“Xisbiga Kulmiye waxa uu xooga saarayaa in gobol kasta laga hirgeliyo beero oo aynu cuntada la soo baxno”

0
76

Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo Khudbad Muhiim ah u Jeediyey Taageerayaasha Xisbiga ee Hargeysa

 

 

Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad muhiim ah u jeediyey kumanaan taageerayaasha xisbiga ah oo isugu soo baxay fagaaraha Beerta Xorriyadda ee caasimadda Hargeysa oo uu kala qaybgalay maalintii kowaad ee ololaha xisbiga KULMIYE maanta.

Murrashax Muuse Biixi oo waxa uu khudbaddiisa kaga hadlay arrimo kala duwan oo la xidhiidha qaranimada Jamhuuriyadda iyo ka midho-dhalinteeda iyo qorshayaasha horumarineed ee u astaysan inuu wax ka qabto mustaqbalka.

Ugu horreyn; Md. Muuse Biixi waxa uu sheegay haddii uu ku guulaysto talada dalka ee doorashada qabsoomaysa bisha dambe uu xoogga saarayo horumarinta wax-soo-saarka dalaga beeraha Somaliland, si dalku u helo cunto ku filan. Waxa kaloo uu tilmaamay in xisbiga KULMIYE  horumarin doono seerayaasha xoolaha si kayd loogu helo abaaraha soo noqnoqda ee aafeeyay xoolaha Somaliland.

“Toddoba iyo laabatan sannadood ka hor  ayey waxgaradkii Somaliland hadday culimo tahay, hadday aqoonyahan tahay, haddii siyaasi yahay iyo hadday madaxdii SNM tahayba, waxay go’aansadeen in xornimadoodi luntay lixdankii ay la soo noqdaan oo laga bilaabo 1991-kii ay noqdaan dawlad xor ah, 16 sanno ka hor waxay bulshada reer Somaliland dhammaantood u coddeeyeen in qarannimada Somaliland tahay muqadas oo ay tahay qaran madaxbannaan, waxgaradkaas iyo waayeelkaasi waxay arkayeen in aanay qarannimdooda cidna u daba fadhiisan ee ay iyagu maamushaan, waxaannu u sheegaynaa waddamada jaarka, beesha caalamka iyo dawladda Xamar intaba in aanaan Soomaalinimada nebcayn ee ay Somaliland ilaa daraawiish ilaa SNM ay Somaliland ahayd tii u dagaalamaysay xornimada dadka Soomaaliyeed, macquul maaha in maanta nalagu eedeeyo Somaliland waxay necebtahay Soomaali, waxaan leeyahay Soomaali waa wada Soomaali laakiin waa kala talo oo waa kala dawlad,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi, waxaannu intaa raaciyey hadalkiisa, “Walaalayaal waxgaradii Somaliland ee lix iyo labaatan sanno ka hor aragtidoodu waxay ahayd in la dhiso dawlad ka wanaagsan tii Xamar ee ina dumisay waxay doonayeen inay sameeyaan dawlad musuqmaasuqa ka xor ah oo caddaalad ku dhisan, himiladaas ay lahaayeen waxgaradka reer Somaliland ee maalintii Burco iyo maalintii Boorama ayuu xisbiga KULMIYE fulinayaa, intii uu xilka hayayna wax badan ayuu ka fuliyay mustaqbalkana waddadaas ayuu ku sucdaa.”

Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE waxa uu faahfaahiyey dhibaatooyinka ka jira Somaliland iyo sida uu doonayo inuu wax uga qabto mustaqbalka haddii la doorto, waxaannu yidhi, “Walaalayaal maanta dhibaatada ina haysataa waa Faqri iyo dhaqaale xumo iyo sicir-barar, waxaynu kaga bixi karnaa innaga oo shaqayna ee kaga bixi karimayno innaga oo is dhaleecayna, daraasad la sameeyay cuntada aynu u baahanahay sannadkii waxaynu kaga bixi karnaa iyada oo gobol kasta oo Somaliland ah laga beero shan iyo toban kiiloomitir oo keliya, haddii aynu itaas beerno cuntadeena oo dhan waynu la soo bixi karnaa, horumar ma gaadhayo dal aan cuntadiisa la soo bixin, adduunyada lama arag dal xoolo leh oo haddana loo soo dhoofiyo caano maraaci iyo caano boodhe, Geella ugu badan ayeynu leenahay adduunka haddana waxaynu soo waaridnaa caano boodhe, carruurteena ayaad ka arkaysaa gaajada haysa.”

Guddoomiyaha xisbiga kulmiey waxa uu sheegay haddii uu ku guulaysto talada dalka uu sannadka ugu horreeya uu xooga saari doono sidii loo horumarin lahaa wax soo saarka dalaga beeraha Somaliland, waxaanu yidhi “Xisbiga KULMIYE waxa uu xoogga saarayaa in gobol kasta oo Somaliland ah laga beero 15 KM (Kiiloomitir) oo aynu cuntada la soo baxno, in aynu xoolaha dejino oo seero u samayno, KULMIYE aqbali maayo dhulka xoolaha loo kaydinayo in kooxi sheegato oo qori soo qaadato oo ay qaranka iyo xoolaha ku disho gaajo.”

Waxa kaloo uu ballanqaaday inuu hirgelin doono saaxad ay isku aaminaan ganacsatada iyo dawladda iyo weliba shacabku si loo helo hannaan lagu abuuri karo maalgashi gudaha dalka ah, “KULMIYE waxa uu walaalaynayaa oo isu keenayaa dadka ganacsatada ah, iyaga xoolahooda ayaa la daryeelayaa, waa in ay aamin noqdaan xoolahoodu, ganacsatadeenu waa dad hal abuur leh, iyaga oo aan haysan dawlad iyo LC (nidaamka baananku sameeyaan dhoofinta iyo soo dejinta ganacsatada) ayey sameeyeen shirkadaha waawayn ee lagu faanayo, Dahabshiil, Telesom, Somcabel, Daalo, SBI iyo kuwo kaleba, iyaga iyo dawladu waa in ay walaalo noqdaan oo ay wada shaqeeyaan.”

Mar uu ka hadlayey siyaasaddiisa arrimaha dibadda iyo waxyaabaha uga meelyaal, waxaannu yidhi, “Arrimaha dibadda waxaynu ka bilaabaynaa jaarka iyo Africa, waynu garnaqsanaynaa, nimanka Xamar gole caalami ah ayaynu isla tagaynaa, caalamka waxaynu u sheegaynaa dawladda intaas oo doorasho ee aanay cidi ictiraafsanayn, dawladda ilaalinaysa xeebta intaa dhererkeedu leegyahay ee iyana iska ilaalinaysa, caalamkana ka ilaalinaysa xaq bay u leedahay in ay hesho ictiraafkeeda, caalamkana gar baynu la hor tagaynaa waanan xoojinaynaa.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE waxa uu mahadnaq iyo ammaanba u jeediyey Madaxweynaha Qaranka Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo muddada uu dalka soo hoggaaminayey iyo horumarka ballaadhan ee uu sameeyey.

“Waxaan u mahadnaqayaa dadweynaha reer Somaliland, gaar haan Gobolka Maroodi-jeex, waan idinku bogaadinayaa sida diiran ee aad isugu soo baxdeen, waxa kale oo aynu bogaadinaynaa madaxweynaha Somaliland mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) wuxuu inoo qabtay iyo waddadii uu inoo jeexay ee horumarka ahayd oo taa aynu raacayno ah, waxa kale oo aynu hambalyaynaynaa in maanta qarankii Somaliland bari iyo galbeed midaysan yahay oo Khaatumadii u dambaysay shalay la saxeexay heshiiskeedii, waxaynu ilaalinaynaa taariikhda uu ka tagay Madaxweynuhu,” ayuu yidhi Murrashax Muuse Biixi.

Ugu dambayntii waxa uu farriin u diray codbixiyayaasha Somaliland, waxaannu yidhi, “Dhammaan muwaadiniinta codka bixinaysa waxaan ogaysiinayaa inay kala duwan yihiin goobtii uu kaadhka ka qaatay iyo goobta uu ka codaynayo, markaa qof kata kaadhkiisa dhabarkiisa ayay ku qoran tahay  goobta uu ka codaynayaa, dadka waayeelka ah dhalinyarada kaxaynaysaa ha eegto khaadhka dhabarkiisa, halkaas ayay ka helayaan goobta codayntu.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here