Maxay Guusha Madaxweynaha La Doortay Uga Dhigantahay Wadahadallada Somaliland Iyo Soomaaliya?

0
100

Hargeysa (Hubaal) Doorashadii ka dhacday Somaliland 13kii bishan Nofembar, ayaa kusoo dhammaatay si nabad gelyo ah, waxaana madaxweyne loo doortay Muuse Biixi oo ahaa musharraxa xisbiga Kulmiye ee hadda talada haya.

Mid ka mid ah waxyaabihii uu ololaha doorashada ku galay ayaa ah in wadahallada Somaliland iyo Soomaaliya dib loo bilaabo, si cusubna loo wajoho.

Wax wada hadalo ah ma aysan dhicin tan iyo intii lagu kala kacay kulankii Turkiga bishii Maarso ee 2015kii, sababahana waxaa qayb ka ahaa hoggaanka sare ee labada dhinac oo uu xiliga kasii dhammaanayay.

Balse maadaama hadda la doortay hoggaan cusub oo labada dhinac ah oo haysta sharciyad buuxda sanooyinka soo socda, waxaa rajo weyn laga qabaa in ay dib u biloowdaan wadahadallada sida uu qabo Guuleed Axmed Jaamac oo ah cilmi baadhe ka tirsan xarunta daraasaadka siyaasadda ee CPA ee fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa.

“Madaxweynaha cusub ee hadda la doortay waxyaabaha horyaalla ee ugu muhiimsan ayay ka mid tahay wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya, intii ololaha doorashada lagu jireyna waxa ay ka mid ahaayeen waxyaabaha ay xisbiyada ka hadlayeen, wuxuuna marar badan muujiyay in aanu ku faraxsanayn qaabka uu wadahadalka hadda u socday, waxaa la filayaa in isbadal ku iman doono qaabkii ay u socdeen” ayuu yidhi Guuleed.

“Murashaxan wuxuu ahaa qofka ugu adadag xaga wadahadallada, wuxuu muujiyay dhaliilo badan, Muuse waxaa lagu yaqaanaa in uu aad ugu ad adagyahay dhinaca gooni isu taagga, waxaa koobaad ee uu diidanaa waxa ay ahaayeen in Turkiga uu wadahadallada marti galiyo, iyo in la helo cid dhexdhexaadin rasmi ah samaysa” ayuu Guuleed ku daray. Wadahalladu waxay billoowdeen sanadkii 2012kii ka dib markii madaxweyne Siilaanyo uu baarlamaanka Somaliland ka ansixiyay ogolaansho ah in dowladiisa ay wadahadal la furi karto dowladda federaalka Soomaaliya.

Muuse Biixi oo xisbigiisa Kulmiye uu wadahalada bilaabay ayaa hadal uu ka jeediyay dooddii BBC-da u qabatay musharixiinta ayuu ku yidhi “Sidii Turkiga ka dhacday ee nalagu yidhi adinku iska sheekeysta anagu diyaar u manihin. Waxaan rabnaa inay jirto cid dhexdexaad ah oo inoo kala gar naqda”

Xarunta daraasaadka siyaasadda ee CPA ayaa cilmi baadhis ay ka qortay wadahadallada bishii December ee 2015kii ku waafaqsan Muuse Biixi aragtidiisa, waxaana lagu sheegay in aanu jirin hal dal oo loo igmaday dhexdhexaadinta, taasi badalkeeda ay arrinta faraha kula jiraan dalalka Turkiga, Imaaraadka, Britain iyo Jabuuti oo dhammaantood leh dano kala duwan oo ay wadahalada ka leeyihiin.

Saansaantii ugu horeysay ee muujinaysa wax rajo ah ayaa ah hadalkii uu dhawaan soo saaray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo uu ugu hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Somaliland.

“Madaxweynaha la doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi waxaan u ballanqaadayaa inaan kala shaqeynayo dar-dargelinta wadahadalladii u dhaxeeyey Dowlada Federaalka iyo Somaliland si aan u soo celinno kalsoonida shacabka.” Ayuu ku yidhi war qoraal ah oo kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Balse sidaas uma sahlana hawsha, waxaana jira caqabado ku gudban wadahadallada sida uu qabo Guuleed Axmed Jaamac “Si cilmiyeysan oo niyad sami ah laguma billaabin wadahadalada, waxay ahaayeen kuwa loo galay in wadahal la galo uun, labada dhinac waa in ay wax ka badalaan ergooyinka ay dirsanayaan, qorshayaasha ay la tagayaan, waa in dad joogto ah loo xilsaaro oo maalin kasta wajiyo cusub oon wixii hore aan ka warqabin aanan loo dirin, ka dibna meel eber ah aan wax laga soo bilaabin” ayuu yidhi.

Daraasaddii ay xarunta hore u samaysay ayay sidoo kale ku sheegtay in qodobbada lagu heshiiyo wadahalada oo aanan la fulinin ay horseedi karto in wadahadalada ay guuleysan waayaan, tusaale ahaan in wadahadalladii lasoo afjaray 9kii Luulyo 2013kii lagu heshiiyay in maamulka hawada Soomaaliya si wadajir ah loo maamulo, Hargeysana xarun looga dhigo. Balse Somaliland ayaa dowladda federaalka ku eedeysay inay jabisay qodobkaasi.

Dalabka labada dhinac

Waxay daraasaddu intaas ku dartay in hadallada aan haboonayn ee warbaahinta laga sheegayo aysan caawinaynin in natiijo fiican la gaaro.

Dalabka ugu weyn ee ay Somaliland ka doonayso wadahalada ayaa ah in ay aqoonsi hesho, balse dhanka Soomaaliya dalabkaasi ma ahan mid sahlan aqbalistiisa.

Doorashada sida wanaagsan ku soo dhamaatay ee Somaliland ayaa waxay dad badan filayaan in ay usoo jiidi doonto in caalamka uu usoo jeedsado arrimaha aqoonsiga, balse sida uu qabo Guuleed doorasho hannaan dimoqraadiyadeed ku dhacday ma ahan mid soo dadajinaysa aqoonsiga ” doorashada dhicitaankeeda waxaan rajaynayaa in ay soo jiidato beesha caalamka oo taageero iyo caawimaad siiso Somaliland, balse anigu ma qabo in ay aqoonsi keeni karto” ayuu yidhi Guuleed.

Dadka reer Somaliland waa ay la qabsadeen xaqiiqada ah in aysan sahlanayn in aqoonsi la helo maadaamaa hadda 26 sano laga joogo markii gooni isu taagga lagu dhawaaqay, walina aanan la helin hal dal oo aqoonsada, waxaa kale oo la’isku raacsanyahay in sida uu noqonayo mustaqbalka Somaliland ay ku xiranyihiin waxa kasoo baxa wadahallada labada dhinac.

Balse in wadahalada ay najaxaan lafteeda ayaa waxa ay ku xirantahay madaxweynaha cusub Muuse Biixi iyo kan Soomaaliya Farmaajo sida ay hawshan isugu xilqaamaan iyo tanaasulaadka ay sameeyaan.

Mid ka mid ah talooyinka wax ku oolka ah ee ay daraasadda ku sheegtay xarunta CPA waxaa ka mid ah in bulshada qeybaheeda kala duwan laga qeybgaliyo wadahalada, kadibna heshiisyada la gaaro laga ansixiyo baarlamaannada Somaliland iyo Federaalka.

Xigasho: BBC somali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here