“27-ka July Haddii La Gaadho Aniga Iyo Axmed Siilaanyo Talada Ma Kala Xigno, Waayo…..”

0
29

Hargeysa (Hubaal)-Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta qaranka Md Xasan Guure Jaamac, ayaa ka Hadlay ujeeddada shir qaran oo midowga mucaaridka somaliland iclaamiyeen in la qaban doono maalmaha soo socda.

guureXasan Guure oo ka Hadlayey madashii isbahaysiga Mucaaridku shirkaas ka iclaaminayeen maalintii shalay, ayaa xaqiijiyey inay shirkaas qaban doonaan qiime kasta oo ay ugu kacaysaba.

Mujaahid Xasan Guure waxa hoosta ka xarriiqay inay shirkaas qabanayaan xataa haddii awood ciidan lagala hortago,   “shirku wuu qabsoomayaa haddii ay xukuumaddu neceb tahay iyo haddii ay jeceshahayba. Haddii ay cudud ciidan timaaddana maxamed siyaad barre-ba cududiisii soconweyday, Ciddii taas qabtaan candhuufteeda dib ha u liqdo.” Ayuu yidhi Xasan Guure.

Xasan Guure oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in dulqaadkii ka dhammaaday, isla-markaana madaxweynaha ay ka dhammaatay muddadii xaqa ahayd ee la siiyey, isagoo intaas ku daray in marka  la gaadho 27-ka bishan aan kursiga madaxtinimada dalka aanay cidi ka xigin, waxana uu yidhi,“intii hore lexejeclaa na haysay, Annagu umaanu dagaallamin inaanu kursi ku haysanno umana soconee waxanu u soconaa dimuqraaddiyad iyo caddaalad, Talada dalkana muddaaa la siiyey madaxweynaha muddadiina way ka dhammaatay, intii horena il-dabaale yar baa jirtey oo waar malaha berry buu qaban doonaaye u kaadiya waxanuse gaadhnay wakhti ay dhammaatay muddadii aanu isku ogayn, horena waxan u idhi 27-ka jullay haddii la gaadho aniga iyo axmed siilaanyo talada ma kala xigno, waayo isaga muddaa loo doortay haddii 27-ka bishan gaadhona muddadii la doortay ma aha.”

Mujaahid Xasan Guure waxa uu faahfaahin ka bixiyey Ajandaha shirkaasi yeelan doono iyo cidda kasoo qaybgeli doonta, waxana uu yidhi,

“Shirka waxa kasoo qaybgeliya umada somalilnad, ajanduhuna waxa uu noqonayaa inaanu dalku mugid gelin, waxana laga doodayaa sidii dalka looga  badbaadin lahaa inuu mugdi galo.”

Mar Guddoomiye Xasan Guure la weydiiyey waxa ay yeeli doonaan haddii xukuumaddu baaqyadooda dhegaysan weydo, ayaa waxa uu yidhi,“Haddii dhegaha la furi waayo waanu furi doonaa, waana la yaqaanna sida dhegaha loo furo.”

Hadalka Xasan Guure Jaamac, ayaa kusoo beegmaya xilli maalmo kooban laga joogo wakhtiga ay ku egtahay muddo-xileedka rasmiga ah ee Madaxweynaha, iyadoo sidoo kalena muddo-kordhinta xukuumadda loo sameeyey tahay mid mucaaridku si weyn uga soo horjeedaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here