Xiliga Kala Guurka iyo Boobka Dhulka Danta Guud ee Suuqa Gobonimo iyo Guriga Xisbiga agagaarkiisa.

0
51

(Fariin Madaxweynaha la Doortey)

Magaalada Hargeysi waa Caasimada Somaliland. Waa magaalada ugu shacabka badan Magaalooyinka Somaliland, Koritaanka Caasimada Hargeysa ayaa ah mid xawli ku socda dhinac kasta, jiho kasta Taas oo ay la socoto baahiyaheeda magaalo koraysaa u baahantahay oo ah in Xaafadkasta iyo Degsiimo Cusub oo magaaladu gaadhaa u  baahantahay Biyihii,Goobihii waxbarasho,Saldhig ama Rugo Boolis oo amniga suga Goroomo Caruurtu ku Ciyaarto, Wadooyin Waafiya oo dadka iyo gaadiidku adeegsadaan.

Diyaarintaa Baahiyaha aan kor kusoo sheegnay cida Xukuumada uga masuulka ahi waa Golaha deegaanka oo uu hormuud u yahay Maayirka magaaladu. Waxay se u shaqeeyaan sidaa Si kasoo horjeeda oo Caksi ku ah, Waxay sifo sharcidaro ah uga faaiideysataan goobihii danta guud ee ahayd in laga hirgaliyo goobaha adeegyada bulshada. Waxay is Dano is dhaafsi ah u siiyaan Masuuliyiinta kale ee dawlada, Sidoo kale waxay Qiime hoose kaga iibiyaan Qawlaysato Ganacsadayaala.

Aan usoo daadegno dulucda iyo ujeedada Maqaalka,

Suuqa Gobonimo waa mid ka mida Suuqyada waa weyn ee Magaalada hargeysa waxaanu ku yaalaa Degmada 26 june waxaa la aasaasey  Sanadkii 2002 Waxaana Ogolaanshaha in goobtaa Suuq laga dhigo saxeexay Madaxweynihii hore ee Somaliland (AHNX) Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxaa fulisey Dawldada hoose oo kaashaneysa dadweyniihii u baahnaa Suuqa oo bixiyay lacagta lagu dhisey Dhismayaashii suuqa loogu talagalay.Suuqa wuxuu ka koobanyahay Guud qeyabaha kala duwan ee suug looga baahanyahay Bacadleyaal,Khudradley,iyo Tukaamo,Hiliblayaasha,Caanaleyda, intaaba dhismahoodii wuu dhisanyahay.

Waxaa dheer intaa Meelahii Banaanaa ee Baabuurta rarka sidaa is taagi lahayd waana meesha kaliya ee Maanta Gawaadhida Khudaarta kala duwan iyo Caanaha magaalada soo galiyaa istaagi karaan, waxna ku Rogi karaan Rarna kana qaadi karaan. Waxaa kaloo Jirta in Gurigii Xusbiga Dhulkan Hore looga dhisay Hareeraha Gudahaba Siyaabo kala duwan Weerar dhul raadis ah loogu hayo.

Hadaba Madaxweyne intii Banaaneyd ee magaaladaa dhan ee Hargeysa Parkin-ka u ahayd ayay Maanta Doonayaan Golihii Deegaanka ee Caasimadu in ay ka dhisaan Dhismayaal Sharci daro ah oo Cid gaara uga faaiideynayaan, Qorshaha maayirku  wataa waxaa weeyaan waxaan Hangaro uga dhisayaa Dumarka Khudaarta mase aha sidaa, oo waxaa Hore u dhisan Tiraba Sedex Hangar oo loogu talo galay Khudradleyda Suuqa,iyo Inta kale oo lamida ,Waxaa dabada kawadaana waa Mashruuc ay Hay,ad la hoos ordayaan iyo Ganacsato Wajahadaha laga iibinayo.

Waxaanu Madaxweyne kula Socodsiineyaa in tiraba laba Madaxweyne oo kaa horeeyay ay dhulkan Xayireen, Kana mabnuuceen in wax dhisme ah laga Bineeyo.

Madaxweyne Dadka waxay kugu doorteen Inaad wax ka badasho Nidaamkan Dawliga ah ee Danyarta Baadha.

W/Q: Cabdiraxmaan Cali Nuur( Bulshaawi)

Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here