“28 Sanno Ayaa 18-May La Soo Xusayay, Xuskeeduna Waa Mid Aan Xukuumad Khaas Ku Ahayn”

0
1

Guddoomiyaha Dalladda Dhallinyarada Somaliland Ee Sonyo Oo Baaq Ku Wajahan Xuska Munaasibadda 18-Ka May U Diray Dhallinyarada Dalka

Hargeysa (Hubaal) Guddoomiyaha dalladda dhallinyarada Somaliland ee Sonyo oo maanta shir-jaraa’id qabtay ayaa baaq u diray guud ahaan bulshada Somaliland, gaar ahaan dhalinyarada. Baaqan oo ku wajahan xuska maalinta 18-may ee fooda inagu soo haysa, ayaa guddoomiyaha Sonyo Cabdicasiis Siciid Saalax waxa uu yidhi; “Bishani waa bishii May oo maantana (shalay) ah 15 may, waa maalin runtii ku suntan taariikh 28 sanno soo dhisnayd, isla markaana ku timid shacabka doonistiisa iyo in ummadda JSL ay yeelato dawlad iskeed u madaxbanaan, xudeedaheedu iyo shacabkeeduba sugan yahay, munaasibadan 28 sanno ayaa la soo xusayay, xuskeeduna waa mid aan xukuumad khaas ku ahayn, laakiin loo dhan yahay, carruur iyo cirooleba, ganacsato iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada, sidaasi daraadeed baaqani wuxu yahay in xusitaanka gooni isutaaga JSL inay tahay maalin ku weyn shacabka, Sonyo ahaana sanad walba waanu ka qaybgalnaa, hadday yihiin ururadayada jooga dhammaan jamhuuriyadda. Si gaara waxaan farriin u farayaa dhallinyarada maanta uu ugu weyn yahay 30-jirku, waxaad hoos joogteen calankan idinkoo yaryar ayaa lagu dhawaaqay, waxaad wax ku barateen cashuurtii iyo shaqaalihii dawladda JSL, waad ku hanaqaadeen, jaamacado ayaad kaga baxdeen, qarankani abaalka uu idinka sugayaa waxa weeyi, inaad ka qaybqaadataan dhiskiisa, horumarintiisa inta karaankiina ah, laakiin inaad reero hunguri raac uun aad iska noqotaan oo aad social media-ha waxaad doontaan ka samaysaan idinkama mudna, dbcan xoriyatul-qawlku wuu jiraa, laakiin aasaaska iyo bud-dhiga iyo heshiiska ummaddeed ee aynu ku wada nool nahay maaha in runtii lagu kaftamo.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha dalladda dhallinyarada Somaliland ee Sonyo Cabdicasiis Siciid Saalax oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa

SHARE
Article horeHargeysa: Qoyska Reer Seeraar Oo Xukuumadda Ka Cawday
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here