Haweenay Caan ah oo Axsaabteeda  ka Dalbatay Talo Fajiciso Noqotay

0
139

 

Gabadha haysata koobka tennis-ka, Serena Williams, waxaa suuragal ah in ay la kulmeyso dhibaatadii ugu wayneyd, waxayna taageerayaasheeda baraha bulshada waydiisatay in ay kala taliyaan sida wax looga qabto inanteeda oo ilko ay u soo baxayaan.

 

“Ilka soo bixidda way dhibbadan tahay,” ayey u sheegtay asxaabteeda. Inteeda waxa la yidhaahdaa Alexis Olympia Ohanian Jr, waxay dhalatay 1 Sebtembar. Waxay tilmaamtay in xabag, ay u fasaxdo in ay faraheeda dhuuqdo. Waxay sido kale sheegtay in ay dhabta ku hayso illaa ay ka seexanayso, siday daabacday BBC Soomaali oo warkan aanu ka soo xiganay.

 

.Dadka Serena asxaabta kula ah baraha bulshada waxay siiyeen talooyiin kala duwan. waxay ku taliyeen in khudaar la qaboojiyay ay siiso ama baraf (maro lagu duubay ama wax jilicsan). Sidoo kale qaar baa waxay soo jeediyeen  in buskut la siiyo ama kiriim loogu talagalay ilkaha  ay u mariso.

Waxaa jiro dad soo jeediyay isticmaalka caanaha naasaha, haddii weli ay naaska nuugeyso, ama ay naaska siiso illaa inanta  uu ka ba’ayo cuncunka ay ciridka ka dareemeyso.

 

Dad badan ayaa ereyo dheeragelin ah u soo qoray, waxayna u sheegeen in arrintan cuncunka ka dhasho ilkaha u soo baxaya caruurta, aysan waqti badan qaadan.

 

Calaamada lagu ogaado in ilmaha  ay ilko u soo baxayaan waxaa ka mid ah in uu nuugo faraha, ama wixii kale ee gacanta u soo gala.

 

Inta badan caruurta wuxuu cirid-cuncunka ku bilowdaa markay lix bilood gaadhaan, inkastoo qaar ka mid ah ay ku dhashaan, kuwana wuxuu ku bilowdaa inta aanay  afar bilood gaadhin. Sidoo kale waxaa jira kuwo billaaba marka ay gaadhaan 12 bilood, sida ay sheegtay laanta caafimaadka UK ee NHS.

 

Gudgude.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here