin Kood-buur ka qoray dagaalkaa.”

Mujaahid Yuusuf Meydal Cumar oo aan muddaakarooyinkaa aan marna kala jarin oo iskii u daalay, malaha harraadna hayay oo aannaan biyaba haleelin, ayaan ku idhi ugu danbayn xusuustaadan maxaan kaa guntaa hadal, waxaanu ku soo gunaanaday:

“Xaalad dagaal marka aad ka warramayso qofba waa inta uu ka arkayaa ama halka uu kaga sugan yahay. Qof dhacdooyinka goob-joog u wada noqon karaa ma jiro. Maalintaa waxa xusuus gaar ah ii lahaa dhaawicii halista ahaa ee iga soo gaadhay dagaalkaa.”

Maalintaa aan wareysiga qaadayay, Diiriye Cabdillaahi Yuusuf is-na midh iyo laba mahadhooyinkiisii ka mid ah oo aan ka guntay iga hooya, waxaanu yidhi:

“Waxaan maalintaa si gaar ah u sii xusuustaa dhaawac halis ah oo iga soo gaadhay saddex xabbadood oo igu dhacay ugu danbayntiina lugta midig I naafeeyay. Rag badan oo Mujaahidiin ahaa oo shahiiday ama dhaawacmayna waan sii xusuustaa. Dagaalku cawaysinkii ayuu dhammaaday. Gabbalkii dumay iyo habeenkii soo galay ayaa annaga iyo cadawgii na kala raray oo noo kala guray. Lixdii galabnimo markii ay saacaddu ahayd aniga oo dhaawac ah waxaan ku jiray meel dhexdooda ah. Markaa meydkoodii ilaa teknikadii ka gubatay waa ay guranayeen. Wixii ay jiidan karayeen iyo wixii ay qaadan karayeenba waa ay qaateen.”

 

Hadda Mujaahid Diiriye-gaab ayaa gaawaha inoo hayay oo aynu gaaxdii xusuustiisa maalaynay. Intaa hore wuxu ku kabay:

“Markii gabbalkii dhacay dib-u-gurasho xeel dagaaal ayaanu Burco-duurrey ku tagnay. Dhaawicii ayaanu halkaa ku urursannay. Iyaga oo ciidan xul ah oo hubeysan isu haystay haddana wixii goobta ka gaadhay waa ay u qaadan waayeen. Waxay ahayd mid ka mid maalmihii ugu mudnaa ee SNM ka guulaysato ciidanka cadawga. Waxay ahayd maalin cadawga si aanu ka soo kabin karin oo ceeb iyo weji-gabaxba ku ahayd loo jebiyay.”

Waa tahay. Haddii ay intaasi inala kala gaadhay labadaa rug-caddaa, bal hadda immikana aan dheehanno Mujaahid Quulle oo goorahanba afku cun-cunayay, waxaanu yidhi:

“Marka hore shuhadadii aan Faataxada u marno. Intii la dhalatay iyo intii ay ka dhinteenna Ilaahay ha ka cawilo. Dhammaanteen Ilaaheen ha inaga cawilo. Waa maalin farxadeed. Waana maalin murugo. Waa maalin farxadeed oo waa maalintii cadawga laga guulaystay. Waana maalin murugo oo waa maalintii ay SNM ugu khasaaraha badnayd raggii ugu qiimaha badnaana ay ummadda ka baxeen. Haddii aanu khasaare ku soo gaadhin guul ma hantidid. Marka hawsha lagu jiro ninba dhinac ayuu wax ka arkaa ama aragtidiisa ayuu ku hadlaaye, nimankii maalintaa foodda aanu is-darray ballaan-qaad dallacaadeed ayay qabeen oo ku dagaallamayeen. Darajo ay helaan oo ay nidaam daallin ah ka kasbadaan ayay u dagaallamayeen. Annaguna waxaanu ahayn niman Janno doon ah ama dal iyo dad doon ah. Foodda markii aanu is-darnay iyaga oo naga xoog badnaa oo naga tiro-badnaa waxaanu kaga guulaysannay hiilka Eebbe, xaq-u-dirirkii aanu ahayn iyo niyaddayadii birta ahyd. Gurmad waxa noogu sokeeyay Laan-qayrta oo galbeed naga xigtay iyo Gubad-daalaco oo bariga naga xigtay. Labaduba waa ay naga fogaayeen. Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa: Geesi il buu diriraa. Dantu waxay nagu qasabtay in Mujaahid kastaaba wixi rasaas qoriga ugu jiray uu madhxiyo, beekhaamiyo oo uu si tashiilan u adeegsado si aanu gacanta cadawga ugu dhicin.

Cadawga meesha marayay waxba iskagama kaaya tirin, waxaana taa kuu caddaynaysa halka uu nagu soo doontay iyaga oo 26km gudaha u soo galay dalka Itoobiya. Ujeeddadoodu waxay ahayd in ay burburiyaan oo ay cagta mariyaan ciidankaa Sayid Cali ee xuddunta u ahaa cududdii hubeysneyd ee SNM.”

Haakah! Ma tidhaahdeen oo warankaa Burco-duurrey iyo warkeedii ma idiin baxay. Bal hadda aan sheekada yar hakinnoo oo dib u guurno 30-kaa sannadood oo tagno 25/10/1984kii. Aan daalacanno warbixintii Ibraahin Kood-buur maalintaa ka qoray dagaalkaa meesha ‘Xabashi’ la yidhaahdo ka dhacay, bal se Burco-duurrey ku can-baxay. Warbixintan iyada oo teeb ku garaacan oo sawiran ayaan ka qaaday Mujaahid Cabdi-shanaad. Waxaan idiin ku soo minguurinayaa sidii uu Ibraahin Kood-buur maalintaa u garaacay isaga oo Diri-dhabe ku sugnaa.

Warbixinta Ibraahin Kood-buur inta aanan bilaabin, Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’ aan ka ambo-baxo weedhaha ugu danbeeya ee warbixintani ku dhammaato, waxaanu qoray Ibraahin Kood-buur, 25/10/1984kii:

“Taariikhdu markii ay ahayd 19/10/1984kii ciidammadii SNM ee ka kala yimid Dugsigii tababarka ee Awaare, Laan-qayrta iyo Dhooba-guduud waxay weerareen cadawga oo joogay Qol-buulalle goor habeennimo ah. Khasaarihii cadawga gaadhay oo aad u weynaa weli lama soo tiro-koobin, ciidammadeennana waxa ka shahiiday Mujaahid Maxamuud Siciid Daa’uud.”

Sow tii uu Hadraawi lahaa:

“Fidmo looma sacab-tumo,

Hadday sii fogaatana,

Ninka cararay waa fule,”

 

Aan ku noqonno shahiid Ibraahin Kood-buur iyo warbixintiisii Burco-duurrey ee 25/10/1984kii, waxaanaynu u soo gaabsanaynaa sidan hoos ku qoran:

 

SOMALI NATIONAL MOVEMENT

 

Flimsy Fayl                                                                                      Dire Dawa

                                                                                                                 Oct. 25/1984

Guddoomiyaha SNM

Dire Dawa

Uj: warbixin dagaal

17kii Oct. 1984 saacaddu markay ahayd 2.45 galabnimo, Guutada Sayid Cali oo deggenayd Kaam xabashi, waxa soo weeraray cadaw watay 24 gaadhi oo kala ah:

10 gawaadhida gaashaaman ah, 4 jiib, 2 Zuu, 2 Shilke, 2 Toyota oo ay saarnaayeen qoryaha ‘Brown’ iyo ‘Gerinove’ iyo 4 baabuur oo waaweyn oo ‘Ife’ ahaa.

Ciidanka cadawguna wuxu ka koobnaa 500 oo askari oo aad u hubeysnaa.

Ciidankeennu wuu ka digniin helay cadawga oo wuxu ugu diyaar-garoobay meel keymo xidhan leh. Ciidankeennu wuxu gaashaanka u qabtay oo uu dib u celiyay Raacii 1aad iyo Raacii 2aad ee cadawga oo uu ka dhigay wax dhintay, wax dhaawacmay iyo wax baxsaday, gaadiid bandanna waa laga gubay.

Waxa weli inoo socota warbixintii Ibraahin Kood-buur ka qoray dagaalkaa ka dhacay Kaam-Xabashi, waana tan warqaddii oo halkeedii ka sii socotaa:

4.30kii galabnimo waxa ciidankeenna soo weeraray Raacii 3aad ee cadawga, waxaana la dagaallamayay ilaa 9.00 saacadood ee fiidnimo, markaas oo la is-arki waayay oo la kala hulleelay. Khasaarihii cadawgu wuxu noqday:

  • 108 askari oo geeriyooday iyo in badan oo dhaawacantay,
  • 9 gaadhi oo gaashaanna oo la gubay,
  • 2 gaadhi oo gaashaannaa oo lagala hadhay, ama furtayba,
  • 1 jiib, 1 Shilke iyo 1 Toyota oo qori saarnaa oo la gubay,
  • Hub iyo rasaas badan oo kale oo laga furtay,

 

 Khasaarihii Ciidankeenna gaadhay:

  • Magacyada Mujaahidiintii shahiidday oo warbixintaa ku qornaa,
  • 30 Mujaahid oo dhaawacmay oo badankkodu fududaayeen,
  • Hubka la waayay:

BKM: 1, RBD: 4, RBJ/7: 1m AK: 18 isugeynna noqday 24 qori.

Haddii aynu warbixintii Ibraahin Kood-buur intaa kaga baxno, si aynu xaqiiqadii maalintaa u sugno suabaxnimadii Khamiiseed ee 18/10/1984kii Mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye Lixle waxa lala aasay oo iilka loo kala weeciyay Mujaahid Mubaarak Axmed oo ‘Hadhuudho’ lagu naanaysi jiray siday ii sheegeen Cabdi-Laangadhe iyo Cabdi-Shanaad oo isagu ka mid ahaa dadkii dagaalkaa ku naafoobay.

Waxa kale oo xusuus gaar ah mudan dhowr Mujaahid oo intooda badan dhaawac lagu qabtay oo Hargeysa la geeyay oo kala ahaa:

Waxa kale oo xusuus gaar ah mudan dhowr Mujaahid oo intooda badan dhaawac lagu qabtay oo Hargeysa la geeyay oo kala ahaa:

  1. Ismaaciil Maxamed Guuleed (Iraad): Hargeysa lagu toogtay,
  2. Aadan Cabdi Cumar (Buuri): Hargeysa lagu toogtay,
  3. Xoor-xoor: Hargeysa lagu toogtay,
  4. Saleebaan Madoobe: Isaga oo dhaawac ah ayuu gaadhigii siday ku dhintay oo ay ka tureen, dadkii ayaa dhexda ku aasay,
  5. Baashe Faarax: oo laga sii daayay isaga oo fayow maa daamaa uu yaraa,

Mujaahid Af-yare la yidhaahdo oo dhimashada lagu tirinayay mar danbe ayaa isaga oo nool saldhiggii Durya laga helay, immikana wuu xanuunsanayaa oo Hargeysa ayuu joogay markii noogu war dambaysay.

Sow tii Aadan Tarabbi lahaa mar uu Faqashtii la hadlayay:

“Ama midho Berdoo,

Bisil baanu noqon,

Ama qodax bir-lab ah,

Booca kaa muddiyo,

Bixisaanu noqon,”

 

Waxa kale oo uu Aaadan Tarabbi maalintaa yidhi:

“Faqasheey ba’aa,

Iyo balanbalkaa,

Boqollaal Lixlaa,

Kugu soo baxsaday,”

 

Ma cid baa barooratay. Ma cid baa hengel qaadday. Sow tii Hadraawi Daalalleydii ku lahaa:

 

“Dugey yeedhi meysoo,

Hengel waa la daayee,

Ha mashxarado dumarkuye,

Del-delaadda boqol boqol,

Kala daran isugu xidha,”

 

In kasta oo Mujaahid kastaaba qiimihiisa iyo qaddarintiisaba lahaa, waxa xusuus gaar ah igu lahaa Shahiid Ismaaciil Maxamed Guuleed oo loo yaqaannay Iraad, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’. Wuxu ahaa nin weyn oo qurbaawiya oo dibadaha uga soo noqday ciilkii iyo cadhadii uu u qabay nidaamkii bahalka ahaa ee Siyaad Barre, halgankuna ka dhab ahaa. Xilli aan ku noolaa Xaruntii SNM ee Awaare oo Dugsigii Tababarkuna ku yaallay ayuu aroortii na faylin jiray. Waxaan xusuustaa kaftankiisii iyo maaddiisii. Af-Ingiriisi iyo af Soomaali ayuu isku dari jiray aad loogu qosli jiray.

Mujaahid Cabdi-shanaad oo ka warramayay Mujaahid Xaammud oo ay iska ag dagaallamayeen ayaa is-na igu yidhi:

“Meel aan iga fogayn oo ii muuqata ayuu ka dagaallamayay Xaamud. Laba Mujaahid oo dhufayska kula jiray ayay xabbaddii qaadatay oo dhintay. Wuxu soo jiitay labadoodii qori oo kala ahaa AK-47 iyo qori BKM ah. Isaguna wuxu sitay RBJ/7. Intiiba wuu ku dagaallamay. Markii danbe ayaa Beebee ku soo baxsaday. Xabbaddii ugu danbaysay ee sebenka ahayd ayuu ku riday. Waa ay ka dano-kacday. Beebbeegii ayaa bakhtiyay markii xabbaddii sebenka ahayd ku dhacday. Ridihii Beebbeega ayaa daboolka sare iska qaaday oo Xaamud madaxa ka toogtay. Inta aan gurguurtay ayaan ka soo dul qaaday: Qoryihii Sebenka, BKM-ka iyo Ak-ga kala ahaa. Waxaan dhexdiisa ka soo furay bastoolad dhabanno-cas ahayd oo gal maas ah oo cas oo kii Ruushka ah ku jirtay. Intii iyo qorigaygii ayaan ciidankii SNM ula galay.”

Baastooladdii Xaamud iyo galkii casaa ee maaska ahaa ayaa xusuus kale igu dhaliyay. 1984kii annaga oo wada joognay Awaare ayuu arkay aniga oo baastoolad dhabanno-cas ah ku sitay galkaa maaska ahaa ee maalintaa uu dhintay laga soo furay. Isaguna baastoolad tayda oo kale ah oo gal maas madow ah oo yar oo qurux badnaa ku jirtay ayuu sitay. Wuxu igu yidhi oo igu qanciyay in aanu labada gal kala beddelanno. Anna sidaa waan jeclaa oo kaan sitay wuu igu cuslaa oo dalka Ruushka ayaa lagu sameeyay, kiisa uu isagu sitayna kabo-tolaheenna ayaa sameeyay oo maas madow ayuu ahaa. Sidaas ayaanu ku kala beddelannay oo is-na kaygii u qaatay anna kiisii u qaatay. Xusuustaas ayuu galkaasina igu lahaa.

Si aan idiin ku soo gudbiyo maalintaa iyo mahadhooyinkii ay reebtay, waxaan dib u miliilicay Xusuus-qorkaygii 1984kii, gaar ahaan maalintaa taariikhiga ahayd ee 17kii Oktoobar oo ahayd maalin Arabacaad, ku beegnayd 22kii Muxarram, sannadkii Hijriyada ee 1405kii, waxaana ku qornaa laba qormo oo aan qoray 18kii Oktoobar subaxnimadii oo midi Ingiriisi ahayd midna af Soomaali oo kala ahaa:

“The old witty women told me about shots around our camp. I met Daakir at the gate who told me about the murder on the night before of Abdirahman Aidiid and Iikar Mohamed Husein. Abdi Muhumed Amin was wounded too. I was shocked. Thursday 18kii Oktoobar ayaa la ii sheegay.”

Haddii aan si kooban idiin ku tarjumo, waxay noqonaysaa:

 

”Islaantii wax-garadka ahayd ayaa ii sheegtay xabbado iyo rasaas ka dhacaysay Kaamkii aanu degganayn. Daakir oo aan kadinka kula kulmay ayaa ii sheegay dilkii xalay ee Cabdiraxmaan Caydiid iyo Iikar Maxamed Xuseen. Cabdi Muxumed Amiinna waa la dhaawacay. Waan ka naxay. Waxa warka la i siiyay 18/10/1984kii.”

 

Waa subaxnimadii 18kii Oktoobar 1984kii oo aan ku kallahayay Xaruntii SNM ee Diri-dhabe. Islaantan aan sheegayaa makhaayad yar oo aanu ka quraacan jirnay ayay ku haysatay meel xafiiska ka sokeysay. Labada nin ee la dilay waxay ka tirsanaayeen Jabhaddii SSDF-ta.

 

Aan dib ugu noqdo xusuus-qorkaygii iyo 18kii Oktoobar 1984kii oo aan Diri-dhabe ku sugnaa. Qodobka labaad ee maalintaa ku xardhanaa wuxu ahaa:

 

”Galabnimadii hore ayaa dagaal ku dhex maray cadaw weerar ah iyo Mujaahidiinta SNM meel la yidhaado Kaam-xabashi oo ay degganaayeen ciidammadii SNM ee Awaare tababarka ku soo dhammaystay. Tiro soddon ku dhow (27) ayaa laga dilay SNM waxaana laga dhaawacay ilaa 26 in u dhow. Cadawga qalab gaadiid iyo Beebbeeyo u badan ayaa laga burburiyay, waxaana laga dilay in 150 ka badan. Cadawga saraakiishii laga dilay waxa ka mid ahaa kii hawl-gelinta. SNM mujaahidiinta ka shahiidday waxa ka mid ahaa: Lixle, Xaammud iyo Iraad. 18ka in ay gudaha galaan ayay ahayd. Cabdikariim ayaa aad loo ammaanayay.”

 

Berigaa tilifoonnadu ma aawanayn oo lamaba adeegsan jirin. Waa ay adkayd sida ay baahidiisu kuu qabataa. Haddii laga tegi waayo Addis Ababa marka Idaacadda waraka loo dirayo iyo mararka dibadaha lala hadlayo ayaa ugu badnaynd. Dibadaha dadku lama wada hadli jirin ee in naga mid ah ayaa inta badan qandaraaskaa haysatay oo baryada iyo xaalad-abuurka ku qalin-jebisay.

Taariikh-nololeedkii Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle)

Maxamed Xaashi Diiriye oo loo yaqaannay Lixle, wuxu ka mid yahay geesiyada ugu caansan ama ugu magaca dheer SNM. Qof ahaan markii noloshayda ugu horreysay ee aan arkaa ama la kulmaa waxay ahayd intii lagu jiray halgankii hubeysnaa ee SNM, gaar ahaan bishii Juun sannadkii 1983kii ee uu soo tallaabay ee uu sida tooska ah ugu soo biiray halgankii hubeysnaa ee ka socday tallowga xuduudda aynu Itoobiya wadaagno. Intii muddadaa ka horreysay si qarsoodiya ayuu uga hawl-geli jiray dalka gudihiisa.

 

Maqal ahaan waxa iigu horreysay xilliyadii uu socday dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee 1977kii oo uu deggenaa magaalada Gebilay isaga oo Taliye ka ahaa Teknikadii iyo Taangiyadii dagaalkaa ka qayb-qaadanayay.

 

Waxaan jeclahay in aan anna culayska iska rido oo aan fursaddan Xuska 30-Guurada uga faa’iidaysto in aan wax aan sidaa u sii badnayn ka idhaahdo saaxiibkaygii aanu halgan-wadaagta ahyn ee aanu muddada aan badnayn ku wada sugnayn goobihii uu ka socday halgankii hubeysnaa ee SNM.

 

Inta aanu goobaha ku wada sugnayn waxay ahayd oo keliya Bishii Juun 1983kii ilaa maalintaa uu shahiiday ee 17/10/1984kii. Intaas oo keliya ayay noo ahaydba, haddana sannadkaasi waqti badan ayuu la macne ahaa marka aad qiimayso kaalintii ma-guuraanka ahayd iyo tii hoggaamineed ee uu halgankaa ummadeed ku lahaa. Sidaa ay tahay waqtigaa gaaban ee aanu SNM ku wada sugnayn haddana mar walba isku meel ma aanu joogin.

 

Wuxu ahaa nin dhererkiisu dhex-dhexaad yahay. Ma buurnayn sidaana weyd uma ahayn. Timihiisu inta badan waa ay gaabnaayeen waanay yara adkaayeen. Debinta hoose ayaa waxoogaa diirku ka qaadmay oo aad moodaysay in ay soo caddaanayso. Ma hadal badnayn. Ma qosol badnayn. Inta yar ee uu hadlayo murti iyo wax kaa qosliyaba wuu ku hadli jiray. Erey-bixin badan oo SNM-tu lahayd isaga ayaa loo aaneeyaa. Waxa ereyadaa ka mid ahaa ”Faqash” iyo ”Jaxafkii”.

 

Inta badan wuxu qaadan jiray isku joog ’Jeans’ ah ama ’Shiingee’ qofba sida uu u yaqaanno. Waa intii u nala joogay sidaan ku arki jiray. Kabaha wuxu ka qaadan jiray kabo aan xadhig lahayn isla markaana ilaa kuraanta ku jooga oo aan ku adkayn ee ka yar badan oo haddii uu u baahdo marka uu iska saarayo isaga oo aan siibadda furi jirin ee uu iska dhillin jiray. Socodka iyo jimicsiga aad iyo aad ayuu u jeclaa. Waxaad arki jirtay buur Diri-dhabe galbeedka ka xigtay isaga oo subaxda hore fananaya marna ka soo degaya oo ku jimicsanaya, in kasta oo uu ahaa suufi Qaad-qamac ah. Nin salaad sax ah oo aan salaad salaad ku darin ayuu ahaa. Wuxu halhays u lahaa marka uu arko wax ka yaabiya: ”Cidhibtaada ama cidhibtiinna Alle goo.”

 

Intan kooban ee aan ka qorayo saaxiibkay Maxamed Xaashi Diiriye, Lixle, waxaan tix-raac ka dhigan doonaa wareysi uu Cabdillaahi Cukuse ka qaaday Ciise Curaagte oo ay isku fil ahaayeen Lixle, 1997kii iyo qoraallo aan ka soo minguuriyay Mareegta Farshaxan oo qoraal dheer ka samaysay noloshii iyo himilooyinkii Maxamed Xaashi Diiriye, Lixle.

 

Mareegta farshaxan waxaan ka soo xigtay:

 

”Maxamed Xaashi Diiriye oo Lixle ku caan-baxay wuxu ku dhashay tuulada Go’da-weyn sannadku markii uu ahaa 1945kii. Hooyadii waa ahayd Ardo Diiriye Madar. Maxamed Xaashi Diiriye wuxu ugu yaraa shan carruur ah oo ay walaalo ahaayeen. Ilaa shan jirkiisii ayaa aabbihii oo Burco deggenaa loo geeyay, halkaas oo uu yaraantiisii ka bilaabay malcaamad-quraantii. Lixle waxa loo bixiyay intii uu malcaamad Quraantaa ku jiray sida laga soo xigtay hooyadii mar ay u warramaysay wargeyska maalinlaha ah ee Ogaal. Waxay sheegtay in macallinkii malcaamaddu u bixiyay Lixle maalin ay lix is-laayeen oo uu intiiba iska celiyay. Ciise Curaagte oo ay Dugsigii Hoose wada bilaabeen wuxu is-na sheegay in yaraantiisii la odhan jiray Lixle-daacuun oo uu ahaa wiil ka soo hoyday ciyaalkii ay isku gedaha ahaayeen.”

 

Bal immikana aan magansado xusuusta Ciise Curaagte oo ka sheekeeyay sidii uu u yaqaannay Maxamed Xaashi Diiriye, Lixle, waxaanu yidhi:

 

“Maxamed Xaashi Diiriye, Lixle, Ilaahay ha u naxariisto e’, waxaanu is-barannay sannadkii 1952kii. Waa sannadkii aanu soo wada gallay Dugsiga Hoose ee Burco. Waxa lagu naanaysi jiray Lixle. Isaga oo yar oo ahayd beryihii uu malcaamad Quraanka ku jiray ayuu maalin lix koob oo shah ah cabbay oo mar is-raaciyay. Markaas ayay ciyaalkii malcaamadda la dhiganayay Lixle u bixiyeen.  Maxamed Xaashi Diiriye, waxa beryahaa anu yarayn loo yaqaannay oo kale Lixle-daacuun. Wuxu ahaa inan yar oo shidaad badan oo ciyaalka laaya. Qof la iska eegi jiray ayuu ahaa.

 

Dugsigaa Hoose ee Burco markii uu ka soo baxay wuxu ku soo biiray Dugsiga Dhexe ee Sheekh. 1959kii ayuu dhammaystay Dugsigiisii Dhexe. Waxa loo beddelay Dugsiga Sare ee Cammuud, 1960kii markii Dusgsiga Sare ee Sheekh la dhammeeyayna wuxu u soo wareegay Sheekh. Dugsiga Sare ee Sheekh wuxu dhammaystay 1963kii. Xagga tacliinta wuxu ka mid ahaa innammada ugu roon.”

 

Haddii uu dhammaystay tacliintiisii Dugsiga Sare, muxuu ku danbeeyay Maxamed Xaashi Diiriye oo Lixle loo yaqaannay. Aan ka gurno ama ka rasaynaba Mujaahid korneyl Ciise Curaagte Xuseen oo ay shahiidka saaxiib ahaayeen isla markaana ay wada shaqayn jireen. Wuxu intii hor ku daray:

 

“Markii uu dhammaystay tacliintiisii Dugsiga Sare, wuxu tegay magaalada Muqdisho. 1964kii ayuu ka mid noqday xooggii dalka Soomaaliyeed ama millaterigii. Isla sannadkaas waxa loo diray Akaademiyada Taangiyada iyo Gawaadhida Gaashaaman oo loo yaqaannay ‘Boroolitaangavaya’. Waxa uu soo dhammaystay isaga oo Laba-xiddigle ahaa 1969kii, waqtigii Af-weyne dalka Inqilaabka ku qabsaday wax yar ka hor.”

 

Bal immikana aan ka boganno taariikhdiisii shaqo iyada oo uu inooga dhici doono saaxiibkii Ciise Curaagte, waxaanu yidhi:

 

“Shaqadii ugu horreysay ee uu qabtay waxay noqotay Taliyaha Dugsiga Dhexe ee Gaadiidkii Ciidanka. 1971kii markii la laayay saraakiishii inqilaabka lagu eedeeyay ee ay Janaraal Caynaanshe iyo ka midka ahaayeen, wuxu ka mid noqday saraakiil yar-yareyd oo lagu tuhmay in aanay ‘Kacaankii’ aad ula socon. Beddel qasab ah ayaa lagu geeyay ama loogu beddelay Akaademi cusub oo Kismaayo markaa laga furay oo saraakiisha lagu leylyi jiray. Macallin buu ka noqday. Kismaayo wuxu ku suugnaa oo Akaademiyadaa macallin ka ahaa ilaa 1973kii.”

 

“1973kii mar labaad ayaa canaad ahaan iyada oo la niyad-jebinayo loo soo beddelay Dugsi lagu baran jiray Taangiyada oo laga furay Guutadii 2aad ee Taangiyada. Dugsigaas ayuu madax ka noqday. Dhallinyaro carbis ahayd ayaa lagu bari jiray Taangiyada.

 

1975kii ayaa loo diray wershed ku taallay magaalada ‘Shitoomir’ oo Xarunta ‘Kiev’ u dhaweyd oo lagu kabi jiray ama dayac-iri jiray Taangiyada nooca 55-ka loo yaqaan. Markii halkaa la geeyay waanu wada soconnay. Siddeed bilood ayaanu halkaa joognay. Markii aanu Soomaaliya ku soo noqonnay waxaanu nimid iyada oo ay dhan yihiin Wershadaha Taangiyada lagu kabo: Tii Muqdisho iyo tan Hargeysa. Wuxu noqday Injineerka Guud ee Warshaddii Kabka ee Hargeysa muddo yar ka dibna waxa bilaabmay dagaalkii 1977kii dhex maray labadii nidaam ee Mengistu iyo Siyaad Barre.”

 

Mujaahid Ciise Curaagte ha I noo sii wado aqoontii uu u lahaa Lixle:

 

“Markii la is-qaybiyay waxa isaga lagu soo qaybiyay Kulmiskii Woqooyigan, Qaybta 26aad, ayaa looga dhigay sarkaalka Teknikada ee Kulmiskaa. Markii uu dagaalkaa galay wuxu ahaa Mijir ama Gaashanle, markii dagaalkii dhammaaday wuxu noqday Gaashaanle Dhexe, waxaana la keenay Hoggaankii Farsamada guud ee Wasaaraddii  Gaashaan-dhigga. Intii uu Hoggaankaa joogay ayuu noqday Gaashaanle Sare.

 

1980kii iyada oo food-saaro looga dhigay in uu ku jiray Dhaqdhaqaaqii Waddaniga ahaa ee Soomaaliyeed ee SNM ayaa shaqadii laga saaray. Sidaa darteed ayaa hoggaankii qarsoonaa ee abaabulkii SNM ugu soo beddelay magaalada Hargeysa si uu hawlaha halganka u hoggaamiyo oo abaabulka SNM gacanta ugu qabto.

 

Sidii ay arrintu sidaa u ahayd, isaga oo mar-marsiiyo ka dhigtay in uu Dhubbato beer ku leeyahay oo uu ka shaqaysanayo ayuu hoggaan ka noqday Hawl-galkii lagu jebiyay Xabsiga Dhexe ee Mandheera 2/1/1983kii. Markaa ka bacdi waa ay u suurtoobi weyday in uu waddanka gudihiisa ku jiro, waxaanu u soo baxay Qaaxo bishii Juun 1983kii, waxaana markiiba loo doortay Xoghayaha Ciidammada Xoreynta ee SNM, waxaanu ka mid noqday Guddidii Fulinta iyo Golihii Dhexe ee SNM.”

 

1984kii ayay SNM go’aansatay in ciidammadii Awaare ka baxay gudaha la geliyo oo uu Taliye ka noqdo Maxamed Xaashi Diiriye, Lixle oo ay si joogto ah gudaha dalka ugu sugnaadaan. Sidaas ayaa Guutadaa Sayid Cali la magac-baxday lagu soo weeraray, bal se cadawgii lagaga guulaystay.

 

Idinka oo raalli iga noqon doona waa taariikhdii koobnayd ee Shahiid Maxamed Xaashi Diiriye, Lixle oo ahaa sarkaalkii ugu sarreeyay ee soo gala SNM. Wuxu ahaa kuwa doorka roonaa geesiyaashii SNM soo maray. Wuxu ahaa tusaale nool oo lagu daydo. Wuxu ahaa nin keni-adayg iyo dhiirranaan la yaab leh u dhashay oo aan Faqashta iyo dirkeedba aan waxba iskaga tirin jirin. Nin higsi iyo himilaba leh ayuu ahaa. Wuxu ahaa geesi yaqaannay halka uu ka guurayay iyo halka uu geeddi u ahaaba.

 

Naxariistii janno Ilaahay ha ka waraabiyo, innagana samir iyo iimaan ha inaga siiyo.

 

Gebegebada sheekada:

 

Shudadu ma aha wax lagu dibbiro-dhacsado sida immika aynu aragno. Shuhadadu ma ahaa wax af-madhan iyo calool naxli dhaamiyay lagu soo qaado. Mana aha wax la isugu tar sheegto oo muxaafid iyo mucaarud laga dhigto wax dadweynaha lagu beer-laxawsado. Weliba dadka kale ha joogaane taa kama ay mutaysan kuwii ay halgankii hubeysnaa bah-wadaagta ku ahaayeen ee maalin kasta oo la xusayaba af-madhnaanta iyo digashada ula yimaadda.

 

Shuhadadu ma aha wax la yidhaahdo wax ayaynu u qaban karaynay, u qaban karnaa amaba u qaban doonnaa. Ma aha in shuhadadii lagu ololeeyo. Ma aha in agoonta laga dhigto wax cid loogu ololeeyo ama cid kale lagaga ololeeyo sida dhaqanku yahay maanta oo calool-xumo iyo uur-ku-taallaba leh. Ma aha maalin kasta oo shuhadadii la xusayo in makrifoonnada af madhan iyo ballan-qaad aabbihii goblamay agoonta lagu maaweeliyo. Maalinta shuhadadu waa munaasibad iyo maalin u baahan in mashaariic iyo wax-qabad lagu maamuuso. Horaa loogu maah-maahay: “Meel hoo u baahan, hadal wax kama taro.”  

 

Weliba markii maah-maahdaa la sameeyay arrintu hadal keliya ayay ku koobnayde, hadalka maantu waa mid naxli iyo nacba cokan oo aan loo baahnayn.

 

Shuhadadii dhammaantood mid dedan iyo daalacanba Ilaahay ha u wada naxariisto.

 

Sidaa iyo nabadgelyo,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here