23 Bilood Oo Kasoo Kabasho Ah Ka Dib Suuqii Ganacsiga Westgate Oo Bishan18-keeda Albaabada Loo Furayo

0
31

Nairobi (Hubaal-W/wararka)-Xarunta Ganacsiga Westgate ee Magaalada Nairobi, ayaa la sheegay in dib loo furi doono 18-ka bishan aan ku jirto ee July, waxaana dib u furistaan ay ku soo beegmeysaa mudo labo sano ku dhow oo suuqaas uu xidhnaa. Agaasimaha guud ee xaruntaas ganacsi Alex Trachtenberg, ayaa sheegay in dib furista Westgate ay imaneyso kadib mudo saddex iyo labaatan bilood ah oo lagu guda jiray dib u dhiska iyo casriyeynta dhismahaas, hadana ay howshisii soo dhammaatay.  Waxa uu intaas ku daray maamuluhu in weerarkii lagu qaaday Suuqaas uu ka tagay khasaaro sababay burbur xoogan oo soo gaadhay dhismahaas iyo mid mood iyo maalba lahaa. Isagoona intaas ku daray iney dib ugu soo dhaweynayaan Westgate dadkii ka adeegan jiray.

westgate mallTaariikhda la shaaciyay in dib loo howl-galin doono Xaruntaas ganacsi, ayaa ku beegan maalinimada Sabtida ah ee soo socoto; waxeyna ku aadan tahay maalmaha Ciida oo fasax guud ka ah wadanka Kenya.  Dib u furista suuqaas waxaa la sheegay iney la bilaabi doonaan shaqadooda xarumo ganacsi oo caan ah sida; Nakumatt, ArtCaffé iyo Ashleys oo hore ugu dhex yaallay dhismahaas.  Waxaa sidoo kale iyagana dib u howl bilaabi doona Dukaamo, Makhaayado, Goobo la isku qurxiyo, kuwo lagu qaxweeyo, meelo carruurta lagu ciyaarsiiyo iyo xarumo Madadaalo oo xarumo ku lahaa dhismaha Westgate isla markaasna wada shaaciyay iney diyaar u yihiin sii wadida shaqadooda.  Suuqa Ganacsiga Westgate Mall ee magaalada Nairobi oo weerarkii lagu qaaday bishii sagaalaad ee sanadii 2013 ay ku dhinteen inta la og yahay 71 qof, ayna ku dhaawacmeen boqolaal kale, ayaa waxaa  dagaal socday afar maalin oo weerarkaas la socday fuliyay afar nin oo la sheegay iney ka tirsanayeen ururka Al Shabaab ee Somalia ka dagaalama.  Qaybo kamid ahaa dhismaha Westgate, ayaa la dumiyay kadib markii xoogagii qabsaday laga saari waayay mudo afar maalmood aheyd.  23 bilood kadib weerarkii Westgate Al Shabaab wali waxey sii wadaan weerarada ay ka fuliyaan gudaha wadanka Kenya, iyagoona dad badan ku dilay weeraro ka dhacay gobalka Waqooyi Bari iyo Gobalka Xeebta Kenya.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here