“21 Bilood Kadib Salaama Wasiir!”

0
207

 

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa Arbacada 20 Bishan, si rasmi ah ugu wareejinaya xilkii wasiirka cusub ee wasaaradan Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Guri Barwaaqo, kadib markii uu muddo 21 bilood ah hoggaaminayey wasaaradaas. Wasiir Caddaani waxa uu xilkii wasaaradda uu la wareegay 24kii Feberwari 2016kii, waxaanu ahaa wasiirkii 19-aad ee soo maray wasaaradan 26kii sannadood ee Somaliland madax-bannaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya. Kama hadlayo siyaasadda iyo xisbinimada oo ay dhici karto in dadka qaar kula col yihiin, qaarna ku jecel yihiin mowqifkiisa siyaasadeed. Waxaan se ku ammaanayaa in muddadii uu wasaaradan xasaasiga ah majaraha u hayey inuu ahaa wasiir shaqada ku wanaagsan iyo maamulkaba. waxaan uga soo joogey inuu qabtay dhawr qoddob oo waaweyn oo kala ah:-

1-Inuu ku guulaystay qaddiyad hortii xal loo waayey oo ahayd kala sareyn dhinaca mushaharka iyo gunnada la xidhiidhay oo caddaalad darro xalaalowday ahayd; tusaale ahaan, waxa jirtay in qof shaqaale ahi uu ka gunno badnaa qof agaasime waaxeed ah ama ku-xigeen waaxeed ah. Sidaas si leeg in laba qof oo isku shaqo ah oo isku heer ahi (Grade) ay aad u kala gunno badnaayeen.

Wasiir Caddaani wuxuu si isku sar-go’an u simay gunnada shaqaalaha, waxaanu dhaqan geliyey In laba qof oo isku derajo ahiba ay gunno isku mid ah u xaadiraan.

2- Wuxuu gunno u qoray 214 qof oo aan wasaaradda habayareetee wax gunno ah ka qaadan jirin.

3- wuxuu sannadkan sii galbanaya 2017 u suurtogashay inuu shaqaale joogto ah ka dhigo in ka badan 100 qof oo hawl-wadeenno ku-meelgaadh ka ahaa wasaaradda.

Waxaan uga mahadcelinayaa in 46 ka mid ah shaqaalahaas joogtada laga dhigay ay ka shaqeeyaan wargeysyada iyo madbacada Dawan, iyadoo hawlwadeennadan qaarkood 8 sannadood nala shaqeynayeen aanu muddo dheer u raadinaynay in laga dhigo shaqaale rigli ah. wuxuu talaabada wasiirku naga fujisay culays weyn oo aanu muddo la noolayn.

Wasiir Caddaani oo aan dhawr jeer shirar wasaaradda dhexdeeda ah yeelanay, waxa uu ahaa masuul shaqo jacayl iyo daacadnimo lafta kaga jirtay aan ka dareemay. Wuxuu si furfuran saraakiisha ka hooseysa ugu ixtiraami jiray shaqadooda. Waxase uu joogto u daweyn jiray iinta shaqo ee ka timaada waaxaha kala duwan ee wasaaradda. Waxa kaloo uu si joogto ah u bogaadin jiray wixii horu-socod ah ee warbaahinta dawladdu ku talaabsato.Waxa kaloo aan xusayaa inuu cashuur badan u xereeyey muddadiisii wasaaradda maaliyadda.

Anigana ku dhawoo qof kasta oo xil qaran hayaa waa hubaal inuu maalin uun laga beddeli doono xafiiska dawladda, taasi oo ah dhaqan dawliya oo soo jireen ah.

Wasiirku wuxuu ahaa nin xaruuri ah oo hadal cad, calool ku sidna aan lahayn. Sidaas darteed, waxaan ku sagootiyayaa niyadsamaan iyo duco. Waxaanan u rajaynayaa guul iyo gobanimo ‘Salaama Wasiir’

Qalinkii Cumar Maxamed Faarax

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here