Daawo Sawirrada+AKHRI: “Waa Markii U Horeysay Ee Aanu Aragno Wasiir Inta Uu Wax Noo Ballan-qaaday, Maalintii Uu Nala Ballamay Maalintii Ka Horreysayba Noo Keenaa”

0
175

Daawo Sawirrada+AKHRI: Wasiirka  Shaqo-gellinta Oo Kormeer Xogogaal Noqosho  Ah Ku Tagtay Xarunta Daryeelka Caruurta Darbijiifka Ee Mohamed Mooge

 

Wasiirka shaqo galinta, arrimaha bulshada iyo qoyska Hinda Jaamac Xirsi  ayaa deeq ku wareejisay xarunta daryeelka iyo dhaqan celinta ee Maxamed Mooga qalab ciyaareed iyo agab kale oo la halmaala.

Munaasibada wareejinta agabkan oo lagu qabtay xarunta daryeelka iyo dhaqan celinta ee Maxamed Mooge ayaa waxa ka soo qayb galay Agaasimaha guud ee wasaaraddaasi iyo saraakiil kale.

Mid ka mid ah Caruurta ku jirta xarunta daryeelka iyo dhaqan celinta oo wasiirka uga mahadceliyey deeqda ay soo gaadhsiisay ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu arki jirnay wasiiro intay wax noo balan qaadaan aan nagu soo noqon, balse waa markii u horeysay ee aanu aragno wasiir inta uu wax noo balan qaaday maalintii uu noo balan qaaday maalintii ka horeysayba noo keenay, waananu u mahadnaqaynaa”.

Ugu dambayntii Wasiirka shaqo galinta, arrimaha bulshada iyo qoyska Hinda Jaamac Xirsi  oo Goobtaasi Kahadashay ayaa tidhi

“Waxaan aad u salaamayaa caruurta quruxda badan ee halkn ku sugan, sidaa darteed aniga oo ka duulaya oo fulinaya balanqaadada shaqo iyo ka run sheegida shaqo ee uu nagu hoggaaminayo madaxweynaha na magacaabay mudane Muuse Biixi Cabdi  ayaa waxa aan idiinku soo deg degay inaanay balanqaadkaygii koowaad aanu noqon mid dib u dhaca ee aan ka soo qadimo maadaama oo wakhigeedii uu suurtogali kari waayey waxa kasta oo aan idiin balanqaadaana idamka ILAAHEY waxa ay noqon doonaan sida maanta oo kale idamka ALLE”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here