Nuxurka Bayaan ay Ardaydii Ka Qalin-Jabisay Machadka Barashada Nabada Iyo Xalinta Khilafaadka Ee Jaamacadda Hargeisa, 2017, Ka Soo Saareen Doorashooyinka Somaliland

0
56

Taariikh: 15-10-2017

Ku: Xukuumadda, Murashaxiinta Xisbiyadda iyo Bulshaweynta Somaliland

Ujeedo:  Bayaan Ku saabsan Arrimaha Doorashooyinka Somaliland

Anagoo ah, Ardaydii ka qalin-jabisay waxbarashada sare Machadka Barashada Nabada iyo Xalinta Khilaafaadka ee Jaamacada Hargeisa, waxa aanu ugu baaqaynaa dhamaan xukuumadda, xisbiyada, marashixiinta iyo dadweynaha inay muhiim tahay in la ilaaliyo nabada iyo xasiloonida dalka xilligan iyadoo ay dalka ka qabsoomayso doorashadii madaxtooyadda Somaliland.

Baayaankani waxa uu diiradda saarayaa sadax arimood oo ay ardaydu aad u falaqeeyeen kadibana ay go’aansadeen inay la wadaagaan bulshada, axsaabta siyaasadda iyo dhamaan daneeyeyaasha doorayoonka Somaliland.

Haddaba, halkan, waxa aanu ku soo bandhigaynaa faaiidooyinka doorashooyinku u leeyihiin Somaliland iyo Galdaloolooyinka  jira ee dhaawaca habsami u socodka hanaanka doorashooyinka dalka.

  1. Muhiimadda Doorashooyinku u leeyihiin Somaliland
    • Doorashadu waxay fursad siisaa muwaadiniinta Somaliland inay doortaan dadka xukunka ay u dhiibanayaan oo ay muujiyaan waxay doonayaan iyo waxay diidayaan. Taasina waxay awood u siisaa dadka la doorto inay afkooda ku hadlaan oo waxyaabihii shacabku u baahnaa ay u fuliyaan.
    • Doorashooyinka ay Somaliland ku dhaqantaa waxay u horseedaan in hanaanka dawladnimo si nabada loola kala wareego, oo kolba xisbigii dadku u codeeyaan xukunka loo dhiibo, xisbiga kalena si nabada awooda iyo maamulka u wareejiyo.
    • Doorashadu waxay awood u siisaa xisbiga loo doorto hogaaminta dalka, in laga amar qaato oo looga dambeeyo talada dalka.
    • Doorashadu waxay fursad siisaa in muwaadin kasta oo rabba inuu ka qayb qaato xukunka dalka uu xaq u leehahay inuu isku soo sharaxo. Taasina waxay dalka ka saartaa in xusbi kaliyi iska haysto xukunka wadanka sanado badan.
    • Doorashooyinku imika waxay noqdeen waxyaabaha ka qayb qaata nabadaynta iyo xalinta khilaafaadka gaar ahaan wadamada ka soo ka banaya colaadaha sokeeye (post conflict countries).

 

  1. Goldaloolooyinka Doorashooyinka Somaliland
    • Sida aynu ogsoonahay dhamaan doorashooyinka Somaliland waxa ay ka dib-dhacaan xiligooda sharciyan loo qoondeeyo in la qabto. Arintaasi waxay dhibaato weyn ku keentaa nabada iyo xasiloonida dalka sida inuu dalku galo qalalaase siyaasadeed (political instability), waxayna keentaa in loo hogaansami waayo shuruucda doorashooyinka.
    • Waxa kale oo ay niyad-jabisaa muwaadiniinta hiigsanaya inuu dalkoodu horumaro. Muddo kordhintii loo sameeyey Xukuumadda haatan, talada dalka haysa iyo kuwii ka horeeyeyba, waxay ku keentay Somaliland Sumcad daro, ka soo waajahday adduunyadda ay xidhiidka la leedahay, waxa aanay keentay in dalku galo qalalaase siyaasadeed oo ka dhaca dalka gudihiisa.
    • Waxa aanu aaminsan nahay in dib u-dhaca doorashooyinku ay wiiqeen nabaddii iyo Xasiloonidii dalkani ku soo caano maalay oo u baahan in loo gurmado.
    • Waxa kale oo jira in dawladda, Axsaabta iyo Goleyaasha Sharci dajinta dhamaantood aanay iska kaashan sidii ay doorashooyinku ugu qabsoomi lahaayeen xiliga loo asteeyo, isla markaan lagu baraarugo uun sanadka ugu dambeeya muddo xileedka xukuumadda markaa hogaaminaysa dalka. Waxayna bilowda hawlaha doorashada sanadka ugu dambeeya muddo xileedka. Wakhtigaa badan ee ka lumayna, waxa uu sahalayaa in muddo kordhin loo sameeyo xukuumadda.
    • Waxa kale oo dib- udhaca doorashooyinka ka qayb qaata dhaqaalaha loogu talo-galay qabsoomida doorashada oo aan xiligeeda la helin iyadoo ay aad u jiidanto dhaqaalaha laga sugayo qaadhaan bixiyeyaasha ee beesha caalamka.
    • Waxyaabaha doorka wayn ka qaata dib u dhaca doorishooyinku waxa ka mida doorashooyinka isdaba jooga ah ee la doonayo in la qabto sida madaxtooyada, golaha wakiilada, iyo goloyaasha deegaanka ee dalka. Iyadoo aanu dalku awoodin dhaqaale ahaan in doorasho kasta si gaara loo qabto oo ay ku sigato inay khalkhal siyaasadeed ka abuurmo isla markaana waxyeelo weyn u gaysta nabada iyo xasiloonida waddanka.
    • Waxa kale oo aan wali diyaar ahayn shuruucdii lagu dooran lahaa goleyaasha Wakiiladda, Guurtida isla markaana aanu jirin rabitaan siyaasadeed oo soo dedejiya wada-xaajood ama doodo ku saabsan sidii mustaqbalka loo diyaarin lahaa qaabka ugu haboon ee loo dooran lahaa meteleyaasha bulshada ee goleyaasha barlamaanka (Representatives and Guurti). Tusaale ahaan Golaha Wakiiladu muddo 12 sanadood ah oo ay shaqaynayeen may samayn xeerkii iyaga lagu dooran lahaa, marka doorashadooda la soo hadal qaadana waxay meesha keenaan sami qaybsiga gobolada oo muran ka dhaliya gobolada.
    • Waxa aanu aaminsanahay in dhamaan waxyaalahaa aan soo sheegnay iyo qaar kaloo badani ay yihiin dhibaatooyinka laga dhaxlo muddo kordhinta muddo-xileedka xukuumadaha soo maray Somaliland.
    • Tirada Muddo Kordhineed Ee Golaha Guurtidu Ansixiyey (1995-2017)

Sida aan ku ogaanay daarasad aanu ku samaynay warbixino laga qoray tirade muddo kordhineed ee loo sameey xukuumadihii iskaga dambeeyey maamulka xukuumadda Jamahuuriyadda Somaliland, waana sidan ku cod shaxdan hoose

  1. Muddo Kordhinta Madaxtooyadda
Tirada Muddo kordhinta Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal

( 2 Jeer)

Madaxweyne Dahir Rayaale Kahin

( 2 Jeer)

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamoud (Silanyo)

( 2 Jeer)

6-Jeer 1.       (1995-1996)

2.       (2001-2002)

1.       (2008-2009)

2.       (2009-2010)

1.       (July, 2015 March, 2017)

2.       (April, 2017- Dec, 2017)

 

  1. Ilaa bilowgii aasaaska Golaha Wakiiladda, waxa loo sameeyey 5 jeer,
  2. Gollaha Guurtidu markasta oo xukuumadda loo sameeyo muddo kordhin gollah Guurtidu waxa uu ka dambayney muddo hal sano ah iyadoo ilaa maanta uu ku fadhiyo muddo kordhin oo aanu jirin nidaam loo qoondeeyey in lagu soo doorto.
    1. Halka golaha deegaanka doorashooyinka Somaliland la qabtay laba jeer oo kaliya muddo 15 sano ah.
  1. Talooyinku ku socda, Xukuumadda, Axsaabta Siyaasada iyo Muwaadiniinta Reer Somaliland
    • In la sameeyo qorshayaal lagu hagayo laguna hubinayo in doorashooyinku wakhtigooda loo asteeyey lagu qabto oo aanay dhaafin, xukuumada, xisbiyada iyo goleyaasha sharci dejintuna ay ka wada shaqeeyaan sidii qorshahaa loo hirgalin lahaa.
    • In dhaqaalaha doorashooyinka ku baxa lagu daro miisaaniyadda dawladda si looga baxo in marka doorashooyinku soo dhawaadaan la raadiyo dhaqaalihii lagu qaban lahaa doorashooyinka. Waxaana amaan muddan Xukuumadda Somaliland oo sanadkan gabi ahaan ba bixisay dhaqaalihii doorashada Madaxtooyadda.
    • In doorashooyinka isdaba jooga ah ee mid kasta gaarkeeda loo galayo la diyaariyo qorshihii mar qudha loo wada qaban lahaa, si xukuumada la doortaa u hesho muddo 5 sano ah oo ay wadanka u shaqayso halka imika xukumaddii la doortaabaa sanad kasta inay doorasho uun diyaariso ay ku jirto.
    • In goleyaasha sharci dejintu ay xilkooda gutaan oo ay dhamaystiran shuruucda wali dhiman ama qabyada ah oo haddii aan la dhamaystirin dhibaato ku keeni kara in doorashooyinku dib u dhacaan. Gaar ahaan in si dhakhsaha ah loo diyaariyo shuruucdii lagu dooran lahaa golaha baarlamaanka iyo kii lagu dooran lahaa ama lagu xulan lahaa golaha Guurtida Jamuuriyada Somaliland.
    • Waxa aanu u soo jeedinaynaa murashixiinta tartamayaa inay ilaaliyaan nabadgalyadda isla markaana ay si cad u aqbalaan natiijadda ka soo baxda doorashada oo ay muujiyaan qaangaadhnimo.
    • Waxa kale oo aanu ugu baaqaynaa xisbiyadda siyaasadda inay ilaaliyaan anshaxa ololaha oo aanay adeegsanid haddalo kala gaynaya muwaadiniinta ay codka ka doonayaan. isla markaana aan dhalinyarada loo adeegsanin in sixun loogu ololeeyo.
    • Waxa aanu ugu baaqaynaa in bulshadu ka qayb-qaadato ilaalinta amniga oo ay la shaqeeyaan ciidamada amaanka si doorasho xor iyo xalaal ahi inoogu qabsoonto.

 

Allaa Mahad leh

Dufcadii ugu horaysay ee ka qalin jabisay waxbarashada sare ee  barashada nabada iyo Xalinta Khilaafaadka (Master’s degree), IPCS UOH

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here